Somaliland oo laga Xusay Maalinta Shaqaalaha Adduunka

0
303

Hargeysa (Dawan)- Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa ayaa shalay lagu qabtay munaasibad lagu weynaynayo xuska maalinta shaqaalaha Aduunka, oo sannad walba xiligan oo kale kowda bisha May laga xuso caalamka oo dhan, kaas oo lagu qabtay hoolka xarunta shaqaalaha Dawladda.

Munaasibadan loogu dabaal dagayo maalintani shaqaalaha adduunka ayaa waxa ka qayb galay Wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada Jamhuuriydda Somaliland marwo Hinda Xirsi Gaani, masuuliyiinta inta badan ururada shaqaalaha Somaliland, iyo madax badan oo ka tirsan xukuumadda.

Wasiirka shaqo-gelinta Marwo Hinda Xirsi Gaani oo munaasibadaasi hadal ka jeedisay ayaa hambalyo iyo bogaadin u dirtay guud ahaan shaqaalaha Jamhuuriydda Somaliland, waxaanay sheetay inay gacanta ku hayaan gorfaynta xeerka shaqaalaha rayidka ah ee xeer L/30/2014, waxaanay tilmaantay in dib u curinta xeerkan waxyaabaha ku dhaliyay ay tahay iyada oo aan shaqeeyaha iyo loo shaqeeyuhu inta badan aanay wax hishiisa kala saxeexaan.

Agaasimaha waaxda xidhiidhka shaqaalaha rayidka ah ee wasaarada shaqa-gelinta Cumar Ismaaciil Tukaale oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay sababta hadda ku kaliftay dib u curinta xeerka shaqaalaha rayidka waxaanu yidhi “Ka wasaarad ahaan waxaa aanu wadnay oo maalmahanba aanu gorfaynaynay xeerkii shaqaalaha rayidka ah, ee xeer No/31 2014. shaqaalaha rayidka ahna waxaanu ku sameyn doonaa diwaangalin, in qofkasta oo shaqaale rayida la soo diwaangaliyo, oo xogtiisa oo dhameystiran wasaaradu heyso, si hadhaw loo helo inta shaqaale rayida ee Jamhuuriyadda Somaliland ka shaqeeya ee saxda ah, si ay u noqdaan shaqaale cashuur bixiyayaala oo hadhaw haday isku dhacaan loo shaqeeyaha iyo shaqaaluhu isna uu helo xuquuqdiisi, waxyaabaha imika sababay in xeerka shaqaalaha dib u curin lagu sameeyo, waxaa ka mida loo shaqeeyihii iyo shaqaalihii ma galayaan wax heshiis ah.”

Guddoomiyaha ururka rayislayaasha Somaliland ee Midnimo mudane Deeq Daahir Faarax ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay, waxaanu yidhi “Waxyaabaha ururkayagana aanu u asaasney waxa ka mid ah, kadib markii aanu aragnay rag ajaaniba oo shaqadii muwaadiniintayadu laheyd haya, faro-galin ballaadhana ku hayaan, iyaga oo hay’addo wadanka gudihiisa jooga ay dabada ka riixayaan, sidii ay ugu maalgalin-lahaayeen, taasi ayaa nagu dhalisay aasaasida ururkani.”

Daahi Faarax waxa uu intaasi raaciyay “Markii hore ururkani wuxuu ku koobnaa Hargeysa oo kaliya, laakiin imika gobolada dalka oo dhan ayaanu xarumo ku leenahay, waxaanu ururkani shaqo ballaadhan u hayaa tumaalada, rayiislayaasha iyo cid kasta oo xirfadani ku shaqeysa, ilaa 1940-kii kaboolayaasha wadanku waxa ay ahaayeen kuwa wada daboola baahida wadanka ee dhanka kabaha iyada oo aanay kab kali ahi inooga iman jirin dalka dibadiisa, imika wax soo saar ay sameeyaan kaboolayaasha wadankeenu ma jiro, dadaal badan oo aanu sameynay ka urur ahaan waxaanu ku guuleysanay mashruuc lagu tababarayo sidii loo soo celin lahaa xirfaddii kaba-tolayaasha Somaliiland, bishan gudaheedana waxaanu dooneynaa inaanu soo saarno kabihii ugu horeeyey ee lagu sameeyo gudaha dalka Somaliland, 75- wiil oo tima jarayaasha caasimada ah ayaanu soo saarnay, waxaanay xukuumada uga baahan yihiin inay ka gacan siiso.”

“Waxaanu heynaa goobtii laga bineyn-laha dugsiga tima jarayaasha waxaanu xukuumada talada dalka heysa ka codsaneynaa hirgalinta dugsigani, si aanu u horumarino xirfada inamada tima jarayaasha, oo xataa innamada jaamacada ku jiraa ay xirfadani u bartaan oo aanay cidna koooto ugu xidhnaanin, waayo kumanaan ka soo baxay jaamacadaha wadanka ayaa bilaa camal ah” ayuu yidhi gudoomiyaha ururka rayislayaasha Somaliland ee Midnimo mudane Deeq Daahir Faarax.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply