Wasiirka Deegaanka oo Go’aan ka soo Saartay Dhoofinta Iyo Iibinta Duurjoogta

0
285

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda deegaannka iyo horumarinta reer miyiga Jamhuuriyadda Somaliland marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Maxamuud (Baandare) ayaa soo saartay go’aan  ay ku mamnuucayso dhoofinta iyo iibinta duurjoogta dalka, isla markaana aan hadyad la isu siin Karin, si sigaar ahna aan loo heysan karin.

Wasiir Shukri waxay sidan ku sheegtay wareegto ay ay shalay arrintan ka soo saartay, taas oo lagu socod siiyay wasaaraddaha arrimaha gudaha, ganacsiga iyo warshadaha, taliyayaasha ciidanka booliska iyo dhamaanba gudoomiyayaasha gobolada iyo degmooyinka dalka.

Wareegtadan oo ay ku saxeexneyd wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga marwo Shukri Xaaji Maxamuud (Baandare), waxy u dhignayd sidan:- “Tixraac xeer madaxweyne oo oo lanbarkiisu yahay 583/01/06 Xeer L/69/2015 kuna taariikheysan 10/10/2016 ujeedadiisuna aheyd dhaqan galinta xeerka ilaalinta iyo kaymaha duurjoogta Somaliland, kaas oo si cad u qeexaya inaan la dhoofin Karin, laga ganacsan Karin, hadiyadna loo bixin karin, si gaarana aan loo heysan karin dhammanba noocyada kala duwan ee duurjoogta ku nool wadanka Jamhuuriyadda Somaliland.

“Iyada oo baryahan ay jirtay inay soo noqnoqoneysay dalxiisayaal ka ugaadhsada gobolada dalka taasi oo keentay waxyeeleynta ugaadha iyo isku dhac deegaan, sidaasi darteed si loo xaqiijiyo fulinta xeerka madaxweyne ee sare ku xusan waxaanu dhammaanba ka codsaneynaa masuuliyiinta ay wareegtadani sida tooska ah ugu socoto kana shaqeeyaan in la hubiyo dhaqdhaqaaqyada dadka dalxiisayaasha ah ee dalka yimaada si loo badbaadiyo deegaanta iyo duurjoogta dalka”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply