“Dawladda Turkigu Dhex Kama Aha Wada-Hadaladda Somaliland iyo Soomaaliya” Xildhibaan Indho Indho

0
336

Hargaysa (Dawan)- Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho Indho) oo ka mid tirsan mudaneyaasha golaha Guurtida Somaliland ayaa sheegay in dawlada Turkey aanay dhex ka noqon karin wadahadalada la filayo in ay mar kale u furmaan Somaliland iyo dawladda Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan, oo shalay Hargaysa kula hadlay warbaahinta waxa uu tilmaamay in uu soo dhawaynayo in dalka Turkey laga wareejiyo wada hadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxaanu carabka uu ku adkeeyay in ay midho dhal noqon waayeen wadahadaladii hore ee lagu qabtay dalka Turkey, waxaanu yidhi “Turkey dhex kama aha wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya madaxweynaha Somaliland waan ku amaanayaa wadahadaladaa laga wareejiyay Turkey, u baaqan maayaan wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya haddii Turkey laga wareejiyay. Waxaananu raacaynaa cidii dhex dhexaad ka noqon karta wadahadalada.

Wada-hadal kasta oo Turkey lagu gallo midho dhal ayuu noqon waayay, halkii uu ka odhan lahaa Turkey waad qaldantihiin Soomaaliya waxay noqotay in uu ka aamuso. Markaa waan ku taageersanahay madaxweynaha haddii laga guuray wadahadalii lagu qaban jiray Turkey”.

Sidoo kale xildhibaanku waxa uu sheegay in aanay waxba ka dhaxayn Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu tilmaamay in aanay Somaliland khusayn daynta laga dhaafayo Soomaaliya, waxaanu yidhi “Soomaaliya Baarlamaan iyo wadan ayaan naga dhaxayn, waxbana ma bedeli karaan baarlamaanka Soomaaliya, waxaana uga digaynaa World Bank iyo kuwa daymaha bixiya, daynkaa laga dhaafayo Soomaaliya,iyaga ayaa lagu lahaa, wax dayna oo Somaliland lagu lahaana ma jirto, waxaa laga dhaafayo Soomaaliya ayaanaan qabin waxaana aan leeyahay yaan magacayaga la idinku baadhanin”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply