DP WORLD oo saxeexday Heshiis 30 Sanno ah oo lagu Casriyaynayo Dekedaha Kongo

0
344

Banana (Dawan)- Shirkada DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa la sheegay inay heshiis soconaya muddo 30 sannadood ah oo la xidhiidha maamulka iyo casriyeynta dekeda Banana la gashay dawladda dalka Koongo.

Sida lagu shaaciyey qoraal shalay lagu daabacay wakaalada wararka Port Strategy, shirkadda DP World ayaa heshiis wadaag ah la gashay dawladda Koongo, kaas oo ay yeelanayso saami gaadhaya %70 dhismaha deked Gunn-dher ee dalka Kongo, taas oo noqonaysahorumar la saadaalinayo inuu kobciyo fursadaha ganacsi ee dalka iyo ku xidhnaanshahiisi dekedaha jaararka. Warkan ayaa lagu sheegay in Xukuumada Kongo ay yeelanayso saami gaadhaya % 30.

Gudoomiyaha shirkadda DP World oo ka hadlayey saxeexa heshiiskan oo ay ku baxayso dhaqaale gaadhaya US $350m, ayaa yidhi, “Waan ku faraxsannahay inaan gaadhno wadamo kale oo qaarada Afrika ah, maalgelin balaadhana ka samayno dalka Koongo, oo ah dalka saddexaad ee ugu dadka badan Afrika.”

“Maalgelinta dekedanni waxay balaadhin doonta fursadahii ganacsi ee dalka, isla markaana waxay soo jiidan doontaa shirkadaha maraakiibta isaga goosha qaaradaha Yurub iyo Aasiya, taas oo qaabayn doonta koboca dhaqaalaha dalka iyo gobolka,” ayuu yidh Guddoomiyaha shirkadda DP World.

Dhismaha hawshan ayaa bilaabmi doonta sannadkan, isla markaana la filayaa inuu 24 bilood ku dhamaato, taas oo bilowga lagu maalgelin doono US $350m. Dhaqaalaha ku baxaya mashruucan oo lagu sheegay US $1bn, una kala qeybsamaya afar weji ayaa la sheegay inuu ku xidhnaan doono adeegsiga dekeda.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply