Xukuumadda oo Dejinaysa Siyaasadda Isticmaalka Shillinka Somaliland

0
305

Hargeysa(Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka hadashay siyaasad lagu maamuli doono  lacagta shillinka Somaliland isla markaana kor loogu qaadayo qiimaha lacagta dalka

Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Somaliland Xasan Maxamed Gaafaadhi oo ka mid ah gudida Madaxweynaha Somaliland u saaray  kasoo talo bixinta xakamaynta sicir bararka iyo qiima dhacashillinka Somaliland ooshalay ka hadlayay kulan ay gudidu ku qabatay shir saxaafadeed,ayaa sheegay in dawladdu tallaabooyin badan qaadayso isla markaana ay kor ugu qaadayso qiimaha shillinka Somaliland,waxaanu yidhi wasiirku.“Sida aad ogtihiin waxaa uu madaxweynaha Somaliland guddi u saaray in ay kasoo talo bixiyaan sababa qiimo dhaca lacagta Somaliland iyo sicir bararka keenay muddo badan ayay gudidaasi daraasado samaynaysay daraasado hore oo la sameeyayna ay ka baaraan degaysay   intii  warbaahinta  soo gaadhayna waxay ahayd go’aanka  quseeyay labada Shirkadood ee lacagta mobilka isticmaala (Zaad Telesom) iyo (E-Dahab Somtel) laakiin waxaanu idiin sheegaynaa in barnaamijku aanu ahayn mid labadaa shirkadood ku koobnaa ee uu yahay mid si balaadhan u daraasaynayay  oo uu dib u eegis ku samaynayay siyaasadda lacagta ee saamaynta ku leh dhaqaaleheenna.”

Wasiir Gaafaadhi oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa ku daray “Waxaa ka mid in la eego sababaha keenay in shillinka Somaliland hoos u dhaco,waxaa la isla gartay qodobo door ah oo lagu adkaynayo sidii shillinka Somaliland qiimihiisa u yeelan lahaa,sideedaba umad waliba lacagteeda ayay isticmaashaa laakiin innaga(Somaliland) waxaa inoo gaar  lacag kale oo ka isticmaal badan lacagteenii oo barbar socota oo kaba isticmaal badatay,haddii laba lacagood dhaqaalaha isugu yimaadaan waxaa laga yaabaa in mid uun laga xoog bato waxaanay keliftay in laagteenii uu dollarku ka xoog batay oo uu rogtay sababtuna waxay tahay iyadoo uu yaraaday isticmaalkii shillinka Somaliland waxkastana Dollar lagu macaamilayo, waxyaabo badan ayaanu eegnay ooay ka mid tahay in la adkeeyo hay’addaha dawladda u qaabilsan lacagta iyo maamuulkeeda oo ay ka mid yihiin baanka dhexe iyo wasaaradda horumarinta maaliyadda iyo wasaaradda ganacsiga waxaanu daraasaynay qaababka maanta   ka dhaqan  gala waxaana ka mid ah hawlo badan oo u yaalla oo ay tahay in ay qaadaan baanka dhexe iyo maaliyaddu  oo ah lacagta iyo maamulideeda oo ay ka mid tahay siyaasadda lacagtu oo ay tahay in maaliyadda iyo baanku ay ka wada shaqeeyaan mid ay ku midaysan yihiin oo lacagta iyo maamuliddeeda   loo raaco,waxaa  ka mid ah in waxyaabaha aan daruuriyaadka ahayn ama caafimaadka iyo dhaqaalahaba waxyeellada u ah sidii cashuurtoodadib loogu eegi lahaa korna loogu qaadi lahaa iyadoo la rabo in isticmaalkoodu xadidmo.”

Waxaanu wasiirku intaa raaciyayin loo baahan yahay in umaddu ay lacagteeda aaminto oo ay ku kalsoonaato waxna ku kala iibsato si looga boxo sicir bararka dalka aafeeyay.“Waxaan ummadda u sheegayaa in hawlahani ay yihiin hawlo ballaadhan oo soconaya oo aan maalin keliya iyo wakhti go’an aan ku koobnayn oo ka mid ah qaab nololeedka iyo qaabka shaqo ee xukuumadda oo la rabo in nolosha wax lagaga bedelo qaabka lacagta iyo isticmaalkeedana wax lagaga bedelo  dhaqaalahana kor loogu soo qaado waa isbedel aanu doonayno in uu wax weyn ka taro halka uu maanta dhaqaaleheenu taagan yahay waxaana saldhig u ah in lacagta ummaddu leedahay ee shillinka Somaliland in la isticmaalo oo lagu wada macaamilo oo wax lagu kala iibsado umaddana waxaaa la gudboon in ay lacagtooda aaminaan,dawladda iyo xukuumaddana iyo hay’addaha ku shaqada lehna waxaa la gudboon in ay la timaado in siyaasaddii iyo wixii ay umaddu lacagteeda ku aamini lahayd in ay la timaaddo,arrinta gudidu ay waddaana sidaa.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply