Dawladda Somaliland oo Yeelatay Shirkaddii Muranka Dhalisay ee Maalgashiga

0
299

Hargaysa (Dawan)- Wasiirrada wasaaradaha horumarinta maaliyadda iyo maalgashiga ee Jamhuuriyadda  Somaliland ayaa  sheegay in shirkad maalgashi oo mulkiyadeedda uu maalmahan u dambeeyay  muran ka taagnaa in ay xukuumaddu leedahay 100%.

 

Labadda wasiir oo shalay si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda Hargaysa in shirkadaasi  ay tahay mid huwan magaca jamhruuiyadda Somaliland, isla markaana ka caawinaysa sidii dawladaha caalamku kaalmo dhaqaale ugu soo marin lahaa.

Waxaanay wasiirradu sheegeen in shirkadani  hawsheedda la soo waday muddo 8 bilood ah ayna  soo dhammaatay lixdii bishan, isla markaana aanay ka filaynin siyaasiyiinta iyo shacabka Somaliland in ay canbaareeyaan shirkadani oo ah mid dalka iyo dadkaba faa’iido badan u leh.

, Wasiirka horumarinta maalgashiga Maxamed Axmed Maxamuud    oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Shirkadan oo la yidhaahdo shirkadda maalgashiga Somaliland, waana shirkad ay dawladda Somaliland ka samaysatay dalka Imaaraadka carabta. Shirkadaasi waxaa laga diiwaangeliyay Dubai financial center meesha la yidhaahdo  oo shirkadaha waaweyn ee adduunka oo dhan laga diiwaangeliyo.

Baahida keentay ama u jeedadda laga  leeyahayna, maadaama oo ay Somaliland u  baahan tahay maalgashi shisheeye  iyo in ay aduunyadda kale la tcaamusho, baanan la aqoonsan yahayna aanay wadankeena ka jirin, waxay inagu kaliftay oo sharci yaqaanadii inagala shaqaynayay maalgashigii shirkadda DP World  waxaanay soo jeediyeen sharciyaqaanadii  in aynu shirkadaa furano oo wax badan fududayn karta ganacsiga aynu aduunka kale la leenahay.

Markaa ayay dhalatay in shirkadaasi la sameeyo, waxaana la bilaabay muddo hadda laga joogo 8 bilood. Wakhti ayaanay qaadatay intii la diiwaangelinayay  hawsha shirkadaasi, waxaanay dhamaatay oo si buuxda loo diiwaangeliyay  lixdii bishan February, oo ay soo baxday in ay shirkad noqotay”.

Geesta kale wasiirka horumarinta maalgashiga  ayaa ka dhawaajiyay in ay xukuumadu ku amaanan tahay hirgelinta shirkadani, balse aanay haboonayn in la dhaliilo siday u shaqaynayso iyo cida ku jirta madaxda sare ee shirkadaasi.

“Waxa ugu badan ee ay shirkadaasi inaga caawin doontaa waxa weeye sidii aynu dunida ula macaamili lahayn, waxaana iska leh shirkadan Somaliland, Somaliland-na sidaan og nahay wixii lacag qabasho ah waxaa u qaabilsan  oo khasnad u ah wasaaradda maaliyadda, waxaana shirkaadasi qayb ka ah wasaaradda maaliyadda Somaliland.  Waxay shirkadu qabanaysaana waa maalgelin.

Waxaanay ku qurux badan tahay in aynu  hambalyayno, marnaba kamaanaan filaynin  dadka reer Somaliland in ay shaki ku noqoto shirkadani. Waxaanan ummadda u sheegaynaa in shirkadani ay Somaliland  leedahay, gacmo amaan ahna ay ku jirto” ayuu yidhi wasiir Cawad.

Dhinaca kale wasiirka horumarinta maaliyadda Yuusuf Maxamed Cabdi, ayaa isna ku difaacay shirkadan in ay tahay mid ay Somaliland baahi weyn u qabtay helitaankeedda, isla markaana ay faa’iido badani ugu jirto xukuumadda.Waxaanu yidhi wasiirku “Shirkadan waxaa la yidhaahdaa shirkadda maalgelinta shisheeye ee Somaliland (Somaliland Investment Company), waana shirkad ay dawladda Somaliland leedahay waxaanay ku dhex taalaa xarunta maalgashiga caalamiga ah ee magaaladda Dubai, waxaana muddo 8 bilood ah socday nidaamkii lagu diiwaangelin lahaa shirkadan, marba meel ayaanay soo martay, laakiin waxaa  si buuxda loo ansixiyay oo ay  u dhamaystirantay.

Dadka ku jira ee madaxda ka ah shirkadani wax waa laga bedeli karaa, waxna waa lagu dari karaa, taasna waxaa awoodeedda leh amdaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanay leedahay sharci u yaalla arrintaasi, marba cidii loo arko in ay ku haboontahay ayaa maamulkeedda lagu kordhin karaa”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply