Buug Xambaarsan Daraasado Laga Sameeyay Afrika oo la Guddoon siiyey Madaxweynaha Somaliland

0
317

Hargeysa-(Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka gudoomay Buugga Making Africa Work, Khabiir la yidhaahdo Dr Greg Mills, oo u dhashay dalka Koonfur Afrika, oo booqasho ku yimmi dalka.

Kulankan Madaxweyne  Muuse Biixi la yeeshay Dr. Mills oo safiir-xigeenka Somaliland u fadhiya Itoobiya, Mr. Ayaanle Salaad booqashadiisa Somaliland uu ka dambeeyey, ayaa gudoonsiiyey Buug magaciisa la yidhaahdo ‘Diyaarinta Afrika Shaqaysa’ (Making Africa Work).

Buugan oo machadka Brenthurst Foundation, daabacay bishii June sannadkii hore, ayaa lagu falanqeynayaa saddex caqabadood oo saamayn ku leh horumarka qarniyada soo socda ee waddamada Qaarada Afrika, maadaama tirada dadkeedu gaadhayaan laba Bilyan sannadka 2045 sida la saadaaliyey.

Sidoo kale caqabadaha lagaga hadlay buuggan ayaa lagu sheegay inay ka mid tahay in kala badh dadkaasi oo dhallinyaro ah oo adeegsada isgaadhsiinta telefoonka gacantu  soo geli doonaan magaalooyinka,  haddii si wanaagsan loo qorsheeyo horumarkooda, laga dhaxli doono natiijada isbeddelkii loo baahnaa.

Buuggan ayaa lagu sheegay inuu koobsanayo daraasaad lagu sameeyey isbeddelka tirakoobka bulshada iyo cilmi-baadhisyo lagu qeexay qaababka barwaaqada Afrika lagu gaadhi karo.

Booqashada khabiirkan u dhashay dalka Koonfur Afrika, ayaa ku soo beegmaya kulan shalay Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Mr. Yuusuf Maxamed Cabdi kaga hadlayey hawlaha ay qabteen muddadii ay xilka hayeen iyo Miisaaniyada sannadka 2018 ee ay diyaarinteeda wadaan  oo uu sheegay inay muhiimadooda ka mid tahay si loo gaadho aqoonsi caalami ah oo Somaliland hesho inay xidhiidho iyo wada shaqeyn Somaliland ula wadaagi lahayd machadyada Caalamka iyo Khubarrada waaya-aragnimada u leh siyaasadaha dunida.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply