Somaliland oo ka Qayb Gashay Shirka Maalgashiga Aduunka

0
287

Dubai (Dawan)- Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sanadkan si rasmiya loogu soo casuumay in ay ka qayb gasho shirka maalgashiga aduunka oo sanad kasta lagu qabto magaaladda Dubai ee dalka isutaga imaaraadka carabta. Iyadoo wefti wasiirro ah oo ka socda jamhuuriyadda Somaliland oo shirkaasi ka qayb geli doonaa ay shalay gaadheen imaaraadka carabta.

Danjiraha Somaliland u fadhiya dalka imaaraadka carabta Baashe Cawil Jaamac, oo soo dhaweeyay weftiga wasiirrada ah ee Dubai kaga qayb gelaya shirka maalgashiga aduunka ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay shirkaasi ka qayb galaan.

Baashe Cawil, oo warbaahinta la hadlay waxa uu yidhi “Weftigani waxay u yimaadeen Dubai in ay ka qayb galaan shir sanad le ah, oo ka dhaca dalkan imaaraadka gaar ahaan magaaladda Dubai. Shirkaasi oo jamhuuriyadda Somaliland lagu soo casuumay.

Shirkaasi waxaa isugu imanaya 141 wadan, iyadoo Somaliland-na ay ka mid tahay wadamadda sida buuxda loogu soo casuumay, wixii warbixino ah ee kale-na dib ayaanu idiinkaga soo gudbin doonaa. Farxad weyn ayay noo tahay in aan shirkaa ka qayb galno, iyo in aan wasiirrada soo dhawayno”.

Sidoo kale wasiirka wasaaradda maalgashiga caalamiga ah Maxamed Axmed Cawad, oo ka mid ah weftiga wasiirrada Somaliland ka socda ee Dubai tegay, ayaa tilmaamay in shirkaasi oo socon doona muddo afar maalmood ah ay kaga qayb geli doonaan magaca Somaliland.

“Maanta (shalay) waxaanu soo gaadhnay magaaladda Dubai ee dalka isutaga imaaraadka carabta, waxaana na soo dhaweeyay danjiraha Somaliland ee Dubai.

Waxaananu u nimid in aanu ka qayb galno shirka sanad laha ah ee maalgashiga aduunka oo Dubai lagu qabto, waxaanan kaga qayb geli doonaa anagoo casuumad rasmiya ka helnay wasiirka maalgashiga ee imaaraadka carabta. Shirkani wuxuu socon doonaa afar maalmood wixii ka soo baxana waxaan ka hadli doonaa marka uu dhamaado”ayuu yidhi wasiirka maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply