“Kuwa Dadka Isku Dirayaa Waa Kuwa Qurba Jooga ah” Faysal C. Waraabe

0
443

Dubai (Dawan)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in xisbiyada Somaliland loo sameeyay in qabyaalada lagaga baxo, hase yeeshee aan loo baahnan in qabyaalad laga dhigo ama loogu ololeeyo.

Faysal Cali Waraabe, waxa uu u jeediyay shacabka Somaliland gudo iyo dibad-ba in ay ka fogaadaan qabyaalada iyo waxyaabaha bulshadda kala fogaynaya, isaga oo tilmaamay in aanay jirin wax la yidhaahdo beesha dhexe iyo beelaha darfyada.

Eng. Faysal Cali Waraabe, oo khudbad ka jeediyay kulan ay magaaladda Dubai jaaliyadda reer Somaliland kula yeesheen weftiga madaxweyne Muuse Biixi hogaaminayo oo isaguna uu ka mid yahay. Isagoo arimaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Axsaabta waxaynu u samaynay in qabyaalada lagaga baxo. Markii marxuum Cigaal sameeyay xisbigii UDUB ana waxaan sameeyay xisbigii UCID.

Markaa waa in qabyaalada laga baxo, waxaana xisbiyada loo samaynayay in dawladii wakhtigaasi axdi qarameedkii ka baxdo. mana jirto wax la yidhaahdo beesha dhexe iyo beelaha darfyada”.

Geesta kale Faysal Cali Waraabe, ayaa ku dhaliilay dadka qurba joogta ah ee reer Somaliland in ay ku kaceen falal ay isaga hor keenayaan shacabka. Waxaanu qurba jooga kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan dhismaha qaranka.

“Kuwa dadka isku dirayaa waa kuwa waxba qabsan waayay ee Maraykan jooga ee qurbojooga la baxay. markaa hawl badan ayaa inoo taala, hana ka wel-welina madaxweyne masuul ah ayaynu dooraye, calankeenii waan la soo noqonay, waana in Jaamacada carabta, midowga Yurub iyo Qaramada midoobay aan geynaa” ayuu yidhi guddoomiyaha UCID.

Dhinaca kale guddoomiyaha UCID ayaa sheegay in uu la shaqayn doono madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaanu yidhi “Anigu waan la shaqaynayaa madaxweynaha ilaa Marxuum Cigaal ayaan la shaqaynayay.

Anigu qaran ayaan u baahanahay ee qabiil uma baahni, maalin kasta xabaalo wadaredyo ayaa soo baxaya waxba ma ogin, inaga ayaa isku wada muuqana. Waana in qof kastaa shaqadiisa qabsadaa, oo islaanta tamaandhada iibinaysaa waxay leedahay muxuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi, dawladnimadu waa in wax la barto”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply