Dawladda Jarmalka oo Dugsi Farsamada Gacanta ah ka Hirgelinaya Hargaysa

0
399

Berlin (Dawan)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe,   ayaa shaaca ka qaaday in dugsi weyn oo lagu baran doonno farsamada gacanta in dhawaan dawladda Jarmalku ka dhisi doonto  magaalada Hargaysa, kaasoo ay wax ku baran doonaan dhawr kun oo qof.

Eng. Faysal, waxa uu sheegay in dugsigaas ay maalgelinayso dawladda Jarmalku ay isku afgarteen in lagu barto xirfada  farsamada gacanta

 

 

Guddoomiyaha UCID oo ku sugan dalka Jarmalka isagoo uu weheliyo siyaasi Cali Khaliif Galaydh, ayaa sheegay in ujeeddada ay jarmarka u tageen la xidhiidho  sidii ay dawladda dalkaas uga  codsan lahaayeen inay  kaalmo dheeraad ah siiyaan  Somaliland.

“Prof. Cali Khaliif  ayaan wada joognaa, waxaanu u nimid in aanu dawladda Jarmalka  aanu u sheegno in arrintii wadahadaladii Khaatumo iyo Somaliland ay dhammadeen, dalkuna uu ka soo baxay doorashadii, imikana looga baahan yahay Jarmalku in uu mucaawimo fiican bixiyo oo uu siiyo Somaliland, oo weliba dhulka aan markii hore horumarku gaadhin loo badiyo.

Waxaa aad iyo aad  farxad leh imika in dawladda Jarmalku dugsi weyn oo farsamadda gacanta ah ay ka dhisi doonto  Hargaysa, oo dhawr kun oo qof wax baran  doonaan,”ayuu yidhi Eng. Faysal oo u waramay Bulsho TV isagoo ku sugan magaalada Berlin.

.

Sidoo kale guddoomiyaha UCID waxa uu ka hadlay  waxyaabaha ay xukuumadda cusub ee Muuse Biixi ka fulisay ama ka hirgalay heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland ay wada gaadheen xiligii xukuumaddii Siilaanyo.Waxaanu yidhi “Arrimihii ay ku heshiiyeen Khaatumo iyo Somaliland oo dhan wuu fuliyay madaxweyne Muuse Biixi, weliba si degdeg ah ayuu amar ugu wada bixiyay iyadoo ay ugu horayso  arrinta qaramaynta ciidammadii Khaatumo. Ta kale waxay tahay  magacaabista Maxamed Xaaji Aadan, oo ku jiray wadahadalladii oo metelayay Khaatumo   uu madaxweynuhu wasiir ka dhigay, markaa dedaal fiican ayaa ka muuqda madaxweyne Biixi in uu arrintaasi ka sameeyay. Markaa aad iyo aad ayaanu raali uga nahay ilaa imika sida uu Muuse Biixi u fuliyay waxyaabihii lagu heshiiyay.”

 

Sidoo kalena Faysal Cali Waraabe, oo ka hadlayay hadal haynta la xidhiidha in la filayo inay dhawaan mar kale dib uga furmaan dalka Jabuuti wadahadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, “Way fiican tahay wadahadalka in la bilaabo, waxaanan filayaa in aanay Jabuuti ka bilaabmi doonin ee  Jabuuti ay labada madaxweyne uun ku kulmi doonaan, taasoo u sii gogol xaadhaysa in wadahadalladu ay furmaan. Waxaana loo baahan yahay in wadahadaladaasi si fiican loogu sii diyaar garoobo, wadamo badan oo dhexdhexaad ah oo inaga dhex dhexaadiya Soomaaliya-na aan doorano.

Laakiin tan Jabuuti waa gogol xaadhkii iyo balan qaadkii uun, ay labadda madaxweyne balan qaadayeen in wadahadaladu ay furmaan,”ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.

 

Waxa  kaloo wax laga waydiiyay arrinta shirkad maalgashi oo la sheegay in Somaliland ay leedahay oo maalmahan danbe aad loo hadal hayay  ayaa sheegay in shirkadaasi ay tahay mid aad loogu baahnaa, isla markaana ay weli bilow tahay oo waxyaabo badan oo shuruudihii looga baahanaa ah, waxaanu yidhi;  “Shirkadan maalgashiga dibadda loogu tallo galay ee Somaliland Investment Company magaca Somaliland ayaa lagu diiwaangeliyay, shaqsiyaadna ma leh. In aan shirkad maalgashi samaysano waa loo baahan yahay, laakiin shuruudihii lagu samaynayay iyo dadkii ka masuulka ahaa iyo xeerkeedii weli way hadhsan yihiin. Shirkad maalgashi oo lacag leh oo ina damaanad qaadda oo dadka dalka wax gashanaya damaanad siisa waa loobaahan yahay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply