Dhismaha Waddada Ceerigaabo oo si Xawli ah u Socota

0
355

Ceerigaabo (Dawan)- Maareeye ku xigeenka hay’adda waddooyinka Somaliland Mustafe Faarax Qalab ayaa socdaal hawleed ku tagay jiidaha kala duwan ee ay ka socoto hawsha dhismaha waddada isku xidha magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco, waxaanu kormeer ku galaa-bixiyay goobo dhawr ah ay si xawli ah uga socoto hawsha dhismaha jidkaasi.

Maareye ku xigeenka hay’adda Waddooyinka Somaliland waxa uu warbixinno ku wajahan habsami u socodka shaqada dhismaha waddada halkaasi kaga dhagaystay Injinneerada iyo hawl-wadeenada kale ee gacanta ku haya mashruuca dhismaha waddada Ceerigaabo.

Madaxa mashruuca waddada Ceerigaabo Mawliid Nuux Ibraahin ayaa maareeye ku xigeenka warbixim ka siiyay guulihii ay ku tallaabsadeen muddadii ka dambaysay bilawga shaqada, waxaanu sharraxaad dheeraad ah ka siiyay deegaanka Guryosan ee degmada Ceel-afweyn oo ay ka socoto shaqada daamur saarka in ka badan laba kiiloo mitir oo laami ah.

Madaxa mashruuca waddada Ceerigaabo Mawliid Nuux Ibraahin, isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Mudane Maareeye muddo shan iyo labaatan cisho gudahood ah waxaa noogu qabsoomay shan kiiloomitir oo daamur ah iyo todoba kiiloomitir oo kale. Halkani waa goobta u dhaxaysa Kalsheekh iyo Ceel-afweyn, waana halka daamur saarku ugu badan yahay ee aanu xawliga badan ku soconay, waxaa noo qabsoontay buurtii Qabtotira oo ay in badan dadku ka sheekayn jireen, ILLAAHAY mahaddii wax badan ayaana noo qabsoomay.”

Eng. Shaakir Cali Axmed oo ka mid ah masuuliyiinta gacanta ku hasya mashruuca dhismaha waddada Ceerigaabo ayaa isaguna halkaasi ka hadlay, waxaanu yidhi “Maarey ku xigeen sida aad indhahaaga ku arkayso, waxaanu hadh iyo habeen ba heegan ugu jirnaa ka midho dhalinta himilada iyo hiigsiga ummada reer Somaliland ee ah in aanu isku xidhno labada gobol ee Togdheer iyo Sanaag, ama magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco, jidkiina waxa uu maraya meel aad u wanaagsan, haddana waxaanu ku wajahanahay in aanu gaadhno magaalada Ceel-afweyne.”

Maareeye ku xigeenka hay’adda waddooyinka Somaliland Mustafe Faarax Qalab, ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay waxaanu ku dheeraaday siyaasadda xukuumadda Somaliland uga qorshaysan dhamaystirka dhismaha jidka Ceerigaabo, waxaanu yidhi “Madaxweynaha Somaliland waxa uu amray in culays la saaro waddada Ceerigaabo, waxaan ummadda u sheegayaa in ay madaxweynaha ka go’antahay dhamaystirka jidka Ceerigaabo, bulshada Sanaag waxaan leeyahay ha warwarina, madaxweyne iyo xisbi horumar ku suntan ayaa dalka haysta, markaa waxaan leeyahay ha ka warwarina dhismaha waddada Ceerigaabo.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply