Madaxweynaha iyo Wefti uu Hoggaaminayo oo Safar Shaqo ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

0
354

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa shalay safar shaqo ugu ambo baxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo uu ka helay marti-qaad rasmi ah, isla markaana soo diray diyaar khaas ah oo uu ka raacay garoonka diyaaraha ee Cigaal International.

Weftiga uu hogaaminnayo Madaxweynaha Somaliland oo ay xubno ka yihiin wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, Qorshaynta, Mudane Cawaale Ibraahim Shirwac, Horumarinta Biyaha, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha distoorka, Mudane Maxamuud Xaaji Aadan, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Boos Mire Maxamed iyo guddoomiyaha xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa gelinkii dambe ee shalay abaaro 5-tii galabnimo ka duulay Madaarka.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa ka hor intii aanay weftiga Madaxweynuhu ka ambo bixin madaarka Cigaal International Airport, faahfaahin ka bixiyay ujeeda socdaalkooda, waxaanu sheegay in ay marti-qaad rasmi ah ka heleen dhaxal-sugaha dalka Imaaraadka Carabta, waxaana hadalladiisii kamid ahaa, “Waxaa maanta dalka ka amba-baxay weftigayagan oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, una socda dalka Imaaraadka Carabta oo aanu casuumad rasmi ah ka helnay dhaxalka sugaha boqortooyada Imaaraadka, Sheekh Maxamed Sheekh Saa’id Al-nahyaan, sidoo kale waxa weftigayagan nagu weheliya guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe oo ay xisbiyada mucaaridka ah iyo madaxweynuhu isla garteen inuu raaco.”

Wasiirku waxa uu si gaar ah uga faah-faahin uga bixiyey waxyaabaha weftiga u qorshaysan inta ay ku sugan yihiin dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isaga oo intaas ku daray inay wefti ahaan ku rajo weyn yihiin inay natiijo la taaban karo halkaas kala soo hoyan doonaan, “Inta madaxweynaha iyo weftigiisu dalkaas ku sugan yihiin waxa lagaga wada-hadli doonaa arrimo khuseeya labada dal ee Somaliland iyo Imaaraadka, horumarinta labada dal iyo horumarinta danaha guud ee labada dal iyo ta mandaqaddaba, aad iyo aadna waanu ugu faraxsanahay inaanu dal ahaan maanta halkaas marayno oo weftiga awooddaas leh maanta nalagu casuumo, anaga oo ka talin doonna ama kasoo hadli doona danaha Somaliland nooc ay tahayba ha ahaatee, waxaana aanu rajaynaynaa annaga war fiican, tallo fiican iyo ammuur fiican wadannana inaanu idinkula soo noqonno.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga uu hoggaaminayo, ayaa la filayaa inay muddo maalmo ah halkaas ku maqnaadaan, waxaana muddada ay dalkaas ku sugan yihiin u qorshaysan inay kulamo la qaataan madaxda kala duwan ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply