Xildhibaan ka Tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya oo Sharci Darro ku Tilmaantay Faro Galinta Muqdisho ee Heshiiska DP-WORLD

0
421

Hargeysa (Dawan)- Xildhibaan Nuura Faarax  oo ka tirsan aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sharci darro iyo faro galin ku tilmaamtay in dawladda Soomaaliya ay ka hadasho heshiiska shirkadda DP-WORLD iyo Somaliland iyo Itoobiya ay wada galeen ee casriyaynta iyo  maalgalinta dekeda Berbera.

Waxa kale oo ay xildhibaanku sheegtay in Somaliladn ay leedahay goleyaal Baarlamaan oo iyagu xaq u leh in ay ansixiyaan ama ay diidaan heshiisyada ay Somaliland gelayso, waxaanay nasiib darro ku sheegtay in heshiisyo Somaliland gashay  in la hor keeno baarlamaanka ay ka tirsan tahay ee Soomaaliya.

Xildhibaan Nuura waxay sidaa ku sheegtay waraysi gaar ah oo ay khadka Taleefanka ku siisay wargayska Dawan. Waxaanay tidhi iyada oo ka  jawaabaysay su’aal laga waydiiyay go’aankii aqalka sare ee Soomaaliya uu ku sheegay in ay ku laaleeh heshiiska Somaliland iyo DP-WORLD ee dekeda Berbera, “anigu heshiiskaas ka xildhibaan aqalka sare ahaan waxaan u arkaa in lagu degdegay,  aqalkasare waxaa la keenay habeenimadii isla subixiina waa  la ansixiyaya, waxaa halkaa ka muuqata deg deg oo aan laga hadlin oo aan la lafo gurin oo dadka lagu qasbayay in loo codeeyo oo ahayd mid quwado  kale ay dabada ka riixayeen, sidaas ayay noola muuqataa.

Xildhibaano badan oo aanu isku fikir nahay oo aqalka sare aanu wada nahay waxaanu aaminsanahay in mamnuucidda la mamnuucay DP-WORLD in lagu ded degay laguna xadgudbay oo dano cid kale la fulinayo ayaanu u aragnaa, waana ta keentay maanta khalkhalka siyaasadeed ee Xamar  ka jira. maanta waxa la odhan karaa Madaxda Xukuumadda Soomaaliya waxay u shaqaynaysaa quwado kale oo ay la kala safan tahay, waana ta keentay xaruntii  baarlamaanka in ciidan la wareego, heshiisyada ay Somaliland gelaysana waxaa u jooga oo la soo mariyaa goleyaal Baarlamaan oo ay Somaliland leedahay, markaa haddii wanaag iyo Soomaalinimo Muqdisho laga doonayo waxaan u arkaa in aan DP-WORLD arrinteeda la soo faro galiyeen. sababtoo ah DP-WORLD heshiiska ay Somaliland la gashay waa mid horumar iyo waxtar u leh Somaliland iyo umadda Soomaaliyeedba in wanaag soo kordhay la diidaana cidda ku kacday ayay taariikh xumo ku tahay. ”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply