“Waxaa Naga Go’an in aanu Xoojinno Awoodda Baanka Dhexe”

0
331

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in ay xoojinayaan awoodda shaqo ee uu dalka u qaabilsan yahay baanka dhexe, isla markaana ay ka go’an tahay in la tayeeyo baanka dhexe. sidoo kale, waxa uu intaasi ku daray in ay xukuumadiisu dagaal adag la gelayso musuq maasuqa.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu tilmaamay in ay dedaal ugu jiraan sidii meesha looga saari lahaa arrinta qiima dhaca lacagta shillinka Somaliland oo culays weyn ku haysa bulshadda, gaar ahaanna dadka danyarta ah, isla markaana arrintaasi wax ka qabashadeeda uu guddi u xil saaray.

Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sidan ka sheegay khudbad sanadeedkii dastuuriga ahayd oo uu shalay ka hor jeediyay fadhigii baarlamaanka, isaga oo xusay in qodobadii ay soo saareen guddigii loo xil saaray xal u helidda sicir bararka iyo qiimo dhaca shillinka Somaliland ay fulintoodu ku eg tahay maanta oo ay bisha March tahay 26-tan.

“Marka aynu ka hadlayno wax-qabad iyo horumar, waxa saldhig u ah dhaqaale. Dal-na ma dhismi karo dhaqaale la’aan. Sidaa awgeed, waxaa naga go’an kobcinta ilaha dhaqaalaha iyo wax-soo-saarka (Xoolaha, Beeraha, Kalluumaysiga, Beeyada iyo Khayraadka dhulka hoostiisa ku duuggan).

Xukuumaddeenu waxay ka shaqaynaysaa dhiirigelinta maalgashiga gudaha iyo dibedda. Anaga oo u aragna inuu maalgashigu wax weyn ka tari-doono korodhka dakhliga, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka dhallinyarada, waxaannu abuurnay wasaaradda Horumarinta Maalgashiga.”

“Waxaannu bilaabaynaa nidaamka cashuuraha iyo ilaalinta ilaha dakhliga dalka, mid dad-ban iyo mid toos ah ba, annaga oo tallaabooyinkii u horreeyeyna qaadnay. Waxaannu xoojinaynaa nidaamka dakhli ururinta. waxaannu dagaal adag la-gelaynaa musuq-maasuqa noocuu yahay-ba. Waxaannu diyaarinay Miisaaniyadda sannadka 2018-ka, oo ku salaysan nidaamka maamulka dakhliga dawladda (Public Financial Management System), waxaanay toddobaadkan soo gaadhaysaa golaha Wakiilladda” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Geesta kale waxa uu madaxweynuhu ka hadlay miisaaniyad sanadeedka 2018-ka iyo waxyaabaha loo qorsheeyay in laga maalgeliyo iyo sidoo kale arrimaha cashuur ururinta iyo dakhli soo saarka dalka, waxaanu yidhi “Miisaaniyadda 34% waxaannu u qoondaynay horumarinta dalka. Waxaannu xoojinaynaa awoodda Baanka dhexe ee dalka. Adduunka dal walba waxa maamula lacagta dalka Baanka Dhexe. Baanka Dhexe waxa uu masuul ka yahay sarifka lacagaha qalaad, wuxuu ilaaliyaa dhaqaalaha guud ee dalka, wuxuu ogolaadaa dhismaha baananka gaarka ah iyo kuwa dawladda ee qaabilsan dhinacyada ganacsiga, amaahda iyo horumarka.”

Madaxweynaha Somaliland mudae Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay in xukuumaddiisu ay xoojinayso nidaamka cashuuraha dalka oo ah laf-dhabarta dawladnimada, waxaanu yidhi “Cashuurtu waa laf-dhabarta dawladnimada. Sidaa darteed, waxa waajib ah in ay bixiso cid kasta oo ay cashuuri ku waajibtay. Si aynu awood ugu yeelano in dakhliga iyo baahida dalku isu daboolaan, waa in la helo cashuur dhammaystiran. waxaannu ka dagaalamaynaa in la musuqo iyo in looga faa’iideysto dano gaar ah cashuurta dalka. Waa hawl adag oo u baahan dagaal qadhaadh iyo iskaashi”.

Madaxweynaha mar uu ka hadlayay arrinta qiimo dhaca lacagta shiilinka Somaliland waxa uu yidhi “Qiima-dhaca Shilinka Somaliland waxa uu culays weyn ku hayaa bulshada, gaar ahaan dadka dan-yarta ah. Sidaa darteed, waxaan u magacaabay guddi gaar ah xal u helista arrintan. Kadib markay la tashadeen aqoon yahan fara-badan, waxay soo saareen go’aammo aannu u aragnay inay wax ka bedeli doonaan qiima-dhaca shillinka. Fulinta go’aammadaasi waxay bilaabmeen 13-kii March, 2018-ka.

Inta badan hawlaha culus ee la bilaabo, waxa ka soo baxa qodobbo lama filaan ah. Fulintii hawshaa waxa ka soo baxay ruxan sarrifka suuqa ah. Waxa jiray in shirkadaha qaar ay lacag badan oo electronic ah u hayeen macmiishooda. Sidii lacagtaasi ugaadhi lahayd daafaha dalka oo dhan ayaa maalmo jiitantay, waxaan go’aaminay inay arrintaasi xidhanto 26-ka bishan aynu ku jirno.”

Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa kale oo uu mahad naq u jeediyay dhamaan shirkadaha suuqa sarrifka, kuwaasi oo uu sheegay in ay si waddaniyad leh isu garab taageen xukuumadda, waxaanu yidhi “Waxaan aad ugu mahad-naqayaa shirkadaha suuqa sarrifka ku jira oo dhammantood si waddaniyad leh hawshaa noogu garab galay. Waxay naga qaateen qodobbo aad ugu adkaa, waxayse ku aqbaleen danta guud ee dalkooda”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply