Xarunta Kaydinta Raashinka Goboladda Bariga oo Laga Hirgeliyay Burco

0
301

Burco (Dawan)- Guddoomiyaha hay’adda Kaydka raashinka qaranka iyo ka hor taga aafooyinka dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Faysal Cali Sheekh, ayaa shalay xadhiga ka jaray xarunta kaydinta cuntooyinka ee goboladda bariga dalka.

Xaruntaasi oo laga dhisay magaaladda Burco waxaa loogu tallo galay in laga maamullo raashinka kaydka ah ee goboladda bariga, taasoo la dhigayo hadba wixii raashin caawimo ah ee Somaliland ay siiyaan hay’adda caalamiga ah iyo dawladahaba.

Munaasibad loo qabtay xadhig ka jarista xaruntaasi waxaa ka soo qayb galay guddoomiyaha hay’adda ka tabaabulshaysiga abaaraha iyo kaydka raashinka qaranka, badhasaabka gobolka Togdheer, maayarka Burco iyo xubno ka socday hay’adda NED FORD oo hirgelisay dhismahani.

Guddoomiyaha hay’adaasi Faysal Cali Sheekh Maxamed, oo xaruntaasi cusub xadhiga ka jaray ayaa sheegay in xaruntani loogu tallo galay in laga quudiyo bulshadda ku nool goboladda bariga oo dhan, isla markaana la dhigi doono wixii raashin caawimooyin ah ee hay’adda ka soo gaadha Somaliland.

Faysal Cali Sheekh, waxa uu tilmaamay in xarunta kale ee isku xidhka guud ahaan kaydka raashinka dalkoo dhan laga dhisi doono magaaladda Berbera, isagoo xusay in gobolka Togdheer uu ka mid yahay goboladda ugu nugul marka abaarro yimaadaan.

Waxaanu yidhi “Gobolka Togdheer waa gobol aad iyo aad qiimo u leh, waa gobol aad u balaadhan, waa gobol nugul u ah dhibaatadda abaaraha ee mar walba soo noq-noqday sanadihii u danbeeyay oo u badnaa gobolkan Togdheer, Sool, Sanaag iyo Saraar ay u badnaayeen.

Waxaanu jecel nahay in aanu si weyn oo mug leh uga shaqayno, oo bakhaaradii waaweynaa laga dhisayo, iyadoo aanu ugu tallo galnay in laga quudiyo Sanaag, Sool, Buuhoodle iyo Saraar-ba in aanu halkan ka samayno”.

Waxaanu intaas ku daray “Halka qaybta kale-na aanu ka samayn doonno magaaladda Berbera oo xuduntii markay wax inoo soo degaan laga dhigo, si aanu marka wax inoo soo degaan u noqon filiqtan iyo caawimooyinka la ina siinayaa u noqon kuwa kala luma” ayuu yidhi guddoomiye Faysal.

Badhasaabka gobolka Togdheer Xamse Maxamed Cabdi, oo isna xadhig ka jarista xaruntaasi hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in xaruntani ay wax badan ka tari doonto baahiyaha ka dhasha abaaraha iyo dadka barokaceyaasha ah ee ay saamaysay abaartu.

Waxaanu badhasaabku u mahad celiyay hay’adaha gacanta ka gaystay dhismaha iyo hirgelinta xaruntaasi. “Xafiiskan cusub ee la dhisay oo noqon doonna xarunta laga maamullo kaydka raashinka ee dhamaanba goboladda bari, oo ay dhistay hay’adda NED FORD.

Waxa kaloo aan aad iyo aad ugu mahad celinayaa hay’adda fulisay dhismahan, oo runtii wax badan ka tari doona baahiyaadka aasaasiga ah ee gobolku u qabo in laga daryeelo ama laga quudiyo dadka nugul, gaar ahaana kuwa barakaceyaasha ah. Iyadoo wakhtigan ay dadka barokaceyaasha gudaha ah u baahan yihiin in si mug leh wax loogu qabto” ayuu yidhi badhasaabka Togdheer.

Geesta kale maayarka Burco Maxamed Yuusuf Muraad, ayaa isna sheegay in dhulka laga dhisay xaruntan kaydka cuntadda qaranka ee goboladda bariga dalka ay bixisay dawladda hoose ee Burco.

Waxaanu yidhi “Dhulkan laga dhisay xaruntani annagoo dawladda hoose ee Burco ah ayaa bixinay. Dawladu waa shaqo nidaam ahaan isku xidhan, oo haddii aan la wada shaynin cid gaar u shaqayn kartaa ma jirto. Hay’adda xaruntan inoo dhistayna waan u mahad celinaynaa iyo masuuliyiinta xafladan inagala jooga”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply