Danjire Baashe oo Faahfaahiyay Maal-gelinta Itoobiya ee Dekeda Berbera

0
278

Hargeysa (Dawan)- Danjiraha Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta Ambassador Baashe Cawil, ayaa faahfaahiyay lacagta dawladda Federaalka Itoobiya ay ku maal gashanayso dekeda Berbera ee ay ku iibsatay saamiga dhan 19 boqolkiiba. waxaanu ku tilmaamay in uu yahay heshiis ganacsi oo saami lay ah, isla markaana ay dhawaan wada saxeexdeen Somaliland, Itoobiya iyo Shirkadda DP-WORLD.

Ambassador Baashe Cawil, waxa kale oo uu ka hadlay marxaladihii uu soo maray heshiiska casriyaynta iyo ballaadhinta dekeda Berbera ee Somaliland iyo DP-WORLD oo uu sheegay in Somaliland ay muddo laba sanno ah heshiiskaas lafo guraysay oo ay ka baaraan degaysay, islamarkaana ay ku qanacday in uu dalka iyo dadka reer Somaliland ba faa’iido weyn u leeyahay.

Danjire Baashe Cawil, waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay haddalo ka soo yeedhayay maalmihii u dambeeyay madaxda dawladda Soomaaliya, waxaanu sidaa ku sheegay dooddii jimcaha ee laanta Af-ka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da.

“Heshiiskan waxay xukuumadda Somaliland bilawday bishii May ee sanadkiii 2016-kii. Xilligaas oo madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayo ay dalka Imaaraadka Carabta isku arkeen Madaxa Imaaraadka Sheekh Maxamed Binu Baashe, waxaana wakhtigaa la kala saxeexday heshiiskii ugu horreeyay ee Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda DP-WORLD wada galeen kaas oo ku saabnasaa ballaadhinta, casriyaynta iyo maalgashiga DekedaBerbera,” ayuu yidhi Danjire Baashe Cawil, waxaanu intaas ku daray “Heshiiskaasina wuxuu sii socday muddo afar bilood ah, waxaana isla sanadkaas bishii Nofember la kala saxeexday heshiiskii rasmiga ahaa ee shirkadda DP-WORLD lagu wareejinayay Marsada Berbera oo lagu kala saxeexday in Somalilanday qaadato boqolkiiba %35 (boqolkiiba shan iyo soddon) halka DP-WORLD ay qaadanaysay 100/65%, waxaa xusid mudan heshiiskaas waxay xukuumadda Somaliland wareejisay waa maamulkii dekeda ee maaha lahaanshihii dekeda, maamulkaasina waxaa uu noqonayaa muddo soddon sanno ah in ay shirkaddaasi maamusho maalgashina ay ku samayso, maalgashiga ay shirkadda DP-WORLD Dekeda Berbera ku samaynaysaana waxa uu noqonayaa 442 Milyan oo dollar (afar boqol, afartan iyo laba milyan) oo u kala baxaya wajiga hore oo laba sanno ah oo ay imika gelinayso laba boqol iyo soddon Milyan oo ay ku ballaadhinayso dekeda oo ay ku darayso afar boqol oo Mitir iyo suuga xorta ah oo ay samaynayso oo ay gelinayso lacag dhan 25 milyan oo Dollar.”

Danjire Baashe oo ka hadlayay heshiiska dambe ee sadex geesoodka ah ee ay wada galeen Somaliland, Itoobiya iyo DP-WORLD, ayaa yidhi “Haddaan u imaado heshiiska dambe ee Somaliland iyo dawladda Federaalka Itoobiya iyo DP-WORLD kala saxeexdeen, waxa uu ku saabsanaa oo keliya dhanka saamiga, waxaana qayb ka noqotay dawladda Itoobiya oo lacag dhan 80 Milyan oo dollar ku maalgashanaysa Dekeda Berbera. Heshiiska Somaliland ay la gashay DP-World, waa heshiis ganacsi oo Somaliland ay dekedeeda ku horumarsanayso, wax bana kama duwana heshiiska Soomaaliya ay la gashay Turkiga ee Dekeda Muqdisho iyo heshiisyada kale ee dekedaha maamul goboleedyada Soomaaliya ay la galeen, markaa iyada oo aan kuwaas Soomaaliya laga hadal in la yidhaahdo ka dekeda Berbera dhib ayaa ku jirta waa ayaan darro ,annagu xukuumad ahaan iyo umad ahaan ba ujeedada aanu heshiiskan ka leenahay waa in aanu dekedayada horumarsano oo ay la jaanqaado ganacsiga Somaliland ee sii kordhaya iyo ka dawladaha jaarka ee geeska Afrika ba, haddaan eego dhanka dakhliga waxaa xusid mudan in cashuurtii dekedu ay xukuumadda Somaliland si toos ah ugu soo xeroonayso, laakiin waxa la wareejiyay ay tahay shaqadii iyo maamulkii adeegga dekedu ay qabato.”

Ambassador Baashe sidoo kale waxa uu farriin adag u diray madaxda dawladda Soomaaliya, isaga oo uga digay in ay soo faro-geliyaan arrimaha Somaliland, waxaanu yidhi “Heshiiska aanu galnay maaha heshiis aanu qarsanay ama aanu qol madaw la galnay ee waa heshiis muddo laba sanno ah aanu ka soo shaqaynaynay oo aanu dhan walba ka eegnay oo shirkado caalamiya oo sharci yaqaano ah aanu la kaashanay, markaa waxa ayaan darro ah in madaxda Soomaaliya oo 27-ka sanno ee ay Somaliland madax bannaanideeda haysatay aan waxba ku darsan oo aan horumarkeeda waxba ku lahayn in markii ay Somaliland maanta heshay maalgashi caalami ah ee ay wax u soo kordheen in ay ka xumaadaan oo ay yidhaahdaan waxba kama jiraan oo ay u quudhi waayaan waa nasiib darro. waxaanu ka filaynay madaxda Soomaaliya ee aanu jaarka nahay in ay nagu hambalyeeyaan horumarka aanu gaadhnay, iyaguna nagaga daydaan, laakiin in ay dagaal iyo cadaawad ay warbaahinta la soo fadhiistaan waa nasiib darro iyaga haysata.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply