Kalluumaysatada Dalka oo Mahadiyay Go’aan ay Xukuumadu ku Mamnuucday Maraakiibta Shisheeye

0
301

Saylac (Dawan)- Bulshada kaluumaysatada ah ee Degmada Saylac ayaa ku amaanay xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland, tallaabadii ay ku mamnuucday maraakiibtii shisheeye ee isticmaali jiray badda, isla markaana shaaciyey inay dib u bilaabmatay shaqooyin muddo 15 sannadood horteed ka joogsaday.

Bulshada ku dhaqan degmada Saylac ee ka ganacsada kaluunka ayaa dhamaantood sheegeen inay dib u bilaabmatay ganacsiga noocyada kaluunka ee badda, gaar ahaan Degmada Zaylac, taas oo ku timi ka dib markii baddaha laga saaray maraakiib shisheeye oo xaalufin ku hayay baddaheena.

“Waxaan u Mahadnaqaynaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee naga joojiyey maraakiibtii baddeena jilaafaysan jirtay. Baddeeniina waa taa noo noolaatay, waa Ilaahay mahadii,” ayuu yidhi mid ka mid ah kaluumaysatada degmada Zaylac oo ka hadlayey dareenkiisa mar uu la hadlayay Telefishanka Horn Cable Tv.

“Annigu waxaan ahay ganacsatada ka miisaamata Qoqobka ee u iibgaysa dalka Jabuuti, maansha alaah, kalluunkani waa kuwii maraakiibta ajaanibku jaraafi jireen, ee ay naga guran jireen ee lacag qaali ah dibedaha ka soo siisan jireen,” ayuu sheegay nin ka mid ah ganacsatada kaluunka ee Saylac.

Wadayaasha gaadiidka ka shaqeeya daabulka kalluunka loo iibgeeyo dalka Jabuuti ayaa tilmaamay sida ay ugu faraxsan yihiin, dib-u-curashada ganacsigan oo ay muddo dheer ugu dambaysay, waxaana hadalkiisi ka mid ahaa, “Baabuurta ka shaqeysa Qooqabka iyo Kaluunka laga soo saaro badda, habeenkii laba xilli ayaan halkan ka qaadnaa oo dalka Jabuuti geynaa, muddo dheer ayaa ganacsigan noogu dambaysay, intaa maraakiibta la joojiyey ayey baddii soo noolaatay, annaguna waan ku diirsanay.”

Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta kaluumaysiga Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) ayaa shaaca ka qaaday horaantii bishii labaad ee sannadkan inay joojiyeen gebi ahaanba maraakiibtii ka kaluumaysan jiran baddaheena, ka dib markii ay ogaadeen inay dhibaato fara badan ku hayaan.

Si kastaba ha ahaatee, xeebta dhereran ee dalka Somaliland ayaa waxa ka soo ifbaxaya maxsuul wanaagsan oo ka dhashay ka dib markii xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi gebi ahaanba mamnuucday maraakiibtii badda dalkeena ka kaluumaysan jiray.

 

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply