Dawladda Somaliland oo Caddeysay Inaanay Xidhiidh Gooniya la Lahayn Dalalka Masar iyo Turkiga

0
314

Hargeysa(Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaacisay inaanu jirin cilaaqaad gaar ah oo ka dhexeeya dalalka Turkiga, Masar iyo waddamada Gacanka carabta. Isla markaana aanu jirin waddan kaliya oo adduunka ku yaala oo  uu xidhiidhkoodu xun yahay.

 

Sidaasna waxa sheegay Wasiirka Arrimaha dibadda somaliland, Dr. Sacad Cali Shire oo  u warramay Wargeyska Capital ee ka soo baxa  caasimadda Addis Ababa ee waddanka Itoobiya. Waxa kaloo uu ka hadlay qorsheyaasha uu madaxweynaha cusub ee Somaliland diiradda saarayo iyo rajada uu ka qabo in Somaliland laga soo saaro shiidaal.

Wasiir Sacad oo la weydiiyey waxyaabaha mudnaanta kowaad uu siinayo madaxweynaha cusub ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, waxa uu yidhi; “Waxa guulaystay isla xisbi siyaasadeedkii hore  ee  tallada  hayay, madaxweyne kastaana  wuxuu la  yimaadaa  Qorshaha  uu muhiimadda saarayo, ajandaha kowaad ee xukuumaddani,  waa horumarinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka. Sidoo kale nabadgelyaddu had iyo jeer waa  ta ugu muhiimsan ee ahmiyadda la saarayo. Sidii ay xukuumaddii hore ay  muhiimadda ugu lahayd ayey xukuumaddan cusubna  ugu leedahay mudnaanta. Waxa kaloo madaxweynaha cusubi uu awooda saarayaa sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa dhallinyarada.”

 

Mar wax laga waydiiyey wuxuu ku tilmaami  karo xidhiidhka Somaliland la leedahay Turkiga, Masar iyo dalalka Gacanka?, waxa uu ku jawaabay; “Waxaanu soo dhawaynaynaa  saaxiibayada daafaha adduunka oo dhan, waxaan  filayaa inaanu jirin dal kaliya oo xidhiidhkayagu xun yahay, waxase aanu cilaaqaad dhow  oo wanaagsan la leenahay dalalka jaarkayaga ah. xidhiidh gaar ah lama lihin dawladaha Turkiga iyo Masar; waa waddamo aanu saaxiib nahay siday saaxiib ula yihiin Itoobiya-ba.”

 

Wasiir Sacad oo ka jawaabayay su’aal ahayd rajada uu ka qabo in Somaliland laga soo saaro shiidaal,  wuxuu ku jawaabay; “Ilaa kontomeeyadii  iyo afartameeyadii waxa sahanno laga fuliyey  Somaliland. Qaab dhismeedka Joolajiga ah ee Somaliland-na wuxuu la mid yahay ka dalka Yemen, waxaan filayaa  haddii shiidaal  laga helo Yemen, waa suurtogal in  laga helo Somaliland. Sidaas awgeed, waxaanu ku rajo weyn nahay in aanu maalin uun la soo bixi doono shiidaalka.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply