Heshiis laga Gaadhay Colaaddii Ceel Afweyn iyo Go’aamo laga Soo Saaray

0
323

Ceel Afwayn (Dawan)- Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed, iyo guddida golaha guurtida ee arrimaha nabadaynta u jooga degmada Ceel-afwayn ayaa shalay go’aamo ka soo saaray shaqaaqadii ka dhacday deegaanka Darar-weyne.

Wasiirka arrimaha gudaha, xubnaha gudida nabad galyada ee Golaha Guurtida, xubnaha guddiyada labada beelood ee colaadu dhex martay iyo culima Aw-diinka dalka ayaa shalay meel fagaare ah kala hadlay buslhada ku dhaqan degmada Ceel-afweyn.

Kulankan fagaaraha la iskugu yeedhay bulshada qaybaheeda kala duwan ee degmada Ceel Afweyn, ayaa ujeedadiisu ahayd sidii maatida iyo bulshada inteeda kale loo gaadhsiin lahaa go’aamadada laga soo saaray colaaddii halkaasi ka taagnayd ee ay labada beelood ku heshiiyeen ee nabad-gelyada lagu soo xidhay.

Dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada, sida haweenka, dhalinyarada, ganacsatada iyo ardayda iskuuladda ayaa isugu soo baxay barxada fagaaraha u ah degmadaasi, halkaasi oo ay bulshada kala hadlayeen wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed , gudida nabad galyada ee golaha guurtida iyo guddiyadii labada beelood dagaalku dhex maray oo ay weheliyaan xidhayaashoodii.

Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan oo ka mid ah mudanayaasha golaha guurtida Somaliland, ayaa bulshada halkaasi uga akhriyay qodobadii heshiiska iyo go’aamadii ka soo baxay, waxaanu ku ammaanay bulshada iyo guddiyadii nabad-gelyada ee labada dhinac, sida xilkasnimada leh ee ay ula qaateen go’aamadaas.

Xubnaha odayaasha guddida nabadda ee labada beelood ayaa sidoo kale, bulshada kala hadlay fagaaraha, waxaanay sheegeen in ay go’aankaasi qaateen, iyaga oo dadweynahana ka codsaday in ay iyaguna la qaataan oo ay dhaqan geliyaan, waxaanay tilmaameen in ciddii ka hor timaada ay sharciga la tiigsan doonaan .

Dhinaca kale culima udiinka deegaanka iyo culimo badan oo qurush ahaan ugu soo baxay ayaa halkaasi bulshada ka wacdiyey ugu danbayna waxaa shacbiga halkaasi kala hadlay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed waxaana uu ku bogaadiyey sida wanaaga iyo sharafta leh ee ay bulshada iskugu soo bahday una qaateen nabada iyo qodobadii lagu heshiiyey.

  1. Cid kasta oo gooysa naf si badheedh ah oo ay ku caddaato, waa in loo dilo.
  2. Waxaa reeban gacansiinta gacan ku dhiiglaha, la safashada, sidoo kale fakinta, cid kasta oo ay ku caddaatana waxa la horgeynayaa maxakabad.
  3. Waxa waajib ku ah ehelka cidkasta oo denbiile ah in ay ehelkiisa iyo cuqaashiisu ku soo qabtaan muddo 7 cisho ah gudohood ah.

4.Dawlada ayaa masuul guud ka ahaanaysa nabadgelyada shacabka jamhuuriyada Somaliland, gaar ahaan deegaanada dhibku ka dhacay ee labada beelood wada degaan go’aamadanina ay saameeyaan kuwaas oo kala ah, degmooyinka Ceel Afweyn, Darar-weyne, Garadag iyo Bohol.

  1. Waxaa reebban sidashada hub sharci darro ah, mid shaqsi, mid kooxeed iyo mid ciidan beeleed hubaysan.
  2. Goob kasta oo lagu arko ciidan beeleed hubaysan waxaa loo aqoonsanayaa duulimaad, waxaana laga qaadayaa tallaabo ciidan oo hubka lagaga qaadayo.

7.waxaa mamnuuc ah in shaqsi ama wadar hubaysani ay la soo gasho magaalo, tuulo, ceel iyo meel kasta oo bulsho isugu timaado, waxaana tallaabo ka qaadaya ciidanka.

8.Gaadiidka ay ku caddaato in loo isticmaalayo abaabul dagaal, guris ciidan, taakulo, raashin, saad iyo saanad dagaal waxa la wareegaya dawlada jamhuuriyada Somaliland.

  1. Gebi ahaanba waxa reeban haysashada hubka culus ee uu ugu yar yahay qoriga PKM nooca loo yaqaan, ciddii lagu arko haysashada hubka noocaas ah waxa loo aqoonsanayaa danbiile khalkhal gelinaya nabadgelyada.

10.Aaska 15 kii qof ee ku dhintay waxa laga bixinayaa midkiiba $ 1000 oo lagu bixinayo 11/3/2016 , jifida oo dhan 33 halaad waxa lagu bixinayaa mudo laba bilood ah oo ka bilaabmaysa 11/3/2018 kuna eeg 11/5/2018. inta kale ee hadhsan waxa lagu bixinayaa muddo 12 bilood ah gudahood oo ka bilaabmaysa 11/5/2018, kuna eeg 11/5/2019.

  1. Ciidamada qaranka noocyadiisa kala duwan ee ay ku cadaato inay qayb ka yihiin ama ay ka muuqato xil gudasho la’aan waxa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply