Xukuumadda Somaliland oo Madaxda Kenya ku Bogaadisay Tallaabo ay Qaadeen

0
290

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Somaliland, ayaa ku bogaadisay Madaxda Kenya tallaabo ay dhinaca horumarka u qaadeen, kadib markii kulankii ugu horreeyay ay isugu yimaadeen Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha isbahaysiga mucaaridka dalkaas Mr. Raila Odinga, oo doorashadii Madaxtooyada ee ay ku loolameen ay abuurtay kala qaybsanaan siyaasadeed oo muddo dalkaas ka taagnayd.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa hogaamiyayaasha Kenaya u diray hambalyo iyo bogaadin, isla markaana hogatusaaleeyay in la gaadhay wakhtigii laga shaqayn lahaa wada-jirka Afrika, waxaanu kulanka labada masuul kaga dareen celiyay bartiisa Twitter-ka, waxaanu ku ammaanay sida xilkasnimada leh ee ay u maareeyeen khilaafkii ka dhex taagnaa iyo tallaabada ay qaateen.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu sheegay in la gaadhay xilligii Kenya iyo guud ahaan qaaradda Afrika ay ka wada shaqayn lahaayeen sii wanaajinta qaarada iyo horumarkeeda, waxaanu yidhi “Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa hambalyo idiinka timi xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waa xilligii Kenya iyo Afrika-ba, ay si wada jir ah uga shaqayn lahaayeen danahooga iyo dhismaha wanaaga Afrika. Waxaanu hambalyo leenahay walaaladayada kala ah Madaxweynaha dalka Kenaya Mr. Uhuru Kenyata iyo hogaamiyaha Mucaaridka Kenaya Mr. Raila Odinga.”

Tallaabada Madaxda Kenya ay shalay ku kulmeen ayaa ah jid sunne u ah Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ay ku soo caano maashay oo xilli doorasho oo kasta oo Somaliland soo mara waxaa Somaliland madaxdeeda dhaqan u ah in aanay doorashooyinka dalka ka qabsoomaa keenin wax turxaan iyo kala qaybsanaan ah, waxaanay marka doorashada lagu dhawaaqo madaxda Somaliland yeeshaan kulan ay isugu yimaadaan madaxda guulaysatay iyo madaxda tartanka lagaga badiyay iyagoo bulshada Somaliland u caddeeya in doorashadu ay tahay sunnaha dimuquraadiga, laakiin aanu tartanku lahayd colaad

Waana mid Somaliland kaga duwan tahay dalal badan oo caalamka sadexaad ah. tallaabada madaxda Kenya isugu yimaadeen ayaa la odhan karaa waa mid ka mid ah casharadii Somaliland laga bartay ee Dimuquraadiyadda qaarada ay qaaradda Afrika horseedka ugu tahay.

Dhinaca kale, Madaxwaynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo hogaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa shalay yeeshay kulankoodi ugu horraayay, waxaanay balan qaadeen in ay bilaabayaan geedi socod dib u heshiisiin ah, ka dib doorashadii sida kulul loogu tartamay sanadkii hore oo ay ku kala fogaadeen labada hoggaamiye.

Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga ayaa warbaahinta si wadajir ah ula hadlay ka dib markii ay yeesheen kulankoodii ugu horreeyay tan iyo wixii doorashada ka dambeeyey.

Ugu yaraan 150 qof ayaa ku dhintay ka dib muran ka dhashay doorashadii dalkaasi ka dhacday horraantii sanadkan, Mr Odinga ayaa isu dhaariyay madaxwaynaha shacabka Kenya, waxaanu diiday in uu Mr. Kenyatta u aqoonsado in uu doorashada ku guulaystay oo uu madaxwayne yahay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply