Dadweynaha Caynaba iyo Wajaale oo Taageeray Maalgelinta Dekeda Berbera

0
355

Hargeysa (Dawan) Dadweynaha ku dhaqan magaalooyinka Caynaba Wajaale ayaa isu soo baxyo waaweyn oo ay sameeyeen waxa ay ku taageereen heshiiskii saddex geesoodka ah ee ay kala saxeexdeen DP World , Somaliland iyo Itoobiya, sidoo kalena waxay taageereen go’aankii xukumaddu ku hakisay wada hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya .

“Shucuurteydu way kacsan tahay waxaanu ka soo horjeednaa maamulka Xamar ee nooga soo goodiyay dhanka Xamar, waxaanu leenahay Xamar doonimeyno doonimeyno jiritaanka Somaliland waa lama taabtaan, Somaliland waa dawlad 27-sanno jirsatay, nin koontiiner lagu ilaalinayaa waxba ka qaadi karimaayo dawladdani waa dawlad gaamurtay” ayuu yidhi mid ka mid ah dhallinyarada da’da yare e ku sugan magaalada Caynaba oo ka mid ahaa boqolaalka qof ee taageerada u muujiyey xukumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi .

Hooyo Deeqa aw Xasan oo ka mid hooyoyinka ku dhaqan magaalada Caynaba ayaa cabirtay dareenkeeda waxaana ay tidhi “Waxaanu mudaharaadkan u dhigaynaa jiritaanka qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland anaga oo ku hadlayna magaca gobolka Caynabo, waxaanu ka soo horjeednaa maamulka Farmaajo ee dawlada Soomaaliya ayaanu ka soo horjeednaa anaga Somaliland ayaa nala yidhaaha oo 1991-dii ayaanu xornimadayada la soo noqoney, dibna uga laaban meyno cidna uga haybaysan meyno, waxaanu diyaar u nahay inaanu xornimadayada dawladnimadayada, kala danbeyntayada madaxweynahayaga dhammaantayo waanu isku tiirsanahay”

Shamsa Xuseen oo ka mid ahayd dadka isu soo baxay degmada Wajaale ayaa sheegtay in Xamar ay tahay nin xabaal ku jira oo xadhko soohanayaa “dawladda Xamar ee taagta daranleh ee Somaliland u soo xiimeysa waxaan u arkaa nin xabaal ku jira oo xadhka soohanaya”

Guddoomiyaha degmadda Wajaale Xaashi Maxamuud Cabdi oo garoonka kubadda ee Silaanyo Studiam kula hadlayey dadweynaha ayaa yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinayaa dadweynaha degmada Togwajaale oo maanta isugu soo baxay inay taageeraan khudbadii madaxweynaha iyo hishiiskii saddex geesoodka ee Somaliland ay la gashay DP.World, Itoobiya, iyo Somaliland mashruucaasi oo mashruuc balaadhana waxaan halkan ka naqdiyaynaa oo dadweynaha isu soo baxay rayigoodi arrinkoodi iyo dareenkoodi ay ka muujinayaan in kooxda yar ee dawladeedu gacan ku rimiska tahay ay kaga hor yimaadeen hishiiska DP.World”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply