Xuska 20 Guuradda Aasaaskii Dalladda Haweenka NAGAAD Oo Hargaysa Lagu Qabtay

0
306

Hargaysa (Dawan): Xuska sanad guuradiii 20 ee ka soo wareegtay xiligii la aasaasay Dalladda Haweenka Somaliland ee NAGAAD oo ku beegnayd, isla markaana lagu beegay xuska maalinta haweenka aduunka ee 8 March ayaa habeen hore lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaaladda Hargaysa.

Munaasibadan lagu xusayay aasaaskii dalladda haweenka NAGAAD waxaa ka soo qayb galay wasiirka shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshadda Somaliland, guddoomiyaha dalladda NAGAAD ururradda ku bahoobay dalladaasi, marti sharaf ay ka md ahayd marwo Edna Aadan Ismaaciiil iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka shaqo-gelinta iyo Arrimaha bulshada Hinda Jaamac Xirsi, oo xafladaasi habeen hore halkaasi hadal ka jeedisay waxay sheegay in haweenka Somaliland siyaasada kaga qayb qaadanayaan horumarka dalka ka socda.

Xaq-na ay u leeyihiin in ay ka mid noqdaan golaha Wakiilada iyo goleyaasha degaamadda dalka. Waxaanay tidhi “Waxaad xaq u leedihiin idinkoo dhaqanka islaamka ee suuban iyo dhaqan keenaba ilaalinaya in aad ka mid noqontaan xildhibaanadda golaha Wakiiladda iyo golaha degaanka kuna biirtaan siyaasada, taasi waxay sahlaysaa in aynu dareemo waxay u baahan yihiin haweenka Somaliland, ee ay kowda ka yihiin haweenka suuqa fadhiya hooyada umasha ah ee hilibka iibinaysa.

Waxaana haweenku siyaasada kaga qayb qaadanayaan horumarka dalkooda”.

Agaasimaha fulinta dalladda Nagaad Nafiisa Yuusuf Maxamed, oo iyadna madashaasi ka hadashay ayaa sheegtay in dalada Nagaad la aasaasay 1997-kii.waxaanay tilmaantay in daladu ka qayb qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii.

“Sanad guurada labaaatanaad ee ka soo wareegtay aasaaskii dalada isku xidhka ururadda haweenka Somaliland ee Nagaad, waxaana la aasaasay dallada Nagaad 1997-kii xili laga soo noqday dagaalo sokeeye, dalku-na aad u burbursanaa, haweenkii aasaasay dalada Nagaad waa haweenkii ka qayb qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii ayaa xiligaa u adkaysan waayay wadcigii xiligaa jiray ayaa isku abaabulay in ay nadiifiyaan burburkii soo gaadhay gaar ahaan caasimada Hargaysa” ayya tidhi marwo Nafiisa.

Sidoo kale Drs. Edna Aadan Ismaaciil, oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa tilmaantay is-bedelka horumarineed ee dalada Nagaad gaadhay mudadii ay jirtay.

Edna oo arrimahaasi ka hadlaysayna waxay tidhi “Marka loo eego halkii laga bilaabay dalada Nagaad iyo halka ay maanta gaadhay waxay markhaati ka tahay dedaalkii weynaa ee haweenku gaystay halkaa soo gaadhsiiyay.

Haddii aanay haweenku kartidaa muujin, haddii aanay horumarkaa samaynnin, dalada Nagaad sidaa uma balaadhanteen intaas urur-na kamay midnoqdeen, waxaasoo waxtar-na maysamayseen”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply