Tirada Dad lagu Maxkamadeynayo ka Ganacsiga Diinka

0
311

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Degaanka iyo horumarinta reer miyiga Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii ugu horraysay soo bandhigtay dad iyo gadiid loo qabqabtay ka ganacsiga suuqa madaw ee dhoofinta Diinka.

 

Agaasimaha guud ee wasaaradda degaanka, Maxamed Cilmi Xuseen,  ayaa sharraxaad ka bixiyey tirada dadka iyo gaadiidka ay u qabteen ka ganacsiga xayawaanka diinka, kuwaasi oo uu sheegay in ay dhammaantood horgeyn doonaan sharciga.

“Waxaanu lix Diin iyo gadiidkii oo wasaaradda gudaheeda yaalaya aanu ku soo qabannay degmada Cadaadley iyo degmada Maroodi-jeex, waxaanu gacanta ku haynaa sagaal qof oo ah dadkii ku eedaysnaa in ay hawshaas fulinayeen, waxaanu horgeynay sharciga oo hadda way xidhan yihiin,”ayuu yidhi Agaasimaha Guud.

 

Wasiirka Wasaaradda Degaanka iyo horumarinta reer miyiga, Marwo Shukri Xaaji Ismaciil Baandare,  ayaa sheegtay in aannay weli gacanta ku soo dhigin dadkii ka iibsanayey dadka ay ku soo qabteen lixda Diin, waxaanay tidhi “Weli gacanta kuma hayno dadkii ka iibsanayey dadka aanu ku soo qabanay. Diinka dalal badan baa laga cunaa laakiin weli dunida maynan arag Diin laga dhoofinayo qaarada Afrika, waana dhacdo inagu cusub.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply