Casriyayn Lagu Samaynayo Garoonka Kubbada Cagta Burco ee Alamsey

0
456

Burco (Dawan): Mudooyinkii danbe ayaa si weyn looga dayrinayay dayac fara badan oo haleelay garoonka kubbadda cagta ee magaaladda Burco ee Alamsey, kaasoo la sheegay in uu bur bur aad u badan soo gaadhay.

Hase yeeshee waxaa shalay  si rasmiya loo bilaabay wejigii kowaad ee dayactirka garoonkaasi, isla markaana ay dhibaato ku qabeen dhalinyaradii ku ciyaari lahayd,  iyadoo aan muddo dhawr sanadood ah  lagu ciyaarin garoonkani.

Xildhibaan C/rashiid Faarax Cali iyo xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo ka tirsan golaha degaanka Burco kana mid ah guddi  hawshani loo xil saaray ayaa shaaciyay bilawga qorshaha dayactirka iyo qurxinta  garoonka.

Waxaanay labadda xildhibaan baaq u direen xukuumadda dhexe gaar ahaana wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha iyo shirkadaha ganacsiga ee gidaaradda garoonka  xayaysiiska ku samaysta oo ay ugu baaqeen in ay ka qayb qaataan dhismaha garoonka.

Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi), oo  hadal ka jeediyay bilawga wejiga kowaad ee dayactirka iyo dib-u-habaynta garoonka Burco ayaa sheegay hawsha lagu dayactirayo garoonka la kala leeyahay, isla markaana dawladda hoose ee Burco ay masuul ka yihiin qaybta kowaad.

Halka dhamaystirka qaybta danbe oo ah in la dhigo roogii iyo in ciidda laga gurro ay masuul ka yihiin xukuumadda dhexe gaar ahaana wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha. Isagoo  xusay in ay soo dhawaynayaan cid kastoo jecel in ay ka qayb qaadato  dib-u-dhiska garoonka Alamsey.

Xildhibaan Bidhi oo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Shaqadda waa la kala qaybsaday, oo waxna gobolka Togdheer iyo dawladda hoose ee Burco ayaa leh, wax-na xukuumadda dhexe iyo wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha ayaa leh.

Marka aanu dhamayno hawsha rinjiga iyo bedelaadda al-baabadda iyo in la dheereeyo dhismaha oo la kordhiyo. Waxaa hadhaya Ciid ka qaadistii iyo in la dhigo roogii oo diyaar ah, oo weliba lacagtii ay dhalinyaradu sheeganayeen ay miisaaniyadda wasaaradu ku dartay, oo ay iyagu-na naga sugayeen in aanu anagu dhamaystirno.

Waxaanu u mahad naqaynaa cid kastoo jecel horumarka gobolka iyo ka degmadda iyo warbaahinta oo soo bandhigtay bur burka iyo dayaca ka muuqda garoonka iyo shacabka ah ee sida daacadnimadda ah uga ahdlay”.

Waxa kaloo uu sheegay xildhibaan Mubaarig Bidhi, in lacagta lagu dayactirayo garoonak Kubbadda cagta Burco ay account u gaara u sameeyeen xubnaha masuuliyiinta ka ah, isla markaana isaga iyo Jaamac Karaaciin ay ku shubeen lacagtii ugu horaysay.

“Lacagta dayactirka wejiga kowaad anigu waxaan bixiyay oo aan account-ka ku shubay $500 dollar, Jaamac Karaacii-na $1000 dollar ayuu bixiyay, waanan uga mahad naqaynaa. cid kastoo jecel in ay ka qayb qaadatana waan soo dhawaynaynaa.

Waxaan ugu baaqayaa bulshadda iyo ganacsataddaba in ay cidii jecel ka qayb qaadashadda dayactirka garoonka wixii ay ku caawinayaan ugu soo hagaajiyaan account-kan oo ah Alamsay Stadium Burco 17568 Dahabshiil” ayuu yidhi xildhibaan Bidhi.

Geesta  kale xildhibaan C/rashiid Faarax,  ayaa isna ka hadlay bilawga wejiga kowaad ee dayactirka garoonka kubbadda cagta Burco iyo sida loo kala leeyahay fulinta hawshaasi. waxaanu yidhi “Anagoo fulinayna balan qaadkii dawladda hoose ee Burco oo ahaa, gaar ahaana xildhibaanadii u guntadaya dhaqaajinta hawshaasi ee loo igmaday garoonka.

Waxaanu  imika bilaabaynaa oo diyaar ah rinjigii iyo bilicdii garoonka ee gudaha iyo dibada-ba, beritana waxaanu u dhaqaaqaynaa bedelaadii al-baabadda waaweyn ee garoonka iyo meelaha kale dib u habaynta u baahan”.

Xildhibaanka  ayaa fariin u diray shirkadaha ganacsiga ee xayaysiiska ku samaysta darbiyadda garoonka oo ugu baaqay in ay ka qayb qaataan casriyaynta  garoonka.  “Waxa kaloo aan fariin u dirayaa qolooyinka shirkadaha ganacsiga ee gidaarradda garoonka xayaysiiska ku samaysta in ay ka soo qayb galaan dhismaha garoonka, cidina aanay ka lahayn. Waxaanan filaynay in ay ugu soo horeeyaan cida ka qayb qaadanaysa, isla markaana u soo kala tartamaan”ayuu yidhi C/rashiid.

Isagoo hadlakiisa sii watayna waxa uu yidhi “Waxa kaloo aanu aad iyo aad uga raali gelinaynaa dhalinayradii isagoo garoonku Naafo yahay ku ciyaarayay, in ay naga raali noqdaan maadaama oo ay shaqadii bilaabantay, oo ay ciyaartii garoonka ka xidhan tahay.

Marka aanu dhamayno anagu rinjiga iyo bedelaadda daaqadaha waxaa loo gudbayaa wejiga labaad, iyadoo dawladda dhexe iyo wasaaradda ciyaaraha in ay roogii soo dhigto iyo in ay ciidda dhimatay ka qaado garoonka”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply