Xildhinaan Ku Taliyay in Dastuurka La Waafajiyo Xeerka-nidaamiyaha Goleyaasha Deegaanka

0
314

Hargaysa (Dawan)- Xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa ku taliyay in dastuurka dalka la waafajiyo xeer-nidaamiyaha goleyaasha deegaanka oo uu sheegay in uu meelo badan ka baalmarsan yahay dastuurka. waxa kale oo uu intaa ku daray in mooshinka xeerkan laga keenay ee golaha wakiilada hor yaalla in loo baahan yahay in wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyo si loo waafajiyo dastuurka qaranka Somaliland.

Xildhibaan Cali Maxamed Aadan (Cali Barre) oo waraysi gaar ah siiyay wargayska Dawan, waxa kale oo uu intaa ku daray mudaneyaasha golaha wakiilada ay la gudboontahay in ay Dastuurka illaaliyaan. Waxaanu sheegay in ay 41 xildhibaan ku saxeexeen yihiin mooshinka wax ka bedelka xeerka golayaasha deegaanka isla markaana ay doonayaana in ay saxaan habka ay u shaqeeyaan golayasha deegaa dalku.

Xildhibaanka oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waa in dastuurka lagu socdo xeerka 23-aad ee golayaasha deegaanka dalka waa in meelo badan wax laga saxo 41 xildhibaan ayaan ku saxeexnay mooshinkan golaha wakiilada horyaalla cid u jeedo ka lihina ma jirto,xeerkan golayaasha deegaanka dalka waa in la saxo dastuurka ayuuna ka hor imanayaa,sharciga ayaana la saxayaa waxaanan leeyahay waa in sidiisa cod loogu qaado xildhibaanaduna dastuurka ama ha jlaaliyaan ama ha saxaan xeerkan oo dastuurka ha waafaqaan.waxa kale oo muhiim ah in la taabto qodobo ka mid ah xeerkan Waxa aan taageersanahay in dib loo eego qodobka sheegaya tirada lagu ridi karo maayarada iyo maayar ku xigeenada, waanan taageersanahay,in hoos loo dhigo tirada lagu ridi karo maayarada iyo maayar ku xigeenada magaalooyinka dalka,”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply