Madaxweynaha Somaliland oo Boqorada Denmark ka Tacsiyadeeyey Geerida Odaygeedii

0
299

Hargeysa(Dawan)-  Madaxweyaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhambaal tacsi ah u diray boqorada dalka Denmark, boqrad Margrethe oo uu ka tacsiyadeeyey geerida odaygeeda Prince Henrik  oo ku dhintay  83 jir.

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu boqrada iyo dawladda dalkaasi gaadhsiiyey dhambaal tacsi ah, waxaana sidaas lagu sheegay farriin ka soo baxday xarunta madaxtooyada waxaanay u qornayd sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, shacbiga iyo boqortooyada dalka Denmark, ka dib geerida ku timid Prince Henrik oo ahaa sayga Boqorada dalka Denmark, boqorad Margrethe.”

 

“Dalka Denmark oo ah dal aynu xidhiidh dhaw wada leenahay kana helno kaalmooyin kala duduwan oo ay ka mid tahay ta ay soo mariyaan sanduuqa horumarinta dhaqaalaha Somaliland ee (Somaliland Development Fun) ee midawga yurub ka soo gala Somaliland iyo hadday noqoto ta ay soo mariyaan hay’ada DANIDA oo ah hay’ad laga leeyahay Denmark. Waxaanu madaxweynuhu boqorada iyo shacbiga dalka Denmark uga tacsiyadeeyey geerida Prince Henrik oo da’a diisu ahayd 83 jir kuna geeriyooday Dalkaasi,”ayaa lagu yidhi dhambaalkaas tacsida ahaa oo uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyada, Maxamuud Warsame Jaamac.

Dhambaalka madaxweynaha ayaa ah mid muhiim ah, maadaama oo dawladda Denmark ay dhaqaale badan siiso Somaliland, waxaanu dhambaalkani noqon karaa niyad-sami sii xoojisa cilaaqaadka labada dal.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply