Wakaaladda Biyaha Hargeysa oo Amar ka soo Saartay Daynabooyinka Biyaha Lagu Nuugo

0
426

Hargeysa (Dawan):- Wakaaladda Biyaha Hargeysa ayaa amar ka soo saartay daynabooyinka biyaha lagu nuugo ee dadka qaar u adeegsadaan in ay biyo badan ku helaan, isla markaana ku xidhaan qasabadaha biyaha, taas oo sababtay in ay biyuhu dhaafi waayaan cidda daynabada xidhatay oo aanay u gudbi karin guriga ku xiga.

Mareeyaha Wakaaladda Biyaha ee Magaalada Hargeysa Maxamed Cali Daarood, waxa kale oo uu ka hadlay qandaraas lagu bixinayo biyo ballaadhinta caasimadda, isaga oo intaa ku daray in ay qorshaynayaan in dhammaan xaafadaha kala duwan ee magaaladu ay si siman u wada helaan biyaha.

Maareeyuhu waxa kale oo uu ka digay in biyo laga dhaamin karo dooxa weyn ee Hargeysa. waxaanu sidaa ku sheegay Maareeye Daarood waraysi uu shalay siiyey Shabakadda Wararka ee Hadhwanaag.

Maareeyaha oo ka hadlayay qandaraaska la bixinayo iyo waxa uu yahay ayaa yidhi “waxa la galay marxaladii la bixin lahaa qandaraaska biyaha soo gaadha Hargeysa sidii ay si siman u qaybsan lahayeen degmooyinka iyo xaafadaha kala duwan, si dhismaha mashruucu u bilaabmo bisha sagaalaad ama tobnaad, mashruucan waxa uu meesha ka saarayaa biyaha aan sida siman ugu qaybsamin bulshada Hargeysa ku nool.”

Maareeyaha oo ka hadlayay Daynabada biyaha lagu nuugo iyo saamaynta ay bulshada ku yeelatay iyo tallaabada ay ka qaadanayaan, ayaa yidhi “Daynabada oo culays badan ku haysa qaar ka mid ah shacabka Hargeysa oo biyo ka heli lahaa Wakaaladda, laakiin aan ka helin daynabadaa daradeed, waa sharci darro bahaashaasi (daynabad) Wakaaladduna ma ogola. Sababta oo ah waxa laga yaaba biyihii ay boqol qoys cabbi lahayeen in ay u soo jiiddo hal qoys ama hal meherad , waanu la dagaalamaynaa qofka lagu arkana biyaha waanu ka jaraynaa ganaaxna waanu ka qaadaynaa wax aanu ogolnahayna maaha ee waa arrin sharci daro ah”

Ugu dambayn waxaa uu digniin u diray dadka biyaha ka dhaamiya dooxa weyn ee Hargeysa, isaga oo amarna faray laamaha ammaanka, waxaanu yidhi “Biyaha dooxa Hargeysa laga dhaamiyaa biyo la cabbi karo maaha , Caafimaad ahaan khatar ayey keeni karaan waayo dooxu imika waa uu wasakhaysan yahay oo qashinka ayaa lagu qubaa waana sharci darro nimanka kasoo dhaamiya dagaal ayaanu kula jirnaa kii aanu ku aragno tallaabo ayaanu ka qaadaynaa laamaha ammaankana waxaanu faraynaa in ay tallaabo culus ka qaadan waayo khatar ayey ku yihiin Caafimaadka Bulshada.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply