Maamulaha Dahabshiil oo ku Taliyey in la Taageero Da’yarta Ciyaaraha Jecel

0
19

Hargeysa(Dawan)-  Cabdirashiid Maxamed Siciid, Maamulaha Guud ee Dahabashiil Group, ayaa ugu baaqay ganacsatada, hoggaamiyeyaasha bulshada iyo guud ahaan cid kasta oo gacan ka geysan karta, in la barbar istaago oo si kasta oo ku habboonba loo gacan qabta dhallinyarada  leh hanka iyo hibada ciyaaraha.

Maamulaha Guud oo ka qayb galay tartan orodka dheer ee Marathonka loo yaqaanno iyo mid kale oo 10 kiloomitir ah oo caalami ah oo lagu qabtay Hargeysa Jimcihii la soo dhaafay, ayna ka soo qayb galeen tiro door ah oo ajaanib ah, ayaa isagu muujiyey sida shirkadaha Dahabshiil Group, oo door weyn ku lahaa qabanqaabinta barnaamijkan iyo taageeradiisaba, ugu heellan yihiin, uguna faanayaan dhallinyaro leh awood iyo hiigsi caalami ah oo ciyaareed.

“Hargeysa oo aynu maanta joogno iyo dunida inteeda kale, gaar ahaan meel kasta oo ay dhallinyaro Soomaali ahi isugu timaaddo isboortiga (kubbada cagta, orodada iyo ciyaaraha fududba), waxa muhiim ah in lagu taageero oo la dhiirrigeliyo si ay guulo la taaban karo uga soo hooyaan xirfadahooda iyo hibooyinka ay leeyihiin ciyaaraha,” ayuu yidhi mudane Cabdirashiid, oo ka hadlayey munaasibadda tartannadii Jimcaha loogu qabtay orodyahannada Istaadiyamka weyn ee Hargeisa Sports Stadium.

 

Waxa uu bogaadiyey mudane Cabdirashiid cid kasta oo door muuqda oo aasaasi ku lahayd qabanqaabada, isku-durbaridka iyo hirgelinta tartannada ka qabsoomay Hargeysa ee caalamiga ah haddii ay ahaan lahayd Darlington Foundation, aasaasayaasha wareeagga tartan ee sannadlaha noqon doona ee Somaliland International Marathon Run (www.somalilandmarathon.com, Wasaaradda Ciyaaraha iyo Xidhiidhkeeda Ciyaaraha Fudud, ganacsatada oo Dahabshiil Group ka mid ahaa, iyo dhammaan mutadawiciinta suurtageliyey qabsoomidda tartankan oo isugu jira muwaadiniin iyo ajaanib.

Maamulaha Guud ee Dahabshiil Group, waxa uu mid-mid u gacan qaadayey, ulana sheekaysaneyey dhalllinyaradii soo buux dhaafisay garoonka ciyaaraha ee qaybta ka ahayd tartankii subaxnimada, isaga oo ka tarjumaya aragtida Dahabshiil ee dhiirrigelinta dhallinyarada iyo taageerada daryeelka bulshada.

Shirkadaha Dahabshiil Group waxa ay door muuqda ka qaataan mashaariic kala duwan oo door lixaad leh ka qaata amuuraha caafimaadka, waxbarashada, biyaha, nabadgelyada, ciyaaraha, waddooyinka, iwm. Tartankii Jimcaha ee 42 Kilometre waxa Kaalinta 1aad galay David Hallard (2:55:27), Kaalinta 2aad Guuleed Cabdullahi Maxamuud (3:01:45) iyo Kaalinta Saddexaad Robert Michalski (3:16:44).

 

Dhinaca 10ka kun ee mitir ama tobanka kiloomitir ee ragga waxa kaalinta kowaad ku guuleystey Siciid Farxaan Cumar 34’ 12”, Kaalinta labaad Xamse Haybe Adan 34’32” iyo kaalinta 3aad Maxamuud Ibraahim Muumin 34’ 33’. Hablaha tartankan 10ka kun ee mitir ka qayb galay waxa kaalinta 1aad gashay Vicky Burford(, 2aadna Shaylene Tomarty iyo saddexaad oo ay qaadatay Fawziya Axmed Cumar.

Waxa abaalmirannada guddoonsiiyey guuleystayaasha, bogaadin iyo ammaana u jeediyey dhammaan ka-qaybgalayaasha iyo abaabulayaashaba Wasiirka Arrimaha mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhallinyarada Boos Mire Maxamed. Tartan orodada ama isboortiga guud ahaanba ah oo heer caalami ah waa markii u horreysey ee lagu qabto carro Soomaaliyeed intii ka dambeysey 1991.

Dawannews Hargeysa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here