Wasiirka Ganacsiga oo Qiime u Jaray Iibka Shiidaalka

0
320

Hargaysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa go’aamo ka soo saartay qiimaha lagu iibinayo noocyada shiidaalka ee Naaftada iyo Baatroolka, kuwaasi oo maalmihii ugu dambeeyay uu sare u kac ku yimid, waxaanay jaan goysay qiimaha la siin karo shiidaalka.

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga, warshadaha iyo dalxiiska, Maxamuud Xasan Sacad Saajin, oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in kaalmaha shiidaalku halkii Litir ee Naaftada ah ay ku iibin karaan 7200 oo shilin, halka Litirka Baatroolka ahna lagu iibin karo 8200 oo shilin.
“Qiimaha shiidaalku korna wuu u kacaa, hoosna wuu u dhacaa caalamka, shiidaalka kor u kacayna waxa uu saamayn ku yeeshay dadweynaha, saaka (shalay) waxaanu isu nimid shirkadaha shiidaalka keena dalka, si fiican ayaanu u wada hadalnay, kordhin qiime kordhin ayey sameeyeen shirkadaha shiidaalka keena dalku, kordhin kalana waxa sameeyay kaalmaha shiidaalka iibiya, suuqa ayaana keenay in ay wax kordhiyaan shirkadaha shiidaalka keenaa, laakiinse kaalmaha shiidaalka iibiyaa maanu arag wax daruuriya oo ay u kordhiyaan shiidaalka.
Shirkadaha shiidaalka keenaa waxa aanu ku nidhi ‘wax ka tanaasula’ waanay ku mahadsan yihiin sida ay wax noola qaateen, waxaanu meesha ka saaraynaa kordhinta cusub ee ay kordhiyeen qiimaha shiidaalka kaalmuhu,” ayuu yidhi Wasiirka Ganacsigu.

Waxa kaloo uu intaas raaciyey; “Maanta laga bilaabo halka Litir ee Naaftada ah waxa lagu iibin karaa 7200 shilinka Somaliland ah,korna uma dhaafi karo, halka litir ee Baatroolka ah waxa lagu iibin karaa 8200 oo shilinka Somaliland ah, korna uma dhaafi karo, waxaana lagu iibinayay maalmahan halka litir ee Naaftada 7500, Baatroolkana waxa lagu iibinayay halka litir 8500 shilin.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply