Shirkadda HASS PETROLEUM oo Daah-furtay Adeeg Casriga ah oo Wax Badan ka Taraya Ilaalinta Deegaanka Somaliland

0
413

Hargeisa (Dawan) – Shirkadda HASS PETROLEUM ayaa shalay magaalada Hargeisa ee caasimadda Somaliland ku daahfurtay adeega casriga ah ee HASS GAS oo ah gaasta cuntadda lagu kariyo, kaas oo ah adeeg waxbadan ka tari doona ilaalinta deegaanka Somaliland, isla markaana bulshaddu kaga nasan doonto isticmaalka dhuxusha.

Munaasibad si wayn loo soo agaasimay oo shalay lagu qabtay Hotelka Maansoor ee magaaladda Hargeisa ayaa lagu daahfuray, taas oo ay kasoo qaybgaleen Masuuliyiin ay ka mid yihiin Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici), Maareeyaha Guud ee Shirkadda HASS PETROLEUM Md Ciise Sheekh, Wasiirka Wasaaradda Shaqo galinta iyo Arrimaha Bulshadda Somaliland Marwo Hinda Jaamac Gaandi, Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil (Baandare), Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Somaliland Tayada Muuse Xasan Xaaji Yuusuf, Agaasimaha Shirkadda HASS PETROLEUM Md Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed iyo aqoonyahan iyo ganacsato iyo dadwayne aad u tiro badan.

Sidoo kale haamaha gaasta ee HASS ayaa ah kuwo casri ah oo si fudud loo ogaan karo cabirka ay gaastu marayso, iyadoo la ogaan karo wakhti ku haboon oo aanay dhamaanin, isla markaana haamaha gaasta ee shirkadda HASS ayaa iyagu ah kuwo farsamadoodu sarayso aan wax daxal ah yeelanaynin.

Haanta amaanka ee HASS GAS ayaa ah mid laga ilaaliyey inay qaraxdo ama gubato, iyadoo tayada haamahaasi yihiin kuwo adag oo stander-koodu sareey. Ugu horayna waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha Shirkadda HASS PETROLEUM Md Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed oo isagu tafaasiil ka bixiyey adeegyada ay bulshadda u qabtaan iyo waxyaabaha uu adeegan cusub ee HASS GAS kaga duwan yahay kuwii hore dalka looga heli jiray, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Madaxda uu ugu horeeyo Madaxwayne ku xigeenka dalka iyo wasiiradda iyo martida kaleba waanu uga mahadnaqaynaa inaad nala daah-furtaan HASS GAS. Inta aanan HASS GAS wax ka odhanin, waxa aan jeclahay inaan wax yar ka idhaahdo marka hore ganacsiga marka guud ahaanba la isku qaado ganacsigu waa furaha awooda bulshooyinka aduunku sida ay ugu kala duwan yihiin ay ugu kala duwanaadaana awoodooda bulsho, tooda dhaqaale iyo awoodooda siyaasadeedba. Sidaas daraadeed shirkadda HASS PETROLEUM waxay ka mid tahay shirkadaha caanka ku ah maalgashiga aad iyo aad bulshooyinku ay u jeclaystaan ee dhamaan geeska Afrika iyo badhtamaha qaaradda Afrika. Iyada oo aanu taa ka duulayno ayaa sanadkii 2011-ka waxa aanu dhidibada u taagnay oo aanu ka shaqaynay inuu Companygu yimaada oo uu soo dago Somaliland iyada oo aanu soo marnay marxalado kala duwan,  kuwaas oo ay ka mid yihiin markii dalka aanu ka daahfurnay shirkadda HASS iyo maanta waxay shacbiga Somaliland markhaati ka yihiin sida aanu u hogaaminay waxna aanu uga bedelnay xaaladii xaga shidaalka gaar ahaan gaar ahaan Petrol Stations-ka oo aanu ka bilawnay second generation (jiilka labaad) oo aanu suurta-galinay xarumo shidaal oo adeeg kasta laga helayo isla markaana casri ah in wadankeena laga hirgaliyo”.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Shaqo galinta iyo Arrimaha Bulshadda Somaliland Marwo Hinda Jaamac Gaandi oo iyadu halkaasi ka jeedisay khudbad dhinacyo badan taabanaysa, ayaa shirkadda Hass Petroleum ku amaantay maalgalinta ay ka hirgalisay Somaliland, waxaanay hadalkeeda ku bilawday “ Shirkadda HASS PETROLEUM waa shirkad wayn oo ka mid ah company-yada ugu waawayn Somaliland, run ahaantiina waxa ay dalka kusoo kordhiyeen markii ay yimaadeen shidaal jaban oo tayo fiican oo aad baan ugaga mahad celinayaa, waxay sidoo kale kusoo kordhiyeen arin kale oo mihiim ah oo shaqo abuur ah, taasna waan ugaga mahadnaqayaa. Arintan maanta ama wajigan labaad ee maanta ay xaflada u fadhino run ahaantii aniga oo ku hadlay magaca wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshadda iyo qoyska amaba ka jawaabay baaqii madaxwaynaha qaranka Md Muuse Biixi Cabdi ee ahaa inuu bulshadda reer Somaliland gaar ahaan dhalinyarada u samayn doono shaqo abuur, arintanina waxay ka mid noqonaysaa shaqo abuurka aanu xukuumad ahaan ku hawlanahay, iyadoo ay ka shaqo gali doonaan dad badan oo kala duwan oo rag iyo dumarba leh, waxaanay hawshani ka qaybqaadan doontaa kor u qaadida dhaqaalaha wadanka, markaa waan ku bogaadinayaa madaxda shirkadda HASS adeegan casriga ah ee bulshadda usoo kordhiyeen”.

Maareeyaha Guud ee Shirkadda HASS PETROLEUM Md Ciise Sheekh Maxamed  oo isaguna halkaasi ka hadlay, isla markaana ka warbixiyey adeegyadda ay qabato shirkadoodu iyo maalgalino ay ka fuliyeen dalal ay Somaliland ka mid tahay oo ay ka hawl galaan, ayaa waxa hadalkiisa ka mid ahaa “Waxaanu la shaqaynaa shirkado caalami ah oo ka mid ah shirkadaha dunida ugu waawayn oo ka mid ah macmiilkayaga oo aanu anagu siino shidaalka oo diyaaradahooda ku shubna, anagoo wadamada aanu ka shaqayno aanu galinay maalin galin ilaa 200 milyan oo dollar ah.  markaa waxa aanu bulshadda u sheegaynaa oo aanu haynaa tayo iyo khibrad la aamini karo. Wadankan Somaliland waxaanu ku jirnaa sanadkii 6-aad ee aanu ka shaqaynaynay, maalgalin badan baanu galinay oo suuqii ganacsiga ayaanu wax ka badalnay oo shidaal wanaagsan oo tayo fiican baanu keenaa dalkan, wadankasta oo shidaal dibada kala soo degana shidaalku waxa kaga baxa kharashka ugu badan, waxyaabaha sixir-bararka kor u qaada waa ka mid shidaalku, markaa Somaliland waxay u baahan tahay shidaal la hubiyey oo tayo fiican isla markaana xili walba la heli karo oo waliba jaban. Markaa Somaliland waxaanu diyaar u nahay inaanu wax la qabano adeeg fiicana u samayno dadka, anagoo mar walba ku dadaalnay inaanu shaqo abuur samayno oo imika Somaliland waxaanu shaqaalaysiinay dad ka badan 200 qof oo reer Somaliland, kuwaas oo u badan dhalinyaro aanu Jaamacadaha ka qaaday oo HASS ka hawlgala iyadoo marka hore tababaro loo samayn doono, ka dibna shaqada bilaaba marka danbe”.

Ugu danbayn wax munaasibaa soo xidhay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici, kaas oo shirkadda Hass uga mahadnaqay maalingalinta iyo adeegyadda ay dalka ka fuliso, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Siyaasada xukuumadda KULMIYE ay qaadatay waxay noqotay in ilaa shanti sano ee u danbaysay in la dhiirigaliyo oo la helo sidii loo badbaadin lahaa in geedka dhulka Somaliland ku yaala ee sii dabar-gu’aya in la helo wixii lagu badali lahaa sidaas ayaanu xukuumad ahaan go’aansanay. Waxaanu u diyaargarawnay oo aanu samaynay isla markaana aanu go’aansanay in wixii kasta ee loo samayn karayo ama shirkad walba oo dhaqaale leh oo keeni karta in Tamartaa lagu badalayo geedkaa inaga dabar go’aya inaanu dhiirigalino ayaanu go’aansanay”.

Dhinaca kale waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha Waaxda gaasta ee shirkadda  HASS PETROLEUM  Mahad Jimcaale, kaas oo bulshadda u sharaxay sida loo isticmaalayo HASS GAS iyo waxyaabaha ay kaga duwan tahay adeegyada shirkaddaha kale.

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil (Baandare), Maareeyaha Hay’adda dhawrista tayada, Agaasimaha Guud ee dallada dhalinyaradda Somaliland ee SONYO Cumar Miigane, kuwaas oo dhamaantood tilmaamay mihiimadda ay dalka iyo ilaalinta deegaanka u leeyahay adeegan cusub ee HASS GAS oo ay ku sifeeyeen mid wax badan ka tari doona baahidii loo qabay ilaalinta deegaanka Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply