Safaraadda Jabuuti ee Somaliland oo Beenisay War Laga Qoray

0
318

Hargeysa (Dawan)- Safaaradda Dawladda Jabuuti ay ku leedahay caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa ayaa jawaab adag ka bixisay war ay ku tilmaantay mid bulshada labada dal ee walaalaha ah lagu kala fogaynayo.

Safiirka dawladda Jabuuti u fadhiya Somaliland Xuseen Cumar Kawaaliye, ayaa warkaasi oo lagu baahiyay qaar ka mid ah shabakadaha wararka (Websites) ku tilmaamay mid been abuur ah, oo aan sal iyo raad lahayn, isla markaan looga dan lahaa in lagu kala fogeeyo bulshada walaalah ah ee labada dal ee Jabuuti iyo Somaliland.

Safiirku waxa kale oo intaasi ku daray in Somaliland iyo Jabuuti ay yihiin laba dal iyo laba dad oo walaalo ah, isla markaana aan kala maarmin, wakhti xaadirkanna xidhiidhka walaaltinimo ee dalabada dal uu marayo halkii ugu wanaagsanayd.

Danjire Kawaaliye oo war qoraal ah oo uu arrintaasi ku beeninayo ka soo saaray xarunta safaaraddiisa ee Hargeysa oo nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay Wargayska Dawan, ayaa u dhignaa sidan:- “Waxaa lagu baahiyay warsidaha xogreeb 20/03/2018. War aan sal iyo raad lahayn oo been abuur ah, warkaasi ku tiri kuteenka ah ee loogu talo galay in lagu dhaawaco xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti, waxaan halkan ka caddaynayaa in aanay waxba ka jirin.

Xidhiidhka labada dal ee walaalaha ah imika in uu sii fiicnaado oo uu xoogaysto mooyee waji kale oo u yaallaa majiro.

Haddaba waxaan ka rabnaa warsidaha Xogreeb in uu soo caddeeyo warkaasi been abuurka ah.” ayaa lagu yidhi qoraalka beeninta ah ee ka soo baxay xafiiska Safiirka dawladda Jabuuti ee Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply