Wasiirka Beeraha oo Kormeeray Beeraleyda Degaanka Laaso-dacawo

0
322

Berbera (Dawan)- Wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed, iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi  ayaa shalay kor meer ku soo maray degaanka beeralayda ah ee Laaso-dawaco oo ka tirsan gobolka Saaxil.

Wasiirka waxaa kormeerkaasi ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradda  beeraha Maxamed Cilmi Aadan (ilkacase),  iyo badhasaabka gobolka Saaxil. Iyadoo ay soo indha indheeyeen tacabka beeraha.

Waxaana  markii ay gaadheen degaanka beeralayda ah ee Laasodacawo ku soo dhaweeyay maamulka degaanka laasodacawo, xildhibaano ka tirsan golaha degaanka Berbera iyo xubno aka socday ururka beeralayda Laasodacawo.

Wasiirka iyo agaasimaha guud waxaa warbixino la xidhiidha dhibaatooyinka haysta iyo hawlahoodda tacabka beeraha ka siiyay dadka beeralayda ah iyo masuuliyiinta ururka beeralayda Laasodacawo.

Axmed Muumin Seed, oo hadal ka jeediyay kadib markii uu kor meerka ku soo maray dhulka beeralayda ah ee Laasodacawo, ayaa sheegay in aanu filaynin in beero sidan u badan oo weliba tacab fara badan la geliyay in ay ku yaalaan gobolka Saaxil.

Wasiir Seed, waxa uu tilmaamay in beeraha sida fiican looga shaqeeyay ee ku yaala degaankaasi ay mudan yihiin in la barbar istaago, iyadoo laga dhabaynayo balan qaadkii madaxweynaha iyo xukuumadiisa ee ahaa in wax soo saarka gudaha kor loo qaado.

Waxaanu yidhi “Qoladayadda galbeedka marka la joog, aniga Berbera ayaa beerro leh tiradaba iiguma jirin, balse maanta (shalay) soo eeg ayuunbaan is lahaa. Waayo? Dekadda iyo kalluunka ayuunbaa Saaxil lagu xaman jiray.

Wax soo saarka degaanka Laasodacawo maanta (shalay) ayaan indhahayga ku arkay, waxaanan soo arkay dhul badan oo ay ku yaalaan beero aad looga shaqeeyay. Dalkeenu haddii aynu wax kala soo baxno wuu manaafacaad badan yahay”.

Sidoo kale agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha Maxamed Cilmi Aadan, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dadka beeralayda ah looga baahan yahay in aanay cid shisheeye ah waxba ka sugin, balse loo baahan yahay in iyaga iyo xukuumadu ay isku tashadaan.

Maxamed Ilkacase, waxa uu  tilmaamay in ay wadaan qorshe la doonayo in beeralayda dalka lagu tababaro sidii ay ula dagaalami lahaayeen cayayaanka dhibaateeya dalaga beeraha. “Arrinta la dagaalanka cayayaanka waxaa la idin bari doonaa sida hawshaasi u qabanaysaan, arrinta  tababarka beeralayda wasiirka ayaa ku dhawaaqi doona.

Laakiin waxaa lagama maarmaan ah in aan arrin iska kaashano, arrintaasi oo ah haddii aynu mar walba wax ka sugno cid shisheeye ah, waxa inaga soo gaadhaa wuu  yaraanayaa, balse marka xoogiina iyo xooga dawladda la isku darro wax badan oo macno leh ayaa inoo soo baxaya, taana waynu iska kaashan doonaa” ayuu yidhi Maxamed Ilkacase.

Geesta kale adhasaabka gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed,  ayaa sheegay inbeeralayda degaankaasi ay si fiican uga shaqaystaan wax soo saarka, hase yeeshee ay jiraan waxyaabo badan oo ay u baahan yihiin in laga taageero.

“Dadka degaankani aad ayay wax u soo saaraan, laakiin weli gacantii iyo aqoontii iyo in loo xidho dooxyadda  ayay u baahan yihiin. Waxaanan dhagax dhignay jidka iska xidha Dhaymoole iyo Berbera, oo ay beeralayda Laasodacawo sii maraan, si ay dadka degaankaasi saacado kooban ugu tegi karaan Berbera”.

Xubno isugu jiray madax dhaqameedka degaankaasi, xildhibaano iyo qaar   ka mid ahaa dadka beeralayda Laasodacawo oo weftga wasiirka warbixin ka siiyay xaaladda beeralayda ayaa tilmaamay in degaankaasi ay ku yaalaan beero gaadhaya ilaa kun beerood oo kuwa waraabka ceelasha ku tiirsan ah.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply