“Waan ku Faraxsanahay in Wasaarad Ahaan Aanu ka Jawaabno Dalabkii Beeralayda”

0
305

Hargaysa (Dawan): Wasaaradda horumarinta beeraha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka jawaabtay dalab hore u soo gudbiyeen beeralayda dalka, kaas oo ahaa in wax lagala qabto tacabka beeralaha isla markaana laga caawiyo sidii ay ula dagaalami lahaayeen cayayaanka aafeeyey wax soo saarkii khudaarta.

Wasaaradda horumarinta Beeraha ayaa bilawday qorshe lagu tababarayo dadka beeralayda ah, kaas oo wax weyn ka taraya sidii ay ula dagaalami lahaayeen cayayaanka, tababarkaasi oo ay beeralayda dalka siinayaan khubaro ku takhusustay qaabka sida ugu wanaagsan ee loola dagaalami karro cayayaanka ku dhasha khudaarta.

Wasaaradda oo baaqii beeralayda ka jawaab celinaysa ayaa shalay agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha Maxamed Cilmi (Ilka-case) waxa uu tababar ku saabsan la dagaalanka cayayaanka ku dhasha noocyadda kala duwan ee khudaarta u furay xubno ka socday beeralayda dalka.

Tababarkani ku saabsanaa sidii ay ula dagaalami lahaayeen cayayaanka, nooca loo yaqaano Tuta Absulata (oo beeralayda u taqaano Magafe), kaas oo ahaa waxyaabaha u badan ee ay beeralaydu ka cabanaysay, Safarkii masuuliyiinta wasaaradda beeruhu ku tageen badi deeegaanada Beeralayda ah ee dalka.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Horumarinta beeraha Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) oo tababarka u furay beeralayda ayaa waxa uu tilmaamay in ay aad ugu faraxsan yihiin inay wasaaraddu ka soo jawaabto dalabkii beeralayda ee ahaa in wax lagala qabto cayayaanka aafeeyey wax soo saarkii khudaarta.

Maxamed Cilmi Aadan, ayaa waxa uu xubnaha beeralayda ka socday kula dar daarmay inay iyaguna beeralaydii kale ee deegaanada ay ka yimaadeen gaadhsiiyaan, marka ay bartaan cilmi la dagaalanka cayayaanka khudaarta ku dhasha, waxaanu yidhi “Aad baan ugu faraxsanahay inaanu ka soo jawaabno dalabkii beeralayda ee ahaa in wax lagala qabto cayayaanka ku dhasha khudaarta gaar ahaan cayayaanka aad u taqaanaan magafe, waxaanan rajaynayaa cilmiga aad halkan ka qaadataan inaad ku dabaqi doontaan wax ka qabashada beerihiina, isla markaana gaadhsiin doontaan beeralayda kale.

Tababarkan la dagaalanka cayayaanka ayaa ka dambeeyay, markii masuuliyiinta wasaaradda horumarinta beeraha oo uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda Axmed Muumin Seed ay safar ku mareen badi deegaamada Beeralayda ah ee dalka, kaasi oo waxyaabaha u badan ee ay ka cabanayeen ahaa Cayayaanka khudaarta ku dhasha.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply