Ciidanka Booliska oo ka Hadlay Xadhiga Wakiilkii Universal

0
300

Hargeysa(Dawan)- Ciidammada Amniga Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay agaasimihii telefishanka Universal Tv oo ay ku eedeeyeen inuu telefishankiisu sii daayey war laf-jab ku ah ciidanka Booliska.

Ciidanka Booliska ayaa sheegay in sababta loo xidhay tahay in war khalad ah laga baahiyey telefishankaasi, taas oo wax ka sheegaya ciidanka jooga magaaladda Dararweyne oo kala dhex jooga laba beelood oo dhawr jeer dirir ku dhexmartay halkaasi.

“Waxa  ciidanka amnigu xabsiga u taxaabeen agaasimihii Telefishanka UNIVERSAL Maxamed Caabi Digaale  oo telefishanka uu masuulka ka yahay laga sii daayey warar qaranimada iyo ciidankaba laf jab ku ah, iyadoo ciidammada Booliska  ee ku sugan Dararweyne ee habeen iyo maalin walba dadkooda u soo jeeda siday u kala badbaadin lahaayeen ku tilmaamay inay reer yihiin taliyihiina ku tilmaameen inuu reer yahay,arrintaasi baadhisteedii ayuu ciidammada wadaa, sharcigana la gayn doonno,”ayuu yidhi taliye ku xigeenka Booliska Abdiraxmaan Fooxle

Mar la waydiiyey in telefishanku arrintaasi raali galin ka bixiyey inay ku qanci waayeen iyo in kale waxa uu taliye ku xigeenku sheegay in aanay raaligalintaasi khuseyn, waxaanu yidhi “waxaas la soo qoray nama khuseeyeen, waxa wax laga sheegay waa ciidanka Booliska.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply