Diiwaangelinta Shaqaalaha oo si Xawli ah uga Socota Deegaanadda Galbeedka Dalka

0
266

Boorama (Dawan)- Hay’adda Shaqaalaha dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa barnaamijka diwaangelinta ee madaxtaabashadda iyo tayeynta shaqaalaha si xawli ah uga wadda deegaanadda Gobolka Awdal, waxaana hadda laga bilaabay hawshaasi Degmadda Dila ee gobolka Awdal.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo muddo ka badan Bil hadda ku gudo jiray barnaamijka Diwaangelinta , Tirinta iyo Madax taabashadda ee Shaqaalaha dawladda Somaliland, ayaa tafaasiil ka bixiyay habka ay u wadaan shaqada iyo deegaanka Dila oo ay hadda ka bilaabeen.

Sharmaake Axmed Muxumed Geelle, ayaa soo saaray war qoraal ah oo uu kaga hadlay, hawsha madaxtaabashadda iyo tayeynta shaqaalaha dawladda iyo deegaanada ay hadda ka socoto, warkaasi qoraalka ahina waxa uu u dhiganaa sidan:-

“Dilla ayaa maanta (shalay) la Diiwangeliyey.

– Waxaa si dardar leh u socota diiwaangelinta shaqaalaha dawladda ee ka hawl-gala dhammaan xarumaha iyo gobolada dalka, waxaana maanta si wanaagsan loo diiwaangeliyey shaqaalaha dawladda ee ku suggan degmada Dilla, halkaas oo maalmahan loo dhaafi doonno degmooyinka xeebaha ee gobolka Awdal.

– Shaqaalaha ayaa ku qaabilaya hawl-qabadkan rejo iyo riyaaq iyaga oo huba in ay u horseedi doonto horumar iyo hiigisi cusub. Jid iyo Jiho Cusub.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply