Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha oo Joojiyay Wada-shaqayntii Candle Light

0
258

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacaaysha Qaranka Somaliland Mudane Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinnif) ayaa si ku meel gaadh ah u joojiyay wada shaqayntii ay la lahaayeen Hay’adda Candle light.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Somaliland, waxa uu farriin u diray Hay’adaha kale ee ay wada shaqaynta leeyihiin, sida hay’adda FCA, NRC, DRC, WORLD VISITON, IOM, AAHI, UNCHR iyo WFP, waxaanu faray in aanay la shaqayn Hay’adda Candle Light, isla markaana aanu dhex marin wax xidhiidh ah oo ku saabsan Barakacayaasha iyo qaxoontiga Somaliland ku sugan.

Mudane Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinnif), ayaa wareegto uu soo saaray shalay kaga hadlay arrintaasi, wareegtadaasina waxay u qornayd sidan “Candle Light, waxay joojisay xidhiidhkii wada shaqayneed ee ka dhaxeeyay Ha’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha, ka dib markii ay ka soo jawaabi wayday xidhiidho kala duwan oo lala sameeyay masuuliyiinta ugu saraysa, iimaylo iyo fariimo kala duwana oo loo diray, sidoo kale waxa ay Hay’adda Candle light soo gudbin wayday qorshaheedii sanadka cusub ee 2018-ka .

Dhamaan Hay’adaha iyo Ururada ayaa la farayaa in aanay Hay’addaasi dhex marin wax wadashaqayn ah oo ku saabsan Barakacayaasha qaranka iyo qaxoontiga dalka ku sugan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply