Cali Khaliif oo Puntland ku Eedeeyey Inay Dagaal ku Hayso Beelaha Gobollada Bariga Somaliland

0
296

Hargaysa (Dawan)- Siyaasi  Cali Khaliif Galaydh, ayaa soo dhaweeyay  in ay mar kale dib u furmaan wadahadallo dhex maro Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana ay arrintaasi tahay mid loo baahan yahay in natiijo fiican laga gaadho.

Cali Khaliif, waxa  uu tilmaamay  haddii si buuxda la iskula qaato waxyaabaha la isku hayo in uu isagu shaqsiyan soo dhawaynayo boqolkiiba  boqol. Waxaanu yidhi “Waan soo dhawaynayaa in wada hadalladu ay dib u furmaan, haddii wadahadalka  daacad laga yahay, dadkuna ay ku qanacsan yihiin  oo ay diyaar u yihiin, arrimo cul-culus ayaa meesha yaalla, haddii kuwaa la isla qaato 100% waan soo dhawaynayaa”.

Cali Khaliif,  oo isagoo ku sugan dalka Jarmalka u waramay HCTV ayaa sidoo kale  ka jawaabay hadalo ka soo yeedhay xubno ka mid shaqsiyaadkii ay isaga wada aasaaseen maamulkii Khaatumo, kuwaasoo uu sheegay in ay dantoodda ka dhex arkeen in ay wax ku darsadaan dawladda Xamar.

Balse uu isagu taa beddelkeeda doorbiday in bulshada degaamadda Khaatumo dantoodda iyo mustaqbalkoodu in uu ku jiro ummadda Somaliland oo ay waxyaabo badan wadaagaan in ay wax ku darsadaan.

“Nimankaa aad sheegayso, waxaan leeyahay waa la kala danaystay, waxyaabahan ay ku andacoonayeen  waxba kama jiraan. Ragga aanu wada dhisnay Khaatumo ee aan aadka ugu han-weynaa iyagaa tashaday, iyaga ayaana dantoodda u arkay Xamar  in ay uga badinayso” ayuu yidhi Cali Galaydh.

Dhinaca kale Prof. Cali Galaydh, ayaa ka hadlay meesha uu ku danbeeyay iyo waxa iska beddelay heshiiskii hore u dhex maray maamulkiisii Khaatumo iyo xukuumaddii madaxweyne Siilaanyo,  Waxaanu sheegay in heshiiskaasi  uu soo afjaray wadahadalo muddo dheer soo socday. Hese yeeshee Galaydh ayaa duray dhibaatooyin maamulka Puntland ka wadaan degaannada bariga in ay sababeen in aan hay’adaha caalamiga ah tegi wayaan dhulkaasiwaxaanu yidhi “Annaga iyo Somaliland aad ayaanu ugu tun-tuunsanay arrinkaasi, waxa noogu daraana wuxuu ahaa in nabadi dhacdo, waxa kaloo aanu isla soo qaadnay ciidamo Khaatumo leedahay in la qarameeyo. Taasoo ah in wixii guud ee xuduudaha Somaliland lagu wada daafacayo  ee ciidan qaran uu ku noqonayo in la hello.

Laakiin, waa waxaaba nagaga daran aaga bariga ee ay dadkaasi ku nool yihiin ee Puntland deriska ay ka yihiin dagaalo badan ayaa ka socda, oo siyaasadeed oo iyadoo qabaa’il lagu sheegayo haddana maamulkii Puntland ah.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply