Wasiirka Hawlaha Guud oo Masuuliyiinta Caafimaadka iyo Waxbarashada Kula Shiray Buuhoodle

0
263

Buuhoodle (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guriyaynta Jamhuuriyadda Somaliland Md. C/rashiid Ducaale Qambi,  oo ku sugan magaalada Buuhoodle. ayaa kulamo la yeeshay madaxda gobolkaasi iyo masuuliyiinta laamaha dawladda.

Wasiirka oo Sabtidii gaadhay Buuhoodle ayaa kulamada uu shalay la yeeshay masuuliyiinta laamaha dawladda ee degaankaasi iyo madaxda gobolka Buuhoodle,  waxa uu ku saabsanaa sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyadda aasaasiga ah ee arrimaha bulshada.

Waxaanay madaxda gobolka iyo kuwa laamaha dawladdu wasiirka ka codsadeen in lagu dedaalo  sidii kor loogu qaadi lahaa tayaynta baahiyaha adeegyada bulshada  gobolka oo aad u  hooseeya, isla markaana  loo tayayn lahaa.

Maadaama  ay adeegyada  bulshada  ee aasaasiga ahi ay laf dhabar u yihiin nolosha bulshadda iyo ta degaankaba. Iyadoo masuuliyiintii laamaha dawladda ee uu la kulmay ay ka mid ahaayeen wasaaradaha waxbarashadda, caafimaadka iyo ururadda bulshada rayidka ah.

Wasiirka hawlaha guud, oo la hadlay masuuliyiintii uu la kulmay ayaa u balan-qaaday in xukuumadda cusub ee madaxweyne Muuse Biixi   wax ka qabanayso  adeegyada bulshada, kuwaasoo qayb ka ahaa  balan-qaadyadii madaxweynaha ee xiligii uu ku jiray ololihii doorashadii madaxtooyada ee waddanka ka qabsoontay bishii November ee sannadkii hore.

Dhinaca kale booqashada wasiirka ayaa  la xidhiidha mid ku salaysan soo qiimaynta   baahiyaha adeegyada bulsho iyo maamul daadejinta  gobolka Buuhoodle.  Waxaana la filayaa in uu maalmaha soo socda kormeer ugu baxo degmooyinka, magaalooyinka iyo dhulka baadiyaha ah ee ka tirsan Buuhoodle.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply