Itoobiya iyo Somaliland oo ku Heshiiyey Inay Wada Qabsadaan Carwooyin Ganacsi

0
286

Hargeysa (Dawan)- Xafiiska Safaarada Itoobiya ee Hargeysa ayaa sheegay inay kulan shalay dhexmaray masuuliyiintooda iyo madax ka tirsan Rugta Ganacsiga Somaliland.

Qoraal xafiisku soo saaray oo lagu baahiyey bartooda Facebook, ayaa lagu sheegay in Mr. Hailu Alebachew, Xoghayaha kowaad ee Ganacsiga oo kulan la yeeshay Guddoomiye-xigeenka Rugta Ganacsiga Mr. Jamaal Caydiid Ibraahim ka wada hadleen horumarinta xidhiidhka Ganacsiga iyo Maalgashiga ee Itoobiya iyo Somaliland wadaagaan.

Mr. Alebachew ayaa sheegay inay isku afgarteen qabanqaabinta kulamo Ganacsi, Carwooyin ganacsi iyo is-dhaafsiga wufuud ka socota labada geesood, waxaanu yidhi “Waxaan isku afgaranay inaan wadaagno kulamo ganacsi, carwooyin qalabka ganacsiga iyo is-dhaafsiga wufuud Ganacsi, si loo horumariyo xidhiidhka Ganacsi iyo Maalgashiga, isla markaana wadajir labada waddan uga faa’iidaystaan wax-wada-qabsigooda.”

Kulanka ayaa la sheegay inuu jawi wanaagsan ku soo dhammaaday, labada dhinacna u balameen inay kulamo dheeraad ah mustaqbalka dhow wadaagaan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply