Shir Lagu Xoojinayey Cunto Soo Saarka Dalka oo Lagu Qabtay Hargeysa

0
298

Hargaysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda horumarinta Beeraha  Jamhuuriyadda Somaliland, Md.  Axmed Muumin Seed, ayaa  shalay   furay shir ay wasaaradda iyo hay’addaha beeraha ka shaqeeyaa kaga arrinsanayeen sidii loo dar dar gelin lahaa kor u qaadista  hawlaha Cunto soo saarka dalka.

Shirkan oo ka  qabsoomay xarunta wasaaradda horumarinta beeraha  waxa ka soo qayb galay hay’addaha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee wasaaradda kala  shaqeeya arrimaha beeraha, waxaana wasiirka ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradaasi iyo  maareeyaha hay’adda maaraynta aafooyinka dabiiciga ah iyo kaydka raashinka.

Axmed Muumin Seed, wasiirka horumarinta beeraha  oo hadal   ka jeediyey furitaanka shirkaasi ayaa  sheegay in loo baahan yahay hawlaha beeraha markay hay’adduhu ka shaqaynayaan in guud ahaan laga wada socdo si loo doorto sida ay ugu kala muhiimsan yihiin, waxaanu  yidhi “Wasaaradda horumarinta beeruhu waxay dhiirigelinaysaa in dhammaan dhinacyada ka shaqeeya arrimaha beeruhu ay wasaaradda kala socodsiiyaan hawlaha ay qabanayaan si loo kala horumariyo siyaabaha ay muhiimadda u kala leeyihiin, isla markaana ay hawlaha la qabtaa  joogto u noqdaan.

Shirkan aynu isugu nimid waxa uu daaran yahay sidii aynu uga wada socon lahayn hawlaha beeraha ee la qabanayo ee aanay cid walba meel gaar ah hawsha ka wadeen si ay kor ugu kacdo heerka cunto soo saar ee dalku.”

 

Sidoo kale agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Beeraha  Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), oo isna halkaasi ka hadlay  ayaa   tilmaamay inay muhiimadeeda leedahay in dhammaan hay’addaha ka shaqeeya arrimaha beeraha iyo wasaaradda beeruhu ka wada tashadaan nidaamka wax soo saar ee dalka.  “Sharaf weyn ayay dhamaanteen inoo tahay in Wasaaradda horumarinta beeraha iyo hay’addaha ka shaqeeya arrimaha beeruhu shir ay kaga tashanayaan arrimaha wax soo saarka iskugu yimaadaan”ayuu yidhi agaasime Ilkacase.

Geesta kale maareeyayaasha hay’addaha la tacaalida Aafooyinka iyo  Kaydka raashinka ee Somaliland Faysal Cali Sheekh Maxamed, oo ka mid ahaa masuuliyiintii shirka ka soo qayb galay  ayaa   sheegay in wasaaradda horumarinta beeraha iyo hay’addiisu  wadashaqayn balaadhani  ka dhaxayso.

Waxaanu  yidhi   “Dhibaatooyinka qaranka waxa ka mid ah meelihii kaydka cuntada oo aanu dalku lahayn taasi ayaanu wasaaradda horumarinta beeraha ka wada shaqaynaynaa oo wada shaqayn balaadhan ayaa naga dhaxaysa”.

Ugu danbayn shirkan ayaa ahaa mid muddo hal maalin ah  soconayay,  iyadoo gabo gabadii shirka lagu balamay in la joogteeyo shirarka noocan oo kale ah, si ay iskula jaanqaadaan mashaariicda horumarinta beeraha ee ay wadaan hay’adaha iyo wasaaradda beeruhu.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply