Dulucda Waraaq Garnaqsi ah oo Madaxweynaha Somaliland u Kala Diray Goleyaasha Caalamka iyo Dalalka Waaweyn

0
327

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa waraaq u kala diray beesha caalamka, qoraalkaas oo uu ku caddeeyey inay qaddiyada Somaliland tahay mid muqadas ah oo aanay cidna u dabo fadhiisanaynin qaranimada iyo madax-bannaanida dalkeeda.

Sida ay ku warantay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxa madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu shalay qoraal rasmi ah u kala diray urur goboleedka IGAD, Qarammada Midoobay ee UN-ka, Ururka Jaamacada Carabta ee [Arab League], Ururka Midawga Afrika ee [AU], Midawga Yurub ee [EU], boqortooyada Ingiriiska (UK), Dawladaha Maraykanka iyo Denmark.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi wuxuu waraaqaha uu u kala diray beesha caalamka uu ku nuuxnuuxsaday in qaranimadda Somaliland ay ku timid rabitaan shacbi oo ummadda reer Somaliland madax-bannaanidoodii ay kala soo noqdeen Soomaaliya sannadkii 1991kii.

Waraaqda qoraalka ah ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u diray ururrada iyo goleyaasha caalamka ayaa jawaab waafiya u ah hadalladii ka soo yeedhay dawladda Muqdisho ka talisa ee ay kaga hadlayeen heshiiska saddex geesoodka ah ee dhex maray Somaliland, DP World iyo Dawladda Itoobiya, kaas oo ahaa heshiis maalgashi.

Madaxweynuhu waxa uu u sheegay dawladaha iyo ururada ay ku socoto warqadaasi in hadalka ka soo yeedhay Soomaaliya aanu ahayn mid ku saabsan heshiiska DP World, balse uu yahay mid duulaan ku ah madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu wacad ku maray in dawladda Somaliland iyo shacbigeeduba aanay marnaba u dulqaadanayn, hadallo deel qaafa iyo gardaro caddaana oo kaga yimaada dawladda itaalka daran ee Muqdisho.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu waraaqdaas ku iftiimiyey in aanay ka noqosho lahayn gooni isu-taagga Somaliland isla markaana heshiisyada ay gelaysaana yihiin kuwo aan ka noqosho lahayn, Soomaaliyana aanay wakhti iskaga lumin arrimaha Somaliland ee ay daneheeda ka raacato.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu ugu dambayn Soomaaliya ku booriyey inay ka waantoobaan dhaqanka xiqdiga iyo xasadka ah ee ay Somaliland u muujiyaan mar kasta oo Somaliland horumar ku talaabsato.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply