DP World oo Mar Kale ku Celisay Mowqifkeedii Madax-bannaanida Somaliland

0
402

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Shirkadda Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee DP World, Sultan Bin Sulayman, ayaa shaaciyey inay shirkadiisu sii wadi doonto maalgashiga Somaliland sannadkan 2018ka, waxaanay qayb ka tahay 1.4 Bilyan oo Doolar oo shirkadu u qorshaysay in ay caalamka ku maalgeliso.

Wakaallada wararka Somaliland ee SOLNA ayaa warkan ka soo xigatay Gulf News oo ka mid ah warbaahinta caanka ah ee Dubia. Guddoomiyaha DP World, ayaa buuq iyo hadal ku tilmaamay go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya ay ku cambaareeyeen heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee dhex maray dawladaha Somaliland, Itoobiya iyo Shirkadiisa ee la xidhiidhay casriyeynta dekedda Berbera.

Suldaan Axmed Bin Sulaymaan ayaa tilmaamay in Somaliland ay ahayd dal madax-bannaan 28kii sannadood ee la soo dhaafay, isla markaana ay heshiisyo la gashay dalal iyo shirkado badan oo caalamka ka mid ah.

Guddoomiyaha DP World oo wax laga weydiiyey codbixintii Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuu yidhi “Runtii taasi nama khusayso, sababta oo ah Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu samayn karaa qaylo iyo hadal ay soo saaraan, laakiin xaqiiqda runta ah Berbera [Somaliland] waxay heshiisyo kula jirtaa dalal badan oo dunida ah iyo shirkado badan taasina waxay waafaqsan yihiin sharcigooda.

Qorshaha shirkadda DP World ku dhawaaqday ayaa ku soo beegmay iyadoo dalka isu tagga Imaaraadka carabta uu ku sugan yahay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayaa oo halkaas u jooga inay maamuleyaasha UAE ay kala hadlaan sii xoojinta iskaashiga labada dal ee saaxiibka ah.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply