Mashaariicda Hay’adda UNICEF ka Fulinayso Somaliland oo Lagu Wareejinayo Xukuumadda Cusub

0
297

Hargeysa(Dawan)- Wakiilka Hay’adda   UNICEF u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr Steven Lauwrier, ayaa caddeeyey in mashaariicda ay Hay’adaasi ka fulinayso Somaliland  sannadkan  ay toos ugu hagaajin doonto xukuumadda cusub.

Sidaasna waxa uu u qaybsanuhu kaga dhawaaqay kulan uu shalay xarunta madaxtooyada kula yeeshay madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

 

 

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabiley wefti uu hoggaaminayey wakiilka Hay’adda  qarammada midoobay una xilsaaran horumarinta dhallaanka ee UNICEF u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr Steven Lauwrier.

 

Kulankan  madaxweyne ku-xigeenka iyo masuuliyiinta hay’adda UNICEF, ayaa lagaga wada hadlay arrimo dhawra oo ay ka mid yihiin dardar-gelinta iyo ballaadhinta mashruuca maamul-daadejinta dawladaha Hoose ee JPLG oo lagu wado in laga ballaadhiyo sidii hore.

Waxa kale oo ay labada dhinac ka wada hadleen xaaladda abaarta ka soo cusboonaatay gobollada dalka qaar ka mid ah oo waqti yar dabadeed mar kale dib u soo rogaal celisay, xilli aan laga soo kaban raadadka abaartii sannado ka hor dalka oo dhan saamaysay, waxaana uu wakiilku ballan qaaday in ay qayb weyn ka qaadan doonaan dhinacooda.

 

Waxyaabaha kale ee kulankan lagaga wada hadlay, ayaa waxa kamid ah mashruuc cusub oo ay UNICEF ugu talo-gashay in lagu nafaqeeyo Hooyada iyo dhallaanka, iyada oo qorshaha sannadka cusub ee 2018-ka ee ay UNICEF ugu talo-gashay inay ka fuliso Somaliland-na uu kamid ahaa waxyaabihii kulankan lagu faaqiday, waxaana uu u qaysanaha hay’adda UNICEF ee Somaliland iyo Soomaaliya, Mr Steven ku ammaanay Somaliland  dedaalka iyo horumarka ballaadhan ee ay ka samaysay dhinaca arrimaha bulshada, taasna ay abaalkeeda ku heleen in sannadkan cusubi uu noqdo mid ka duwan sannadihii hore oo deeqaha ay ugu talo-galeena ay noqonayaan kuwo si toos ah loogu soo hagaajin doono Somaliland oo aanay UNICEF cid kale u soo marinayn.Kulankan, ayaa ku soo dhammaaday is af-garad iyo in meel looga soo wada jeedo sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada la xidhiidha arrimaha bulshada ee ka dhexeeya Somaliland iyo UNICEF.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply