Qorshaha Xukuumadda Somaliland ee Arrimaha Amniga

0
339

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuurriyadda Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa jeexday qorsheyaal ay ku wajahayso wax ka qabashadas arrimaha Amniga, siyaasadda arrimaha dibedda, dhaqaalaha iyo horumarka, kaabayaasha dhaqaalaha, arrimaha bulshada, maamul-wanaagga iyo maamul-daadejinta, garsoorka iyo cadaaladda, abaaraha iyo isbeddelka cimillada, doorashooyinka iyo kobcinta warbaahinta dalka, qorshayaashaas oo si cad u qeexaya tallaabooyinka la qaadayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qorshayaashiisa siyaasadeed ee uu wax kaga qabanayo tobankan qodob, waxa uu ku soo bandhigay qudbaddii dastuuriga ahayd ee uu ka hor jeediyay golaha baarlamaaka Somaliland. Qodobadaasi oo aynu si taxane ah ugu soo qaadan doono wargeyska Dawan, innaga oo qodob qodob isu dul taagi doonna.

Haddaba ugu horrayn waxaynu soo qaadan doonnaa qorshaha iyo siyaasadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku wajahayo arrimaha ammaanka dalka, isaga oo madaxweynuhu xooga saaraya sugidda nabad-gelyada soohdimaha dalka ee dhul, bad iyo cir inta ba, taas oo uu dhidibada ugu adkaynayo jiritaanka qaranka, xasilloonida iyo deganaanshaha amniga qaranka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa naga go’an in aanu xooga saarno sugidda amniga soohdimaha dhul, bad, iyo cir ee dalka intaba, si loo adkeeyo jiritaanka Qaranka, xasilloonida iyo deganaanshaha amniga ee Jamhuuriyadda Somaliland. Siyaasaddeenu mar walba waxay tahay, dadka ku wada-dhaqan Gobolka Geeska Africa iyo dunida inteeda kaleba inay si wada-jir ah uga shaqeeyaan xoojinta nabadda, dhawrista derisnimada, faro-galin la’aan iyo iskaashi dhinaca ganacsiga ah.

Haddaba, si aynu u adkayno amniga iyo xasiloonida gudaha, waxa dhammaanteen waajib innagu wada ah, haddii aynu nahay xukuumad, xildhibaanno, salaadiin, cuqaal, odayaal, aqoonyahan, dhallinyaro, haween iyo shacab weynaba, inaynu si dhab ah uga wada shaqayno nabad ku-wada-noolaanshaha dadkeenna gees illaa ka gees. Shacbi-weynaha reer Somaliland waxaan ka codsanayaa inay walaaloobaan, oo gacmaha is-qabsadaan, oo dhexdooda isku kalsoonadaan.”

Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in ay ka go’antay midaynta bulshada reer Somaliland, waxaanu yidhi “Somaliland waa mid-qudha, waa shacbi kaliya. Qof, koox iyo qabiilka waxa ka wayn Qarannimadeena. Sidaa darteed, waxa innagu waajib ah ineynu Qaranka ka ilaalino wixii dhaawacaya.

Si aynu u sugno amniga guddaha, wuxuu ku talo-galkayagu yahay inaanu marka ugu horaysa xoojinno wada-shaqaynta Hayadaha Amniga iyo shacabka, iyada oo ay siyaasaddeenu tahay in aanu shacbiga siino barnaamijyo wacyi-galineed oo ah, inay la shaqeeyaan Ciidammada Amniga. Waxa kale oo uu ku talo-galkayagu yahay xoojinta iyo tayeynta Hay’adaha Amniga.”

Madaxweynaha Somaliland waxa uu caddeeyay in kor loo qaadayo tayada ciidamada Booliska, isla markaana lagu samaynayo xoojin iyo casriyayn, iyada oo kor loo qaadayo adeeyada qaybaha kala duwan ee ciidanka, waxaanu yidhi “Waxaannu tayeyn, xoojin, iyo casriyeyn ku samaynaynaa adeegyada qaybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska, si ay awood buuxda ugu yeeshaan ilaalinta amniga gudaha iyo wax-ka-qabashada dambiyada.

Waxa beryahan danbe soo kordhayey kooxo dhallinyaro yaryar ah, oo magaalooyinka dhexdooda ka samaynaya falal-dambiyeedyo wax u dhimaya xasiloonida magaaloyinka. Waxa keentay sabool-nimada iyo shaqo la’aanta.

Haddaba si looga faa’ideeyo muruqa iyo maskaxda dhallinyarada, Waxaannu bilowney Qorshaha Shaqo-qaran (National Service). Waxaannu u bilownay dhigaalka miisaaniydii lagu hirgalin lahaa Qorshaha Shaqada Qaranka.”

Madaxweyne Muuse Biixi waxa uu iftiiimiyay qorshaha xukuumaddiisa ee lagu wajahayo joojinta dagaalada iyo iska hor-imaadyada beelaha ee qabyaaladda ku salaysan, oo qabad ku ah sugidda amaaka qaranka, waxaanu yidhi “Marka laga hadlayo amniga iyo xasiloonida gudaha, waxa ugu horreeya in la joojiyo dagaalada iyo iska hor-imaadyada beelaha ee qabyaaladda ku salaysan. Dagaaladii beeleysnaa ee ugu danbeeyey waxa ku dhintey in ka badan 90 qof, intaa in ka badanina wey ku dhaawacmeen. Qarankeenu kama maarmo dad si dhib yar inooga dhinta, oo waliba ku baxa colaad la baajin karo. Bal u fiirasada, maxaynu ka dhaxalnaa dagaalada beelaha? Waa qax, waa goblan, waa asay, waa agoon iyo saboolnimo baahsan, baryo aynu u dirsanno qayrkeen iyo gacmaha oo aynu hoos dhigano”

Madaxweynuhu waxa uu sharaxay shilalka gaadiidka oo khasaare naf iyo maalba leh ku haya qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasi oo sii badanaya mar ba marka kadambaysa, waxaanu yidhi “Waxa kale oo khasaare naf iyo maalba leh innagu haya shillalka baabuurta ee soo badanaya. Sannadkii aynu soo dhaafney waxa dalka ka dhacay 2,258 oo shil baabuur ah oo ay ku dhinteen 160 qof, kuna dhawacmeen 1,956 qof.

Waxa aan hawl-galiyey Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku in ay deg-deg u fuliso qorshaha lagu xakamaynayo shilalka gaadiidka. In ruqsada kaxaynta baabuurta la siiyo, kaliya qof bartay sida baabuurta loo kaxeeyo, oo imtixaan adag oo dhab ah ka soo baxay. Sidoo kale, waxa waajib ah inuu jidadkeena mari-karo kaliya baabuur tayadiisa farsamo la hubiyey in lagu aamini karo naf iyo maal. Xukuumadda waxa ka go’an in la fuliyo Xeerka Wado-marista.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in xukuumaddiisu ay dagaal adag ka gelayso la dagaalanka kufsiga, si dalka looga tirtiro dhaqankaasi foosha xun, waxaanu yidhi “ “Sannadihii ugu danbeeyey, dalka waxa ku soo badanayey kufsiga, oo ah danbi culus oo laga galo hablaha sharafta mudan. Sannadkii 2017-kii oo kaliya waxa dalka ka dhacay 80 Kufsi, oo ay gaysteen 100 eedaysane. Inta badanna eedaysanayaasha gaysta dhaqankan xun ee innagu soo kordhay, waa dhallinyaro waxma garato ah. Waxaynu ka galeynaa dagaal adag sidii aynu u tirtiri lahayn,”

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in ay xukuumaddiisa ka go’antahay dhismaha iyo daryeelka ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, waxaanu yidhi “Caalamkan aynu maanta ku nool nahay, dal-walba waxa lagu qadariyaa inta ay le’eg tahay cududiisa milatari. Maanta, in kasta oo qalab iyo saanad culus Ciidankeenu leeyahay, haddana wali halka aynu la higsaneyney maynu gaadhsiin. Hase yeeshee, Ilaahay wuxuu inna siiyey dad naftooda u huraya difaaca Qaranka. Waxaynu leenahay Ciidan Qaran oo bir ah oo jabin kara cadaw kasta oo dalkeena u soo hungurooda.

Waa ciidan in ka badan afartan (40) sannadood u soo taagnaa xoreynta iyo difaaca Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxay leeyihiin feejignaan, xirfad dagaal, niyad adag, u adkaysiga xaaladaha qalafsan iyo go’aan qadasho dhiiran. Dawlad iyo shacabba waa ineynu wax walba u hurnaa dhismaha iyo daryeelka Ciidammada Qaranka ee aynu ku seexano.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply