Baarlamaaka Canada oo Somaliland ku Ammaanay Hannaanka Doorashada

0
322

Otowa (Dawan)- Golaha Baarlamaanka dalka Canada ayaa lagaga hadlay hannaanka dimuqraadiyadeed ee ay cagta saartay Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana si weyn loogu faaqiday doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 13-kii bishii November, isla markaana sida aqlabiyadda ah loogu doortay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Baarlamaanka dalka Canada ayaa shalay laga horjeediyay warbixin lagu sharxayay Jamhuuriyadda Somaliland iyo qadiyada madaxbannaanideeda, iyada oo lagu majeertay Somaliland doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay, waxaanu Baarlamaanka Canada bogaadiyay hay’addaha sharci-dejinta iyo nidaamka caddaalada ee Somaliland ka hirgelay.

Xildhibaan MP. Chandra Arya oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka Canada ayaa ku dheeraaday hannaanka dimuqraadiyaddeed ee ka hanno-qaaday Jamhuuriyadda Somaliland iyo doorashooyinka sida xorta ah uga qabsoomay, isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaan jecelahay in aan ka hadlo, Somaliland oo ah dal ka madax banaan Soomaaliya, oo ay ku nool yihiin dad tiro ahaan lagu qiyaaso afar milyan.

Doorashadii u danbaysay ee Somaliland ka dhacday 13-kii bishii November 2017-kii, waxaa madaxweyne loogu doortay Muuse Biixi Cabdi, wuxuuna noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay oo cod sidaa u badan oo aqlabiyad ah lagu doorto.”

Xildhibaaku waxa uu intaasi ku daray “Dawladda Somaliland baarlamaankeedu waxay ansixiyeen xeerka tacadiyadda ka dhanka ah haweenka, iyo sidoo kale sidii loo yarayn lahaa tacadiyadda lagula kaco caruurta aan qaan-gaadhin.”

Mudane Chandra Arya, waxa uu bulshada reer Somaliland ku tilmaamay dad nabadda jecel oo mar kasta dhinaca wanaagsan wax ka eega, waxaanu yidhi “Dadka reer Somaliland waa kuwo had iyo jeer dhinaca wanaagsan wax ka eega, oo nabadda jecel. Madaxweynaha cusub waxaa laga filayaa in uu ka qayb qaadan doono kobcinta dimoqraadiyadda Geeska Afrika iyo in uu dalkiisa horumar gaadhsiiyo.”

Xildhibaan Chandara waxa uu ugu baaqay dawladda Canada in ay xoojiso xidhiidhka ka dhexeeya labada dal, waxaanu si weyn ugu mahad naqay jaaliyadda reer Somaliland ee Canada, waxaanu yidhi “Sidoo kale waxaan jecelahay in aan u mahad naqo jaaliyadda Somaliland ee degan magaaladda Ottawa ee dalkan Canada, dhamaantood dedaalkooda iyo sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyaan bulshooyinka kale. Waxaan soo jeedin lahaa in la sii wado taageeradda iyo xidhiidhka aynu la leenahay Somaliland”.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply