“Ganacsatadu ha Jebiyaan Qiimaha Maceeshadda” Xildhibaan Cumar Sanweyne

0
343

Hargaysa (Dawan)- Guddoomiyaha Guddi hoosaadka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cumar Axmed Saleebaan (Cumar Sanwayne), ayaa ganacsatada dalka ku dhaliilay qiimaha qaaliga ah ee ay saaraan badeecadaha ay ka soo waaridaan dibadaha ee ay dadweynaha ka iibiyaan.

 

 

“Waxa jirta in ganacsatadu qiimaha ay doonaan ay saaraan waxa ay iibinayaan, iyadoo dhibaato aanu ku hayn sicir bararku, cashuurtii la saaraba iyaguna dadweynaha ayay saaraan, waayo annagu dadweynaha ayaa na soo doortay wixii jirana waa u sheegaynaa, waxaan leenahay qiimaha maceeshada jabiya,” ayuu ydihi Xildhibaanku waxaanu intaas raaciyey  “Wax sahlan ma aha in lala dagaalamo sicir bararka iyo sarrif bararka dalka ka taagan marka aad haysato wax aad wax ku iibsato ayaad iska xakamayn kartaa lacagta qalaad ee doolarka, xoolihii laynaga iibsan jiray waa inaga joogsadeen, markaa xukuumaddu way waddaa sidii wax looga qaban lahaa sicir bararka.”

 

 

Sidoo kale xildhibaanku waxa uu tilmaamay sababaha keenay in dib u dhac ku yimaado wakhtigii xukuumaddu hor keeni lahayd golaha wakiillada miisaaniyad sannadeedka. Waxaanu sheegay in bisha saddexaad golaha wakiillada la hor keeni doono misaaniyad 2018-ka.

 

“Sida sharcigu dhigayo xukuumadda iyo guddida dhaqaaalaha ee golaha wakiillada waa in uu soo diyaariyo miisaaniyad sannadeedka inta aanu dhammaan sannadku, laakiin sannadkan waxa dhacay labo dawladood ayaa isbeddelay oo dawlad cusub ayaa timid, wasaarradihii  iyo hay’adihii dhisnaa sidoodii umay dayn xukuumadani ee waxay isku dartay wasaarado iyo hay’ado” ayuu yidhi xildhibaanku.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Marka intaas oo wasaaradood iyo intaas oo hay’adood marka laysku daro waa in misaaniyadoodii laysku keeno. Waxaana habsaamiyay misaaniyadda kala wareegii ay xilka la kala wareegayeen xukuumaddii hore iyo xukuumadani waxa kale oo la kala badalay sidii misaaniyadda loogu samayn jiray wasaaradaha iyo hay’adaha dawlada, waxaananu filaynaa marka uu golaha wakiilada fasaxa ka soo noqdo bisha saddexaad in golaha wakiilada la hor keeni doono miisaaniyadda”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply