Telesom oo Fulisay Go’aamadii xukuumaddu ka soo Saartay Xakamaynta Sicir Bararka

0
394

Hargeysa (Dawan)- Go’aamadii ay Xukuumadda Somaliland ka soo saartay la dagaalanka sicir bararka iyo qiimo dhaca shilinka Somaliland oo weli aanu dhamaan wakhtigii loo qabtay in ay dhaqan hirgalaan, ayay ku dhawaaqday shirkadda Telesom in ay fulinayso go’aamadii la duldhigay ee ahaa in aan adeega Zaadka laga diri Karin wixii ka yar boqol doolar, waxaanay sheegtay in ay dhaqan gelinayso 13-ka bishan.

Madaxda shirkadda Telesom waxay sheegeen in ay gebi ahaanba joojiyeen wax ku iibsashada iyo lacag isu dirka adeega Zaad, wixii ka hooseeya boqol dollar, laga bilaabo saddex iyo tobanka bishan, isla markaana ay sidooda u fulin doonaan go’aamadii xukuumadda Somaliland ka soo baxay, intii shirkad ahaan iyaga ka khusaysay.

Tallaabadan ayaa lagaga dhawaaqay shir jaraa’id oo shalay kulmiyay Wasiirka isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadda Dr. Cabddiwali Sh. Cabdilaahi, Guddoomiyha Bangiga dhexe Maxamed Cabdi Ibraahim Dhoobaale, agaasimaha bangiga dhexe Cabdilaahi Xasan Aadan, Guddoomiyaha Shirkadda Telesom Cabdikariim Maxamed Iid, Agaasimaha xidhiidhka guud iyo horumarinta bulshada Cabdiwahaab Maax, Cabdisalaan Ismaaciil Nuur oo ah Agaasimaha waaxda Ganacsiga iyo maamulka sare ee shirkadda Telesom.

Agaasimaha xidhiidhka guud iyo horumarinta bulshada Cabdiwahaab Maax ayaa ugu horrayn halkaasi ka hadlay, waxaanu faahfaahin ka bixiyay tallaabadan ay qaaday shirkadu, waxaanu sheegay in Telesom ay sideeda u fullin doonto qodobadii kaga soo hagaagay Go’aamadii Xukuumaddu kasoo saartay xakamaynta qiima dhaca shillinka Somaliland waqtigii loogu talo galay oo ku eg 13ka bisha 3aad. Sidoo kale wuxuu sheegay lacagta macmiilka ugu jirta Zaadkooda ee ka yar boqol dollar ($100) uu qorku markuu doono kala bixi karo laamaha shirkadda Telesom, “Lacagta macaamiisha ugu jirta Zaad, ee ka yar 100 dollar, wax ka dhacaya oo si ka noqonaya maaha hadduu maqan yahay iyo hadduu joogaba lacagtiisii waxay ugu jirjtaa account-kiisa, halkiisaa ayay u taalaa wuu badalan karaa, wuu la bixi karaa, bangigiisuu dhigan karaa, wuu kala soo bixi karaa, sidoo kale sidii caadiga ahayd ayuu ugu shuban karaa Mobile-kiisa lacag kasta ”.

Mudane Cabdiwahaab Maax isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu intaa raaciyay “ Xawaaladii dibedda ee lacagta looga soo diri jiray macaamiishena danyarta ah ee loo soo diro lacag ka yar Boqol dollar ($100) sideedii bay ahaan doontaa kaliya qofka waxa iska badalaya, lacagtaa qof kale uma diri karo waxna kuma iibsan karo, laakiin wuxuu ku shuban karaa Bangigiisa ama wuxuu kala bixi karaa xafiiska ugu dhaw ee Telesom.”.

Cabdiwahaab waxa kale oo uu sheegay in shirkaddu bulshada u soo kordhisay adeega ku shubashada moobilka ee shilinka Somaliland, oo aan hore u jiri jirin, waxaanu yidhi Waxaanu maanta daah furaynaa adeegaa Zaad Shillin Somaliland Recharge oo qof kasta oo macmiila oo mobile-kiisa shillinku ugu jiraa wuxuu awood u leeyahay inuu ku iibsado hadal ama internet midkuu u baahan yahay, sida uu Dollarkaba ugu shhubto.

Agaasimaha waaxda Ganacsiga ee shirkadda Telesom Cabdisalaan Ismaaciil Nuur ayaa isaguna halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi “Marka laga yimaado Adeegan cusub ee shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ee Telesom soo kordhisay, waxa kale oo aan dadweynaha ogaysiinayaa in laga bilaabo berritoole oo ay bishu tahay 05/03/2018 uu adeegan cusubi si rasmiya ugu shaqayn doono macaamiisha Shirkadda Telesom”.

Cabbdikariim Maxamed Iid oo ah Guddoomiyaha Shirkadda Telesom ayaa isaguna goobtaasi ka hadlay waxaanu sheegay inay fuliyeen Go’aamadii Xukuumaddu soo saartay, Shillinka Somaliland-na ay u soo saareen adeegani. Hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa “Saddexdii qodob ee Xukuumaddu soo saartay laba ka midii way fuleen ka saddexaad ee ah hakinta isticmaalka wixii boqol dollar ka yar ee wax ku iibsashada iyo isku dirku oo isna ku eeg 13-ka bisha inaanu isagana insha ALLAH sidiisa u fulin doono”.

Guddoomiyaha shirkadda Telesom waxa kale oo uu intaasi raaciyay “waxaan jecelahay inaan halkan uga mahad celiyo macaamiisha shirkadda Telesom, kalsoonida iyo taageerada mar walba ay shirkadda la garab taagan yihiin, waxa kaloon ugu bushaaraynayaa sidii ay nooga barteen inaanu mar walba u keeni doono hal-abuuris cusub iyo adeeg hufan oo raali geliya kaas oo wax weyn ka tari doona dhaqdhaqaaqeena ganacsi iyo koboca ganacsi ee dalka”.

Guddoomiyaha iyo Agaasimaha guud ee bangiga dhexe ee Somaliland ayaa labaduba ku amaaneen shirkadda Telesom sida ay u fulisay go’aankii xukuumadda ee xakamaynta sicir bararka iyo qiima dhaca shilinka Somaliland, iyo adeegani cusub ee Zaad shillin Somaliland ee shirkadda Telesom soo saartay.

Agaasime Baanka Dhexe ee Somaliland Cabdilaahi Xasan Aadan waxa uu yidhi “waxaanu aad ugu mahad naqaynaa Shirkadda Telesom sida ay af iyo qoraalba si buuxda u taageertay Go’aamadii Xukuumadda kasoo baxay”.

Guddoomiyaha Bangiga dhexe Maxamed Cabdi Ibraahim (Dhoobaale) ayaa isna sheegay in uu soo dhawaynayo sida ay shirkadu uga fal celisay go’aamadii xukuumadda, waxaanu yidhi “waxaan aad usoo dhawaynayaa amar qaadashada shirkadda Telesom ee awaamiirtii ay soo saartay Dawladdu iyo dhago nuglaanshaha ay sameeyeen iyo xilligii oo ay wali ku taagan yihiin”.

Guddoomiyaha Baanku waxa uu intaasi raaciyay “Adeegani waa horumar cusub oo bulshada u soo kordhay, in shillinka Somaliland berritoolaba lagu dhaqmayo. Waa arrin aad iyo aad u wanaagsan oo farxad leh waanan ku hambalyaynaynaa Shirkadda Teleosm.”

Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda Dr. Cabdiwali Sh. Cabdillaahi oo gabagabadii shirkaasi ka hadlay ayaa ku amaanay shirkadda Telesom inay go’aamadii ka soo baxay xukuumadda Somaliland ay fuliso. Wasiirka oo arrintaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Anigoo ka mid ah guddida Madaxweynuhu u magacaabay in ay wax ka qabtaan hoos u dhaca qiimaha Shillinka iyo sicir bararka ka dhashay isla markaana ah Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolayijadda waxaan maanta aad iyo aad ugu faraxsanahay in shirkadda Telesom daahfurto inay fulliyeen marka koowaad go’aankii ahaa wixii ka yar boqol dollar ($100) loo badalo Shillin-ka Sonaliland. Kaas oo muddadii loogu talo galay ay ka hadhsan yihiin sagaal maalmood, iyadoo aan waqtigii gaadhin in shirkaddu ku dhawaaqday inay diyaar u tahay oo ay fullinayso oo aan aad iyo aad u soo dhawaynayno waxaanan leeyahay waad ku mahadsan tihiin.”

Wasiirku isagoo hadalkii sii wata wuxuu intaa raaciyay “ dad badan waxay u fahmeen in la joojiyay lacagtii mobile-ka dhexmaraysay, lama joojin laakiin waxa loo badalay uun lacagta aynu leenahay ee Somaliland Shillin, shirkaddu waxay intaa ku dartay iyadoon laga codsan in lacagta ku shubashada oo ah lacagta lagu hadlayo iyadana ay shillin ka dhigeen markaa taana aad baad ugu mahadsan tihiin.

Shirkadda Telesom way kasoo baxday qaybteedii, waxaanan u sheegayaa bulshada ciddii ay ugu jirto dollar siddii hore loo sheegay lacagtaasi kama lumayso meel kalena ka mari mayso qofka waxay ugu jiraysaa Zaadkiisa ama account-kiisa, waxaana meesha ka baxday oo keliya inuu wax ku iibsado ama qof kale u diro. Waxaan hadalkaygan kusoo gabagabaynayaa Shirkadda Telesom waxay maanta fulisay ujeedadii ay ka lahayd dawladdu oo ahayd in lacagta telefoonada dhexmaraysaa ay noqoto lacag ku shaqaysa shillinka Somaliland ”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply