Ciidanka Dabdemiska oo ka Qayb Qaatay Hawl-gal Lagu Bannaynayay Suuqa Waaheen

0
291

Hargeys (Dawan)- Ciidamada Dabdemiska Caasimada Hargeysa ayaa subaxnimadii hore ee shalay ka qayb-qaatay hawlgallo ballaadhan oo isugu jiray bannayn iyo nadiifin, kaas oo laga fulinayay suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa.

Hawlgalkan oo ay ujeedadiisu ahayd sidii nidaam loogu samayn lahaa dadka wadhatada ah ee ka ganacsada suuqa waaheen waxa hoggaaminayay, Duqa Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, Maayor Xigeenka Caasimada Hargeysa Cabdicasiis Cagaweyne, Xoghaya Dawlada Hoose ee Hargeysa iyo Agaasimaha Fulinta Ciidanka Dabdemiska Qaranka.

Sidaana waxa lagu sheegay war qoraal ah oo ay soo saareen ciidamada dabdamiska Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu u dhignaa sidan “Ciidanka Dabdemiska ayaa ujeedada hawlgalkan ay uga qayb galeen ahayd sidii loo heli lahaa Waddooyin iyo meelo loo maro hadii dab kaco suuqaas, iyadoo tiraba dhawr jeer uu ka kacay suuqaasi dabab kala duwan , iyadoo taasi jirto isla markaana caqabado waaweyn ciidanka dabdemiska ka haystaan marka la daminayo dabka waddooyinkii iyo meehsii loo mari lahaa ayaa ciidanka dabdemisku talo ugu soo jeediyay Dawlada Hoose Hargeysa in la helo waddooyin loo maro suuqyada Waaheen iyo Gobanimo, marka lagu jiro hawlgalada dabka, waxaana Maamulka Dawlada Hoose ay ka jawaabeen codsigaas, iyadoo taa laga duulayana waxa la qaaday hawlgaladan lagu nidaaminayay suuqyada Gobanimo iyo Waaheen.

Ugu Horayn waxaa halkaa ka hadlay Agaasimaha Fulinta Ciidanka Dabdemiska oo tilmaamay in aad loogu baahnaa hawlgalkan Dawlada Hoose ee Hargeysana ay aad ugu mahadnaqayaan sida ay u soo qorsheeyeen hawlgalkan, waxaanuu agaasimuhu sheegay in dabdemisku caasimada ay muhiim tahay in loo helo goobo uu maro haduu dab ka kaco suuqyada Hargeysa.

Ugu dambayn waxaa halkaa ka hadlay Duqa Caasimada Hargeysa oo dadweynaha u sheegay in loo samaynayo nidaam iyo bilic in loo helo suuqa Waaheen, sidoo kalena la helo goobo loo maro badbaadada dabka hadii ay dhacdo, waxa kale oo gudoomiyaha golaha deegaanku u sheegay dadweynaha in qofkastaba goobtii uu ku ganacsanayay uu hadhaw dib u heli doono, balse imika tani ay tahay uun in la saxo nidaamka suuqa. Dhanka kale wuxuu gudoomiyuhu xusay in dhamaan suuqyada caasimada qorshadaha dawlada hoose yahay in dib u habayn lagu sameeyo, horena loogu soo sameeyay suuqa Gobonimo ee magaalada Hargeysa. Sidoo kale wuxuu maayarku uga digay dadweynaha inay ku soo noqdaan goobahaa laga raray.

Ugu dambayn hawlgalkaas ayaa soo dhamaaday waxaana dadweynaha suuqa iyo guddida bacadlaha  Waaheenay uga mahadceliyeen sida wanaagsan ee xukuumadoodu adeega u soo gaadhsiinayso.”

 

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply