Madaxweyne ku Xigeenka oo UNDP Kala Hadlay in Mashaariicda Somaliland Aanay Soo Marin Gacan kale

0
357

Hargeysa (Dawan):- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa kala hadlay madaxa Hay’adda UNDP u qaabilsan Somaliland mashaariicda ay Somaliland ka fuliyaan sidii loo sii horumarin lahaa isla markaana loo gaadhsiin lahaa meelaha loogu talo galay si ay wax uga taraan baahiyaha jira.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabiley Agaasimaha hay’adda UNDP u qaabilsan Somaliland Mr George Conway oo ay wehelinayeen masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan UNDP ayay labada dhinac kaga wada hadleen mashaariicda ay dalka ka fuliso hay’adda UNDP iyo sida loogu baahan yahay in ay u noqdaan kuwo ay si gaar ah u soo gaadhsiiso Somaliland oo aan meelo kale soo marin .

Kulankan ay madaxweyne-ku-xigeenka iyo weftiga hay’adda UNDP wada yeesheen ayay kaga wada-hadleen sidii loo xoojin lahaa loona tayayn lahaa Mashruuca JPLG-3 oo ay UNDP iyo Somaliland iska kaashadaan, madaama oo ay hay’adaha midawga Yurub qayb ka yihiin mashruucaasi.

Waxa kale oo kulankan lagu lafo-guray sidii ay hay’adda UNDP qayb uga noqon lahayd una xoojin lahayd mashruuca “Public Private Partnership (PPP)” oo isagu la xidhiidha midaynta ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo ka dawliga ah iyo sidii loo tayeyn lahaa.

Ugu dambayn madaxweyne ku xigeenku wax uu weftiga kala hadlay in mashaariicaha Somaliland loogu talo-galay inay sideeda u soo gaadhaan una tixgeliyaan meelaha ay ku habboon tahay in hore loo gaadhsiiyo, si wax looga qabto baahiyaha jira .

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply