Madaxweynaha oo Khudbad Sannadeedkiisi ugu Horreeyay Ka Jeediyay Baarlamaanka iyo Qodobadii uu kaga Hadlay

0
318

Hargaysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay khudbadii dastuuriga ahayd ka hor jeediyay fadhi wada jir ah oo ay isugu yimaadeen labdada gole ee Guurtidda iyo Wakiiladda oo uu shir-gudoominayay guddoomiyaha golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud Aadan, isla markaana ay goob joog ka ahaayeen xubno ka mid ah golihiisa wasiirrada iyo marti shafar kale.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa khudbadiisa waxa uu kaga hadlay qorsheyaal ay xukuumadiisu jeexatay markii ay tallabadda qabatay oo la xidhiidha dhinacyada Amniga, siyaasadda arrimaha dibadda, dhaqaalaha iyo horumarka, kaabeyaasha dhaqaalaha, arrimaha bulshada, maamul-wanaagga garsoorka iyo cadaaladda, abaaraha iyo Is-beddelka Cimillada, Doorashooyinka iyo Warbaahinta. Waxaanu si kooban uga hadlay waxyaabihii xukuumaddiisa u qabsoomay mudadda 100-ka maalmood ah ee ay xilka haysay.

Qodobka ugu weyn ee uu madaxweynuhu awoodda saaray ayaa ahaa amniga gudaha iyo mida wadamada deriska ee geeska Afrika, tayayn iyo casrriyayn lagu sameeyay ciidamadda booliska, dagaaladda qabaa’ilka, shilalka gaadiidka iyo qodobo kale.

Waxa kale oo uu madaxweynuhu ka hadlay Kufsiga oo uu ku tilmaamay musiibo qaran iyadoo sanadkii tegay ee 2017-kii ay dalka ka dhaceen 80 kiis oo kufsi ah, isla markaana ay ku eedaysan yihiin oo ay gaysteen ama u xidhan yihiin 100 qof oo dhalinyarro ah.

Khudbadda madaxweynuhu waxay u dhignayd sidan:-

Qodobka 1aad Amniga:

Mudanayaal; waxa naga go’an in aanu xooga saarno sugidda amniga soohdimaha (dhul, bad, iyo cir) ee dalka, si loo adkeeyo jiritaanka Qaranka, xasilloonida iyo deganaanshaha amniga ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Siyaasaddeenu mar walba waxay tahay, dadka ku wada-dhaqan Gobolka Geeska Africa iyo dunida inteeda kaleba inay si wada-jir ah uga shaqeeyaan xoojinta nabadda, dhawrista derisnimada, faro-galin la’aan iyo iskaashi dhinaca ganacsiga ah. Haddaba, si aynu u adkayno amniga iyo xasiloonida gudaha, waxa dhammaanteen waajib innagu wada ah, haddii aynu nahay xukuumad, xildhibaanno, salaadiin, cuqaal, odayaal, aqoonyahan, dhallinyaro, haween iyo shacab weynaba, inaynu si dhab ah uga wada shaqayno nabad ku-wada-noolaanshaha dadkeenna gees illaa ka gees. Shacbi-weynaha reer Somaliland waxaan ka codsanayaa inay walaaloobaan, oo gacmaha is-qabsadaan, oo dhexdooda isku kalsoonadaan. Somaliland waa mid-qudha, waa shacbi kaliya. Qof, koox iyo qabiilka waxa ka wayn Qarannimadeena. Sidaa darteed, waxa innagu waajib ah ineynu Qaranka ka ilaalino wixii dhaawacaya.

Si aynu u sugno amniga guddaha, wuxuu ku talo-galkayagu yahay inaanu marka ugu horaysa xoojinno wada-shaqaynta Hayadaha Amniga iyo shacabka, iyadoo ay siyaasaddeenu tahay in aanu shacbiga siino barnaamijyo wacyi-galineed oo ah, inay la shaqeeyaan Ciidammada Amniga. Waxa kale oo uu ku talo-galkayagu yahay xoojinta iyo tayeynta Hay’adaha Amniga. Waxaannu tayeyn, xoojin, iyo casriyeyn ku samaynaynaa adeegyada qaybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska, si ay awood buuxda ugu yeeshaan ilaalinta amniga gudaha iyo wax-ka-qabashada dambiyada.

Waxaa beryahan danbe soo kordhayay kooxo dhallinyaro yaryar ah, oo magaalooyinka dhexdooda ka samaynaya falal-dambiyeedyo wax u dhimaya xasiloonida magaaloyinka. Waxa keentay sabool-nimada iyo shaqo la’aanta. Haddaba si looga faa’ideeyo muruqa iyo maskaxda dhallinyarada, Waxaannu bilowney Qorshaha Shaqo-qaran (National Service). Waxaannu u bilownay dhigaalka miisaaniydii lagu hirgalin lahaa Qorshaha Shaqada Qaranka.

Marka laga hadlayo amniga iyo xasiloonida gudaha, waxa ugu horreeya in la joojiyo dagaalada iyo iska hor-imaadyada beelaha ee qabyaaladda ku salaysan.Dagaaladii beeleysnaa ee ugu danbeeyey waxa ku dhintey in ka badan 90 qof, intaa in ka badanina wey ku dhaawacmeen. Qarankeenu kama maarmo dad si dhib yar inooga dhinta, oo waliba ku baxa colaad la baajin karo. Bal u fiirasada, maxaynu ka dhaxalnaa dagaalada beelaha? Waa Qax, waa Goblan, waa Asay, waa Agoon iyo Saboolnimo baahsan, baryo aynu u dirsanno qayrkeen iyo gacmaha oo hoos dhigano.

Waxa kale oo khasaare naf iyo maalba leh innagu haya shillalka baabuurta ee soo badanaya. Sannadkii aynu soo dhaafney waxa dalka ka dhacay 2,258 shil baabuur oo ay ku dhinteen 160 qof, kuna dhawacmeen 1,956 qof.

Waxa aan hawl-galiyey in Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku in ay deg-deg u fuliso qorshaha lagu xakamaynayo shilalka gaadiidka. In ruqsada kaxaynta baabuurta la siiyo, kaliya qof bartay sida baabuurta loo kaxeeyo, oo imtixaan adag oo dhab ah ka soo baxay. Sidoo kale, waxa waajib ah inuu jidadkeena mari-karo kaliya baabuur tayadiisa farsamo la hubiyey in lagu aamini karo naf iyo maal. Xukuumadda waxa ka go’an in la fuliyo Xeerka Wado-marista.

Sannadihii ugu danbeeyey, dalka waxa ku soo badanayey kufsiga, oo ah danbi culus oo laga galo hablaha sharafta mudan. Sannadkii 2017-kii oo keliya waxa dalka ka dhacay 80 Kufsi, oo ay gaysteen 100 eedaysane. Inta badanna eedaysanayaasha gaysta dhaqankan xun ee innagu soo kordhay, waa dhallinyaro waxma garata ah. Waxaynu ka galeynaa dagaal adag sidii aynu u-tirtiri lahayn.

Caalamkan aynu maanta ku nool nahay, dal-walba waxa lagu qadariyaa inta ay le’eg tahay cududiisa milatari. Maanta, in kasta oo qalab iyo saanad culus Ciidankeenu leeyahay, haddana wali halka aynu la higsaneyney maynu gaadhsiin. Hase yeeshee, Ilaahay wuxuu inna siiyey dad naftooda u huraya difaaca Qaranka. Waxaynu leenahay Ciidan Qaran oo bir ah oo jabin kara cadaw kasta oo dalkeena u soo hungurooda.

Waa ciidan in ka badan afartan (40) sannadood u soo taagnaa xoreynta iyo difaaca Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxay leeyihiin feejignaan, xirfad dagaal, niyad adag, u-adkaysiga xaaladaha qalafsan iyo go’aan qadasho dhiiran.Walaalayaal, dawlad iyo shacabba waa ineynu wax walba u hurnaa dhismaha iyo daryeelka Ciidammada Qaranka ee aynu ku seexano”.

Qodobka 2aad Siyaasadda Arrimaha Dibedda

“Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee dalku waxay ku qotontaa afar tiir oo kala ah: 1. In la helo Ictiraaf Caalami ah. 2. In la sii xoojiyo xidhiidhka aynu la leenahay wadammada deriska ah, Urur Gobolleedka IGAD, Midowga Africa, Wadamada Carabta, Ururka Dalalka Islaamka, midawga Yurub, iyo caalamka oo dhan. 3. Inay Somaliland hesho taageero dhaqaale oo dalka lagu horumarinayo (Bi-lateral and multi-lateral support). 4. Inay Somaliland hesho Maalgashi Caalami ah oo toos ah (Direct, Foreign Investment).

Siyaasadeenna Arrimaha Dibedda waxa sal u ah deris-nimo wanaag iyo is-xaq-dhawr, waxaannu mar-walba diyaar u nahay, oo hiil u nahay sugidda ammaanka, ilaalinta nabadda iyo xasiloonida Gobolka iyo Caalamkaba. Shacabka reer Somaliland waayo-arag bay ku yihiin dhibaatada iyo qadhaadhka colaadaha iyo sidoo kale wanaagga iyo qiimaha ay nabaddu leedahay. Muddadii koobnayd ee aan xilka hayey, waxaan safarro shaqo ku tagay dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta. Waxaannu saddexda dawladood ka wada-hadalnay xoojinta xidhiidhka wanaagsan ee innaga dhexeeya.

Waxaannu isla garanay in la sii xoojiyo xidhiidhkeena dhinacyada Amniga, Ganacsiga iyo dhaqan-dhaqaale. Waxa kaloo aannu si cad u gadhsiiney in Somaliland tahay dal buuxiyey shuruudihii Qarannimo. Sidaa darteed, ay xaq u leedahay in la ictiraafo. Waxaannu uga mahad-naqaynaa Itoobiya, Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta sidii sharafta lahayd ee ay u qadariyeen iyo milgaha ay siyeen waftigeenii. Dawladda Imaaraadka Carabta waxa kale oo uga mahad naqaynaa inay ku soo dhiiratay maalgashiga dalkeena. Shirkadda DP World balaadhinta iyo casriyeynta ay ka bilaabayso Dekedda Berbera, waa talaabo horumarineed oo u soo korodhay Jamhuuriyadda Somaliland iyo Gobolkaba.

Dawladda Imaaraadka Carabta, Madaxdooda iyo shacabkoodaba waxaan uga mahadnaqaynaa hiilkii badheedhka ahaa ee ay isla garab taageen shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland. Iyaga oo warbaahintoodu gaadhsiisey Caalamka oo dhan taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland, Nabadda, dimuqraadiyadda iyo horumarka dhaqaale ee dalkeena ka socdo”.

Qodobka 3aad Dhaqaalaha iyo Horumarka:

“Marka aynu ka hadlayno wax-qabad iyo horumar, waxa saldhig u ah dhaqaale. Dalna ma dhismi karo dhaqaale la’aan. Sidaa awgeed, waxa naga go’an kobcinta ilaha dhaqaalaha iyo wax-soo-saarka (Xoolaha, Beeraha, Kalluumaysiga, Beeyada iyo Khayraadka dhulka hoostiisa ku duuggan). Xukuumaddeenu waxay ka shaqaynaysaa dhiirigelinta maalgashiga gudaha iyo dibedda. Anagoo u aragna inuu maalgashigu wax weyn ka tari-doono korodhka dakhliga, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo-abuurka dhallinyarada, Waxaannu abuurnay Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga. Waxaannu bilaabaynaa nidaamka cashuuraha iyo ilaalinta ilaha dakhliga dalka mid dad-ban iyo mid toos ahba, annagoo talaabooyinkii u horreeyeyna qaadnay. Waxaannu xoojineynaa nidaamka dakhli ururinta. waxaannu dagaal adag la-galaynaa musuq-maasuqa noocuu yahayba.

Waxaannu diyaariney Miisaaniyadda sannadka 2018, oo ku salaysan Nidaamka Maamulka Dakhliga Dawladda (Public Financial Management System), waxaanay toddobaadkan soo gaadhaysaa Golaha Wakiillada. Miisaaniyadda 34% waxaannu u qoondaynay horumarinta dalka. Waxaannu xoojinaynaa awoodda Baanka Dhexe ee Dalka. Adduunka dal walba waxa maamula lacagta dalka Baanka Dhexe. Baanka Dhexe waxa uu masuul ka yahay sarifka lacagaha qalaad, wuxuu ilaaliyaa dhaqaalaha guud ee dalka, wuxuu ogolaadaa dhismaha baananka gaarka ah iyo kuwa dawladda ee qaabilsan dhinacyada ganacsiga, amaahda, iyo horumarka.

Cashuurtu waa laf-dhabarta dawladnimada. Sidaa darteed, waxa waajib ah in ay bixiso cid kasta oo ay cashuuri ku waajibtay. Si aynu awood ugu yeelano in dakhliga iyo baahida dalku isu daboolaan, waa in la helo cashuur dhammaystiran. waxaannu ka dagaalamaynaa in la musuqo iyo in looga faa’iideysto dano gaar ah cashuurta dalka. Waa hawl adag oo u baahan dagaal qadhaadh iyo iskaashi.

Qiima-dhaca Shilinka Somaliland waxa uu culays weyn ku hayaa bulshada, gaar ahaan dadka dan-yarta ah. Sidaa darteed, waxaan u magacaabay Guddi gaar ah xal u helista arrintan. Kadib markay la tashadeen aqoon yahan fara-badan, waxay soo saareen go’aammo aannu u aragney inay wax ka bedeli doonaan qiima-dhaca Shillinka. Fulinta go’aammadaasi waxay bilaabmeen 13-kii March, 2018.

Inta badan hawlaha culus ee la bilaabo, waxa ka soo baxa qodobbo lama filaan ah. Fulintii hawshaa waxa ka soo baxay ruxan sarrifka suuqa ah. Waxa jiray in shirkadaha qaar ay lacag badan oo electronic ah u hayeen macmiishooda. Sidii lacagtaasi ugaadhi lahayd daafaha dalka oo dhan ayaa maalmo jiitantey, waxaan go’aaminey inay arrintaasi xidhanto 26-ka bishan aynu ku jirno. Waxaan aad ugu mahad-naqayaa shirkadaha suuqa sarrifka ku jira oo dhammantood si waddaniyad leh hawshaa noogu garab galay.Waxay naga qaateen qodobbo aad ugu adkaa, waxayse ku aqbaleen danta guud ee dalkooda”.

Qodobka 4aad Kaabeyaasha Dhaqaalaha:

“Dekedaha, Waddooyinka, iyo Garoomada diyaaraduhu waxay ahmiyad weyn u leeyihiin horumarka dhinaca dhaqaalaha, ganacsiga iyo isku xidhka bulshada. Sidaa darteed, waxa noo qorshaysan in aanu dhamaystirno jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo oo hadda toban kiloomitir oo ka mid ah la dhigay daamurkii. Jidkaasi wuxuu qiime weyn ugu fadhiyaa Qaranka. Waxa kale oo muddadii koobneyd ee xukunka dalka aan hayey la-dayactirey 60 kiloomitir oo ka mid ah jidka isku xidha, Halleeya iyo Dacar-budhuq.

Waxa kale oo noo qorshaysan in aannu sannadkan gudihiisa bilowno jidka ganacsiga ee isku xidha Berbera iyo Wajaale (Berbera Corridor), kaas oo fududayn doona inay Somaliland qayb ka noqoto dhaqaalaha iyo is-dhexgalka bulsho ee Gobolka Geeska Afrika”.

Qodobka 5aad Arrimaha Bulshadda:

“Dhallinyarada: Marka la eego tirada shacab-weynaha reer Somaliland, 70% waa dhallinyaro da’doodu u dhaxayso 15-35 jir. Sidaa darteed, waxaannu u aqoon-sannahay inay dhallinyaradu yihiin xoogga iyo laxaadka Qarankan, waxayna inaga mudan yihiin in aynu u diyaarinno mustaq-bal iyo nolol lagu soo hirto. Waa in ay helaan tacliin tayo leh oo gaadhsiisan waxbrashada adduunka. Sidoo kale, waa in aynu caqligooda iyo cududdoodaba u carbinnaa, una diyaarinnaa in ay geliyaan hogaaminta iyo horumarka dalkooda, waanna sababta aan xilal ka mid ah kuwa ugu muhiimsan xukuumaddeena ugu xanbaariyey dhallinyaro aqoon leh.

Xukuumaddeenu, iyadoo ka duulaysa shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta dalka, waxay waddaa dib-u-habayn ku saabsan Xeerka Shaqaalaha (Labor Code). Marka uu qorshahaasi dhammaadana shaqo uu qof muwaadin ahi qaban karo, u ogolaan-mayno qof ajanebi ah. Waxa aan dhowaan aasaasay Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada, kaas oo aannu ku shubnay lacag u dhiganta laba bilyan oo Somaliland Shilling ah. Sanduuqan waxa laga maalgalinayaa dhallinyarada la timaada hal abuur ganacsi oo macquul ah oo keeni kara shaqo-abuur. Wakhtigan xaadirka ahna, waxaannu ku hawlan nahay dhammaystirka nidaamkii lagu maamuli lahaa Sanduuqa, iyo nidaamka looga baahan yahay cid kasta oo soo codsata in laga maalgaliyo Sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada. Waxaan soo jeedinayaa in Shacab iyo Xukuumadba la isugu tago sidii Sanduuqa Horumarinta Dhallinyaradda loo kobcin lahaa.

Sidoo kale, waxa aannu bilawnay in Barnaamijka Shaqo Qaran aannu bil-walba Account u dhigno lacag dhan hal billion oo SL.SH, si sannadka dhammaadkiisa loo helo lacag dhan 12 bilyan oo Shilinka Somaliland ah oo lagu bilaabo barnaamijka Shaqo Qaran. Barnaamijkan waxa ka qayb-geli doona ardayda dhammaysata dugsiga sare iyo Jaamacadaha. Ujeedooyinka ugu waaweyn ee barnaamijkan waxa ka mid ah fududaynta is-dhex-galka dhallinyarada Somaliland iyo in ay ardaydu helaan khibrad shaqo, iyaguna dalkooda uga faa’iideeyaan aqoontooda.

  1. Waxbarashada.

Sida la ogyahay dalalka dunidu waxay ku kala horumaraan sida ay ugu kala horumarsan-yihiin dhinaca tacliinta. Sidaa darteed, waxa lagama-maarmaan ah in ay waxbarashadeenu la jaan-qaado horumarka iyo xawliga ay ku socoto tacliinta casriga ah ee dunidu.

Waxa xukuumaddeena u qorshaysan tayeynta iyo dib-u-habaynta manhajka waxbarashada dalka iyo in la helo Siyaasad Waxbarasho oo ku salaysan baahida dalka.

Si loo beegsado himillada ah, helista waxbarasho loo siman yahay iyo tacliin casri ah, waxa aannu bilownay in arday kasta oo dhigta dugsiyadda hoose/dhexe helo buugaagta manhajka waxbarashada dalka oo bilaash ah. Taas oo ku kacaysa 1.2 bilyan SL.SH, sannadkii.

Waxa kale oo xukuumad ahaan noo qorshaysan:

  • In kor loo qaado daryeelka macallinka ee dhinaca nolosha iyo tayada aqoontiisa.
  • In aannu ahmiyad weyn siino waxbarashada Farsamada Gacanta, si da’yartu u helaan xirfado ay ku shaqaystaan. Sidaa darteed, waxaannu dib-u-dhis iyo dib-u-habayn ku samayn doonaa dugsiyadii farsamada gacanta Burco iyo Hargeysa. Waxa kale oo aanu hiigsanaynaa in gobol kasta laga sameeyo dugsi farsamo gacan oo bixiya waxbarasho tayo leh.
  • Waxaannu dhiirigelinaynaa wax-akhriska ardayda reer Somaliland, Waxaannuna hirgelinaynaa maktabado wax-akhris (Public Libraries).
  • Waxa kale, oo dib u habayn iyo tayayn ku samayn doonnaa waxbarashada Jaamacadaha dalka, si ay ula tartamaan dhigooda adduunka.
  1. Caafimaadka.

 Innaga oo og muhiimadda uu adeegga caafimaadku u leeyahay bulsho-kasta;

 Innaga oo og in waxa ugu qaalisan, uguna mudan in la daryeelaa ay tahay nafta bini’aadanka;

 Inaga oo og duruufaha iyo dhibaatooyinka caafimaad ee ka jira dalka;

Xukuumaddeena aan hogaaminayo waxa ka go’an xal-u-helidda dhibaatooyinka iyo caqabadaha horyaal nidaamka iyo adeegyada caafimaad ee dalka.

Himilladeenuna waxa weeye in ay muwaadiniinta Reer Somaliland helaan adeeg caafimaad oo hufan, ilaa laga gaadho in dhimashada hooyada iyo dhallaanka 50% hoos loo dhigi karo, haddii Eebe idmo.

Si loo xaqiijiyo himilladaa;

  • Waxaannu kordhin doonaa tirada dhakhaatiirta ee ka hawl-gala guud ahaan dalka, sababta oo ah, marka la eego saamiga dhakhaatiirta iyo dadka bukaanka ah (Patience-doctor ratio), halka dhakhtar ee ka hawl-gala hal goob caafimaad waxa ku soo beegmaya 13,500 oo bukaan ah.
  • Waxa xoog la saari doona hubinta takhasuska iyo aqoonta dhakhaatiirta ka hawl-galka dalka Somaliland.
  • Waxaannu adkayn doonaa ruqsadda furashada goob caafimaad, si aanay nafta qofka iyo caafimaadka muwaadiniintu u gelin ganacsi.
  • Waxaannu dardar gelin doonaa awoodda iyo hufnaanta adeegyada caafimaad ee ay bixiyaan cusbataallada dalku.
  • Waxaannu dib-u-habayn iyo tayeyn ku samayn doonnaa Hayadda Ilaalinta Tayada (Quality Control Agency). Si loo hubin karo faya-dhawrka iyo tayada dawooyinka, cuntada iyo dhammaan wixii kiimiko ah ee dalka la keenayo.
  1. Biyaha.

Sida la wada og yahay, biyuhu waa hal bowlaha nolosha bini aadamka, meelo badan oo dalka ka mid ahna waxa ka jira baahi biyood oo kala duwan. Cimillada is-badashay waxay keentey roob yaraan. Mar haddii roobkii yaraadayna waxa yimi abaaro is-daba-jooga. Abaarta iyo haraadkuna way isku sidkan yihin. Waxa kala weynaaday haraadka jira iyo awooddeena dhaqaale ee biyo joojinta iyo biyo qodidda. Waa hubaal dalka intiisa badan in ay ka jirto biyo la’aan xooggan. Caasimadda dalku waxay u baahan tahay maalintii lixdan kun oo mitirik tan oo biyo ah. Waxay hadda heshaa sagaal kun oo mitirik tan, oo ku soo baxa si dhib iyo kharash badan. Hay’ado kala duwan oo madax-bannaan ayaa si habaq la’ah uga fuliya mashaariic biyo kaydin ah ama biyo qodis ah. Hase yeeshee, intooda badani ma yeeshaan raandhiis. Sababtoo ah malaha qorshe sugan, gacan ku hayn joogto ah iyo kormeer. Waayo-aragnimaddu waxa ay inna faraysaa, si aan u xallino arrintan aan kor ku xusay, waa in aan hirgalinno Xeerarka iyo Shuruucda Biyaha Dalka.

Toddobadii sanno ee u danbeeyey dalka xukuumaddii Kulmiye waxay ka qodey 200 oo ceel oo dhaadheer, wali se waxa muuqata in haraadkii sii kordhaayo gobalada oo dhan. Khubarada biyuhu waxay ku taliyeen in ceelasha dhaadheer ka faa’iido badan yihiin biyo xidheennada. Iyada oo taa laga duulayo, waxaynu ka bilawnay sahamin biyo xidheenno goobolada oo dhan. Waa arrin u baahan dhaqaale xoog leh, aqoon iyo tiknoolaji casri ah. Xukuumad iyo Shacbi, waxa innala gudboon in aan awooddeena isugu gayno biyo xidheenno waaweyn, gobollada oo dhan shanta sanno ee soo socda”.

Qodobka 6aad Maamul-wanaagga iyo Maamul-daadejinta:

“Waxaynu dhisanay Gole Xukuumadeed oo kooban, oo ay ku jiraan Wasaaraddo cusub, kuwaas oo wax-weyn ka tari doona horumarka dalka iyo u adeegista bulshada. Xukuumaddani waa mid ku shaqaynaysa maamul daah-furan, oo ay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland la xisaabtami karaan. Waxa kale, oo Xukuumaddani ku dadaalaysaa dhismaha awoodda Hay’adaha Dawladda iyo ku dhaqanka maamul-wanaagga (Good Governance).

Sida la wada og-yahay musuq-maasaqu waa aafo Qaran, waxaana dhibaatooyinkiisa ka mid ah:

  • Wuxuu curyaamiyaa maamul-wanaagga.
  • Wuxuu wiiqaa kalsoonida uu shacabku ku qabo hayadaha dawladda.
  • Wuxuu lumiyaa adeegyada bulshada loo qabanayo.
  • Wuxuu adhax-da ka jebiyaa horumarka.

Sidaa darteed, waxaan halkan uga cadaynayaa shacab-weynaha Reer Somaliland in aanay xukuumaddani, haba yaraatee wax dul-qaad ah u yeelanayn Musuq-maasuqa iyo ku-tagri-falka hantida ummadda. Mana aqballi doono in macaash badan lagu helo xilalka Qaranka iyo in si khaldan loogu tagri-fallo awoodda shacabku noo igmaday. Waxa noo qorshaysan barnaamijyo lagula dagaalamayo musuqmaasuqa, waxaannuna beesha caalamka ka codsanaynaa in ay gacan nagan siiyaan wixii aqoon iyo farsamo ah ee lagula dagaalamayo Aafaddaa Qaran. Waxa noo qorshaysan in aanu xoojinno maamullada gobollada iyo degmooyinka dalka, iyadoo kor loo qaadayo awooddooda dhinaca hawl-gelinta iyo adeegyada ay bixiyaan”.

Qodobka 7aad Garsoorka iyo Cadaaladda:

“Waaxda Garsoorku waa waax muhiim ah oo ka mid ah saddexda dhadhaar ee uu ku salaysan yahay qaab-dhismeedka dawladda Somaliland ee kala ah: Xeer-dejinta, Garsoorka iyo Fullinta (Xukuumadda). Cadaaladdu waa nidaamka sida xabagta isugu haya xidhiidhka iyo wada-noolaanshaha ummadda . Waa nidaamka ilaaliya xasiloonida iyo deganaanshaha bulshada. Waxayna xaqiiqdu tahay hadii ay garsoorka iyo cadaaladdu inaga xumaaddaan inaanu qarankani cago-adag ku taagnaan karin. Sidaa awgeed hadii aan ahay odayga saddexda dhadhaar ee dawladda, waxa aniga iyo xukuumaddeenaba noo qorshaysan in la hagaajiyo, lana xoojiyo Nidaamka Garsoorka iyo Cadaaladda, waxaana jira hawlo hadda socda oo ku saabsan dib-u-habaynta iyo tayeynata nidaamka garsoorka.

Waxay xukuumadeenu ilaalin doontaa xuquuqda guud ahaan Muwaadiniinta Reer Somaliland, iyadoo si gaar ah loo sii ilaalin doono qaybaha bulshada ee nugul, sida (Haweenka, naafada, caruurta iyo dadka tamarta darran). Waxaannu xoogga saari doonaa qabyo-tirka wixii shuruuc ah ee la xidhiidha Garsoorka iyo guud ahaan xeerarka qabyada ah ee dalku baahida u qabo. Waxa xilligan horyaal golayaasha xeer-dejinta ilaa 15 xeer. Waxaannu ku adkaynaynaa Golayaasha in ay si dhakhso ah u ansixiyaan xeerarka horyaal iyo kuwo kale ee aanu dhawaan idin horkeeni doono, idinka oo hubinaya in Xeerarkaasi waafaqsan yihiin Dastuurka Qaranka”.

Qodobka 8aad Abaaraha iyo Isbedelka Cimilladda:

“Abaaruhu maaha wax inagu cusub ee weligood-ba way dhici jireen, waxayse dhici jireen xilliyo kala fog-fog oo 10-kii sannadood ilaa 20-kii sannadood-ba hal mar ah. Abaartaasna waxa loo bixin jirey magac caan ah oo laga yaqaan min daraf ilaa daraf dhulka Soomalidu degto. Waxa kale di’i jiray roobab badan oo abaarta lagaga soo kabto. Hase yeeshee, muddooyinkan dambe abaaruhu si dhakhso ah ayey u soo noq-noqdaan, roobabkiina way yaraadeen.

Waqtigan xaadirka ah waxa dhafoorka ummadda Reer Somaliland ka muuqda diiftii iyo saamayntii nololeed ee ay reebeen abaarihii isdaba-joogga ahaa ee inna soo maray xiliyadii u dambeeyey, kuwaas oo ay ilaa hadda qaylo-dhaantoodu taagan tahay. Marka hore, xukuumaddeenu waxba kala hadhi-mayso wixii itaalkeeda ah sidii ay wax uga qaban lahayd dhibaatooyinka iyo duruufaha adag ee ay reebeen abaarihii dalka ka dhacay. Waxaan bulshada reer Somaliland ugu baaqayaa inay noqdaan dad isu gargaara oo wada noolaada oo uu qof-ba qof kale caawiyo.

Abaaraha soo noq-noqonaya iyo roobabka yaraaday waxay sababeen xaaluf, waxayna xidhiidh la leeyihiin isbedelka cimillada. Sidaa awgeed, waxa lagama maarmaan ah in aynu wax ka bedelno qaab nololeedka reer-guuraanimo ee bulshadeenna iyo in aynu samaysanno qorshayalaal aynu kaga diyaar-garoobayno abaaraha soo noq-noqonaya. Waxa kale oo aynu ka hortagaynaa xaalufinta deegaanka, dhirta iyo duur-joogta. Innaga oo hirgalinayna Xeerarka iyo Siyaasadaha Qaranka ee Deegaanka.

Xukuumaddeenu waxay waddaa qorshayaal loogu diyaar-garaabayo wax ka qabashada dhibaatooyinka abaaraha, waxaanna Beesha Caalamka halkan ugaga baaqayaa inay gacan mug leh ka geytaan wax ka qabashada iyo u diyaar-garawga abaaraha soo noq-noqonaya, innagoo illaahay ka baryeyna inuu dhibaatada inaga saaro, naxariistiisana inoo shubo”.

Qodobka 9aad Doorashooyinka:

“Nidaamka siyaasadeed ee hanaanka xisbiyada badan iyo dimuqraadiyadda aynu dalka ka hirgelinay, waxay suurtagal ka dhigeen inay inoo qabsoomaan doorashooyin is-daba joog ah. Kuwaas oo dhammaantood ku qabsoomay si nabad-gelyo ah. Doorashooyinkaas oo ay ugu dambaysay tii madaxtooyada ee dabayaaqadii sannadkii hore hirgashay. Doorashadaasi waxay wax-weyn ka bedeshay, korna u qaaday sumcadda siyaasiga ah ee aynu dunida ku leenahay iyo aragtida Beesha Caalamku ka qabto dalkeena. Doorashooyinka dalkeenna ka dhacaa waxay ku kacaan kharash iyo culays dhaqaale oo xoog badan. Tusaale ahaan, doorashadii madaxtooyada ee u dambaysay iyo diiwaan-gelintii cod-bixiyayaasha, waxa ku baxay tacab iyo dhaqaale gaadhaya ilaa 24 Bilyan oo SL.SH (24 Million USD). 54% lacagtaas ka mid ah, waxa bixisay Jamhuuriyadda Somaliland, halka ay beesha Caalamka ee taageerta doorashooyinka iyo dimoqraadiyaddu ka bixiyeen 46%.

Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay ii soo gud-biyeen qorshaha hawl-galka iyo kharashka ku baxaya doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka oo isku sidkan iyo dib u furista diiwaangelinta cod-bixiyayaasha, kaas oo dhan 16.7 Bilyan SL. SH (16.7 Million USD). Haddaba, xukuumad ahaan waxa naga go’an in ay doorashooyinkaa isku sidkani ku qabsoomaan muddadii hore loogu qorsheeyey. Labadaa doorasho waxa muddeeyey idinka oo ah Baarlaamka Dalka, waxaana ansixiyey Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Xisbiga Waddani waxa uu ii soo gudbiyey 22-kii March, 2018, qoraal ah codsi xil ka qaadis xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, iyaga oo ku duraaya doorashadii Madaxtooyadda ee ay Guddidu qabatay November 13, 2017-kii. KDQ waxa ay fuliyeen dhammaan Xeerarkii iyo Hab-raacyaddii sharci ee doorashada. Waxa ay dhiseen dhammaan guddiyaddii iyo xafiisyaddii hirgalin lahaa doorashadda, oo waafaqsan Xeerarka doorashada. Waxa ay ku heleen ammaan iyo bogaadin caalami ah dal iyo dibadba. Waxa u marag-furay KDQ in ay si daah-furan, oo xor iyo xalaal ah u qabteen doorashadii Madaxtooyadda, Goob-joogayaashii Caalamiga ahaa iyo kuwii Maxalliga ahaa. Sidaa daraadeed, waxaan u arkaa dood xaqiiqda ka fog, sharcigana baal-marsan, oo lagu carqaladaynayo hanaanka geedi-socodka doorashooyinka”.

Qodobka 10aad Warbaahinta:

“Warbaahintu waa seef laba af-leh. Waxa wanaagsan in xaga khayrka iyo wax-tarka dalka loo adeegsado. Waxaannu Xukuumad ahaan diyaar u nahay horumarinta iyo tayeynta Warbaahinta dalka. Waxa noo qorshaysan kor u qaadista waxbarashada iyo aqoonta suxufiyiinta ka hawl-gala warbaahinta dalka. Warbaahintu haddii loo adeegsado dhinaca bur-burinta iyo sharka, waxa ay abuurtaa aafooyin Qaran.

Haddii dhinaca wanaagsan loo adeegsadana, waxa ay dhistaa Qaranka. Xoriyadda Saxaafaddu waxa ay sugan tahay, inta aanay ku gafin xoriyadda muwaadin kale. Waxaan ku boorinayaa bahda Warbaahinta in ay dalkooda u horseedaan nabadda, aqoonta, isku-xidhka bulshada iyo horumarinta dalka”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply